U bood dhigaalka

Akhriso: Sababta uu Dib ugu Dhacay Kulanka Farmaajo iyo Xisbiyada Qaran

Sheeko:Dalka

Warar soo baxaya ayaa sheegaya inuu dib u dhacay kulan lagu waday in uu saaka madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo la yeesho dhammaan xisbiyada qaran ee dalka ka jira.

Ilo ka tirsan xisbiyada oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegaya in agaasimaha Madaxtooyada Qaranka Dr. Nuur Diiriye Xirsi Fuursade uu la soo xiriiray hoggaanka xisbiyada una sheegay in shirkii lagu waday maanta uu u dib dhacay sabtida 9:30 subaxnimo.  Sababta waxaa lagu sheegay Farmaajo oo kulamo kale oo degdeg ah galaya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shalay kulan gaar ah waxaa uu la yeeshay madaxweyneyaashii hor Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh, waxaana lagu go’aaamiyey:

Qodobada Madaxweyneyaashu ka wada haldeen, la iskuna afgartay:

1. Farmaajo wuxuu ka garaabay kana soo hoyday ficiladii foosha xumaa ee ay kula dhaqmeen Madaxweyneyaashii hore.

2. Waxaa la isla gartay doorashada hay’adaha dastuuriga ah oo dhan in ay xiligeedii ku dhacdo. Dhamaan dowlada federaalka, dowlad goboleedyada iyo saamilayda siyaasadeedna ka heshiiyaan modelka doorashada 2020 – 2021

3. Inla dhowro dastuurka, xuquuqda iyo xorriyaadka muwaadiniinta Soomaaliyeed.

4. Ciidamada siyaasada in laga dhex saaro. Siyaasiintuna aysan amniga siyaasadeyn.

5. La dagaalanka Alshabaab in meel looga soo wada jeesto.

6. Qodobo kale oo laga wada hadlay lkn lagu balamay in marka la iskaga yimaado oo laga wada hadlo ayaa jira.

Goobjoog News