U bood dhigaalka

Akhriso: Shuruudaha Qofka u Tartamaya Madaxtinnimada Koonfur Galbeed

Sheeko:Dalka

Guddiga doorashada madaxweynaha dowlad goboleedka koonfur galbeed ayaa maanta soo bandhigay shuruudaha laga rabo qofka u tartamaya madaxweynenimada koonfur galbeed.

Shuuradaha Waxaa Ka Mid Ahaa:

1- Inuu yahay muwaadin Soomaali ah, una dhashay deegaannada Koofur Galbeed, oo aan qabin xaas ajnabi ah.

2- Inuu muslim yahay, kuna dhaqmo diinta islaamka.

3- Da’diisu in aysan ka yaraneyn 40 sano.

4-Leh  aqoon iyo waayo aragnimo u qalanta xilkaas.

5- Dhimirkiisu dhan yahay.

6- Gelin dambi culus oo ay maxkamadi xukuntay.

7- Inuusan haynin wax xil ah oo loo magacaabay

8- Bixinta curaar dhan $20,000 (ragga), $10,000 (dumarka) oo dib loo celineyn laguna shubayo xisaabta guddiga doorashada.

9- Inuu u hogaansamayo habraaca guddiga qabanqaabada doorashada, iyo inuu ku qancayo natiijada.

Waxaa kale oo laga rabaa:

Inuu qeybiyo 200 oo nuqul oo barnaamijkiisa ah,

Inuu barmaajikiisa ka hor sheego kulanka guud ee baarlamaanka Koonfur galbeed.

Inuu gudbiyo Dokomenti cadeynaya inuu buuxiyey shuruudda

Goobjoog News