U bood dhigaalka

Akhriso Sababta Aan Looga Ciidin Galmudug

Sheeko:Dalka

Maanta oo ay ku beegantahay Maalinta 1-aad ee Ciidul Adxa waxaa laga Ciidin deegaannda ay gacanta ku heyso Ahlu sunna Waljamaaca iyo Maamulka Galmudug.

Magaalooyinka aan laga Ciidin waxaa ka mid ah Guriceel, Dhuusamareeb, Xeraale, Ceeldheere, Caabudwaaq, iyo qeybo ka mid ah Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Cadaado oo uu ka taliyo Maamulka Galmudug.

Sidoo kale waxaa jira deegaanno iyo Tuulooyin kale oo aan laga Ciidin sida Matabaan, Mareer-gur Godinlabe, Gallinsoor, Bandiiraley iy Dagaari iyo meelo kale oo ka tirsan gobollada Mudug, Galgaduud iyo Hiiraan.

Sida uu ku waramayo Wariyaha Goobjoog News ee gobolladaas sababta ayaa lagu micneeyay in bisha aan weli toban gaarin oo ay ciidi doonaan Maalinta berri ah.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada