U bood dhigaalka

Akhriso: Shuruudo Lagu Xiray Murashaxiinta Madaxtinnimada Jubbaland

Sheeko:Dalka

Guddiga doorashooyinka madaxa banaan ee dowlad gobaleedka Soomaaliyeed Jubbaland,ayaa soo saaray shuruudaha laga rabo mursharaxiinta u taagan qabashada xilka madaxweynanaha Jubbaland.

Warqad qoraal ah oo ka so baxday  xafiiska guddiga madaxabanaan oo fadhigoodu yahay magaalada Kismaayo, ayaa lagu sheegay ilaa dhowr qodob kuwaas oo laga rabo in ay soo buuxiyaan murashaxiinta u taagan qabashada xilka madaxweynaha dowled gobaleedka Jubbaland.

Warqadaan ay soo saareen guddiga doorashooyinka madaxabanaan ee Jubbaland ayaa loogu baaqan dhamaan murashaxiinta , in  arjiyadooda.ay soo gudbiyaan laga bilaabo   16-7-2019-ka ilaa 22-7—2019-ka

Halkaan ka aqriso.

Goobjoog News