U bood dhigaalka

Akhriso: Sheekh Shaakir Oo Magacaabay Guddiga Farsamada Doorashooyinka Galmudug

Sheeko:Dalka

Sheekh Maxamed Shaakir Cali, madaxa xukuumadda Galmudug ayaa soo saaray warqad uu ku magacaabayo guddiga farsamada doorashooyinka Galmudug.

Guddigan ayaa ka kooban 11 xubin, iyadoo qoraalka lagu sheegay in lagu saleeyey heshiiskii ay wadagaleen DFS iyo maamulka Galmudug.

Wasaaradda arrimaha gudaha DFS ayaa horey u magacawday guddiga farsamada iyo Dhismaha Galmudug, waxaana ka horyimid guddigaasi hoggaanka Ahlu-sunna.

Wasiir arrimaha gudaha DFS, Cabdi Maxamed Sabriye oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa xalay kulamo la qaatay madaxda Ahlu-sunna, iyadoo la isku fahmay xallinta mad-madowga Labada dhinac, balse qoraalkan ayaa kulankaasi kadib kasoo baxay xafiiska Sheekh Shaakir taas oo muujineysa in kulankii xalay uu fashilmay.

Halkaan hoose ka akhriso:

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada