U bood dhigaalka

Akhriso Sharciga: Dalkee Ayuu Farmaajo Daacad U Yahay, Mareykanka Mise Soomaaliya?!

Sheeko:Dalka

Sida ay qortay wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka waaxdeeda qunsuliyadaha, waxaa jira shaqooyin ay muwaadiniinta Mareykanka ku lumin karaan dhalashada dalkaasi haddii ay ka qabtaan dal ajnabi ah.

Qofka Mareykanka ah ee qaan-gaarka ah shaqo waa ka heli karaa dal ajnabi ah,  haddii shaqada tahay mid hoose, oo aan siyaasad ku shaqo laheyn, uma baahna inuu wasaaradda arrimaha dibadda u sheego ama uu bixiyo sabab.

Laakin haddii shaqada ay tahay mid siyaasadeed, sida madaxweynennimo, ra’isul wasaare, wasiir ama jago kasta oo siyaasi ah, marka hore, waxaa ay u badantahay inuu lumiyo jinsiyadda Mareykanka.

Isla xeerka  349(a)(4), oo hoos tagaya Immigration and Nationality Act (INA) waxaa ku qoran inay jirto hal sabab uu qofka siyaasadda dal ajnabi ah ku biiray sida madaxweyne, ra’isul wasaare, wasiir ama xil kale uu ku sii heysan karo jinsiyaddiisa Mareykanka, taas oo ah inuu la xiriiro wasaaradda arrimaha dibadda, una sharaxo ujeedka shaqada uu ka leeyahay iyo in shaqadaasi aaney ka hor imaaneyn ama dhibaato u geysaneyn danaha Mareykanka uu ka leeyahay caalamka!

Sida sharciga wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ku qoran, muwaadin Mareykan ah haddii uu shaqo siyaasadeed ka qabanayo dal ajnabi ah waa inuu lumiyo jinsiyadda, waayo danaha ayaa is jiiraya balse haddii uu rabo inuu sii heysto dhalashada Mareykanka waa in uu wasaaradda u sharaxo inuu halkaasi u joojo ilaalinta danaha Mareyakanka (hadal iyo ficil ahaan).

Hadal: Mas’uulka heysta dhalasho Mareykan, ee dal kale ka noqdo mas’uul siyaasadeed, isla markaana aan celin jinsiyadda, ee ka codsaday wasaaradda arrimaha dibadda inuu sii heysto dhalashada Mareykanka waxaa laga rabaa in hadalkiisa aanu ka hor imaanin qiyamka iyo siyaasadaha Mareykanka ee la xiriira dimoqoraadiyadda, xuquuqda haweenka, taageeriyadda dadka laga tirada badanyahay iyo wax walba oo Mareykanka ay u ololeeyaan.

Ficil:  Mas’uulka heysta dhalasho Mareykan, ee dal kale ka noqdo mas’uul siyaasadeed, isla markaana aan celin jinsiyadda, ee ka codsaday wasaaradda arrimaha dibadda inuu sii heysto dhalashada Mareykanka waxaa laga rabaa in ficilladiisa aaney wax u geysan danaha Mareykanka, inuu ku fakir ahaado madaxdiisa Aqalka cad, waa inuu ku raacaa Washington  go’aannada la xiriira arrimaha dowliga ah sida Falastiin, lana saftaa Mareykanka marka laga codeynayo Qaramada Midoobey iyo meel walbo.

Ficillada ay tahay inuu ilaaliyo waxaa ka mid ah; dowlad wanaagga, xuriyadda hadalka, waa inuu ka fogaadaa musuqa, in aanu ka hor imaanin xeerarka dalka Mareykanka la diiday sida dilka.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo heystay jinsiyadda Mareykanka, weli uma caddeyn shacabka Soomaaliyeed  inuu weli heysto dhalashadii  ama inuu celiyey, haddii aanu celin waxaa xaqiiq ah inuu ka shaqeynayo danaha Mareykanka, waayo taasi waxaa ka dhigantahay inuu la xiriiray wasaaradda arrimaha dibadda, una balanqaaday ilaalinta danaha Mareykanka

Abuukaate Cabdiwaxid Cabdullahi  Warsame, oo ku nool Mareykanka,  xeerkanna soo akhriyey waxaa uu Goobjoog News u sheegay “Farmaajo ma hubo inuu dhalashada Mareykanka iska celiyey iyo in kale, balse haddii aanu celin, ee uu Mareykanka ka codsaday inuu sii heysto, waa nin xujeysan, marka hore dan Soomaaliyeed kama shaqeynayo, marka xigta ficilladiisa uu sameynayo waa arrimo ka hor imaanaya wixii ay u taagnaayeen jiritaanka Mareykanka”.

Abuukaate Cabdiwaxid Cabdullahi  Warsame waxaa uu intaasi raaciyey “Farmaajo ciidamadiisa sir qaldan oo ay bixiyeen ayaa lagu dilay askar Mareykan ah, dowladiisa waxaa ka jira musuq baahsan, waxaa uu garab maray dowlad wanaaggii Mareykanka, waxaa kale oo jirta inuu baabi’yey awoodihii garsoorka iyo golaha sharci-dejinta…”.

Ugu dambeyntii, Abuukaate Cabdiwaxid Cabdullahi  Warsame waxaa uu soo-jeediyey in madaxweyne Farmaajo ay tahay inuu shacabka Soomaaliyeed u caddeeyo haddii uu weli heysto jinsiyadda Mareykanka iyo inuu celiyey, waayo hadda lama oga cidda uu u shaqeeyo ama daacad u yahay.

Goobjoog News