U bood dhigaalka

Akhriso Sababta Dib Loogu Dhigay Munaasabadda Caleemasaarka Madaxweyne Qoorqoor

Sheeko:Dalka

Qoraal ka soo baxay guddiga qabanqaabada munaasabadda caleemasaarka madaxweynaha Galmudug ayaa lagu sheegay in dib loo dhigay waqtigii loo asteeyay in ay dhacdo munaasabadda caleema saarka madaxweyne Qoorqoor iyo ku xigeenkiisa oo ahayd 26-ka bishan.

Sababta dib loogu dhigay munaasabadda ayey guddigaan ku sheegeen in ay tahay xanuunka Coronavirus oo dalka laga helay kiiskii ugu horeeyay, sidaasina ay go’aankii hore ku badaleen.

War qoraala oo uu boggiisa facebuugga ku daabacay guddoomiyaaha guddiga Yuusuf Garaad ayaa lagu yiri “Guddiga Qabanqaabada caleemasaarka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug iyo ku Xigeenkiisu ka dib markii uu qiimeeyay xaaladda uu dalku galay, dulinka Korona oo soo gaaray awgiis, wadatashina la sameeyay Madaxtooyada Galmudug, wuxuu go’aansaday in dib loo dhigo munaasabadda Caleema saarka oo dhici lahayd 26-ka Maarso 2020”

Sidoo kale guddiga ayaa ka dhawaajiyay in munaasabadda ay baajiyeen ka dib markii ay arkeen saameyn ay ku yeelanayso xayiraadda dowlaaddu ay ku soo rogtay duulimaadyada caalamiga ah, maadaama munaasabadda la qorsheynayo in ay ka soo qeyb galaan masuuliyiin heer caalami ah.

“Guddigu wuxuu go’aankan gaaray markii uu arkay saameynta ay xannibaadda dayaaraduhu ku yeelatay qurbajoogta Soomaaliyeed ee ka qeyb geli lahaa munaasabadda, arkay talada dhakhaatiirta, dhegeystayna soo jeedinta Dowladda Federaalka ee ah in la dhimo kulammada waaweyn, Guddigu wuxuu garawsaday baahida loo qabo in maskax, muruq iyo maalba la isugu geeyo ka hortagga faafidda dulinka Korona iyo daryeelka dadka qaada cudurka ka dhasha ee Covid-19” ayaa la sii raaciyay hadalka ka soo baxaya Yuusuf Garaad Cumar.

Ugu dambeyn guddigu waxa uu sheegay in munaasabadda la qaban doono xilli ku habboon, islamarkaana ay dadweynaha la soo wadaagi doonaan waqtiga.

“Caleema saarka waxaa la qaban doonaa xilli ku habboon kaas oo uu Guddigu la wadaagi doono Dadweynaha xilli gudboon” ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka ka soo baxay guddoomiyaha guddiga qabanqaabada munaasabadda caleemasaarka madaxweynaha Galmudug iyo ku xigeenkiisa.

Dowladda federaalka ayaa sheegtay in xayiraad dhinaca duulimaadyada caalamiga ah ay ku soo rogtay dalka si looga baaqsado in uu waddanka ku faafo caabuqa Coronavirus oo kiiskii ugu horeeyay ay wasaaraddu caafimaadku shaacisay.

Goobjoog News