U bood dhigaalka

Akhriso: Sababta Bangiga Adduunka Uga Digay Khatarta Lacagaha Taleefonada

Sheeko:Dalka

Warbixin uu bangiga adduunka todobaadkan ka soo saaray dhaqaalaha Soomaaliya waxaa uu ku sheegay 2 khatar oo haddii aanu maamulka Farmaajo wax ka qaban laga dhaxli-doono cawaaqib xumo.

Lacagta Mobilka:

Bishiina waxaa lagu qiimeeyey lacagaha taleefonada gacanta la isugu gudbiyo ee Soomaaliya $2.7 bilyan oo ka dhigan in 155 Milyan jeer ay dadka lacag isu direen.  Qiyaasta 36% dakhliga guud ee wadanka ayaa mara hanaanka lacagaha la isugu diro taleefoonada, 73% ayaa adeegsada hanaanka taleefoonada lacagah la isugu diro. Lacagaha taleefoonada la isugu diro waa kuwa ugu balaaran ee hadda habka kala gudbinta lacagta loo isticmaalo, iyadoo loo adeegsanayo qof qof iyo ganacsiba gudaha Soomaaliya.

Khatarta: Lacagaha taleefonada ee soo gala bangiga ayaa ka badan kuwa ka baxa, sidaasi darted waxaa dhici karta inay shirkadda bangiga ama adeegga isla leh ku dhiirato inay lacagtaas iska isticmaalaan, oo maal-geshi ku sameystaan, halkaasina ay khatar ka dhalato.

Bangiga adduunka waxaa uu leeyahay lama oga in bangiga ay taallo lacagta qiimo ahaan u dhigma midka ay dadka ku shubaan ama isu wareejiyaan. Ma jirto hufnaan lacag isu diris ah, waayo qofka aad lacag u dirto, isla lacagtii ayuu kuu soo celin ama qof kale u dirayaa lacagaha wareego waa tii ay dadka dhigteen, halka hantidii uu bangiga lahaa sidoo kale ay dhul iyo maalgeshi ku sameystaan. Sidaa darted, ku tiirsanaanta sare ee lacagaha taleefoonada la isugu diro waxay kordhisay dayacnaanta ku timid maqnaanshaha hanaan sharciyeed oo rasmiya. Oo haddii uu bangigaas burburo ama dhibaato ku timaado, waxaa hanti beelaha inta badan dadka Soomaalida ah.

Cafinta Deymaha:

Dhinaka kale, Bangiga Adduunka waxaa uu ka digay in loolanka u dhaxeeya dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada uu dib u dhigo karo ama carqaladeyn karo hannaanka cafinta deymaha Soomaaliya.

“Dib u dhaca ku yimaada hagaajinta dhaqaalaha ee u dhaxeeya dowladda federaalka ah iyo maamuulada xubnaha ka ah waxaa uu dib u dhigi kartaa inuu caadi noqdo xiriirka Soomaaliya iyo hey’adaha ku shaqada leh hannaanka ceymaha lagu cafiyo, waxaa kale oo kale dhalan kara in ay Soomaaliya seegto barnaamijka uu deymaha ku bixiyo bangiga adduuka ee (IDA), waxaa kale oo meesha ka bixi-doonta inay dunida maal-geshato Soomaaliya” sidaasi waxaa lagu sheegay qoraalka bangiga.

Goobjoog News