U bood dhigaalka

Akhriso Sida Aqalka Sare Uga Doodeen Khilaafka Dowladda Dhexe Iyo Dowlad Goboleedyada

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaannada aqalka sare ayaa maanta marka hore ka tacsiyeeyay dhibaatadii ka dhacday qaraxii isgoyska Zoobe iyaga oo intaasi kadib ka dooday khilaafka u dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.

Kulanka oo ay joogeen guddoomiyaha aqalka Cabdi Xaashi iyo ku-xigeenkiisa Abshir Maxamed Axmed(Bukhaari) ayaa Guddoomiyaha golaha Cabdi Xaashi waxaa uu ugu horeyn sheegay in aqalkan uu u xil saaran yahay dowlad goboleedyada iyo arrimaha federaalka isaga oo soo jeediyay in Xildhibaannada ka doodaan khilaafka u dhaxeeya dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyada.

“Waxaan rabnaa aqalkan isaga oo ah inuu xal u helo, oo labada dhexdooda taagay, in si fiican looga doodo, oo qof weliba fikirkiisa gaar u leeyahay ku hadlo, ka doodo, oo ay noqoto in aan ku dhaqaaqno wixii ka soo baxo..oo Khilaafka jira uu xal u noqdo.”.

Senator Cabdirisaq Cismaan Xasan Cismaan Jurille oo arrintan ka hadlay waxaa hadalladiisa ka mid ahaa “Qodobka ugu muhiimsan ee xukuumadda laga rabo waxaa weeyaan barnaamij ka muuqato, kuna caddahay, aasaasna u tahay kalsooni, wada shaqeneed in uu abuurayo barnaamijkaasu, aasaas ayey u tahay, shuruucda awoodaha uu siinayo hey’adaha dastuuriga meesha ayey ku qoran tahay oo iyaga lagama rabo in ay sheegaan ee in ay raacaan oo fuliyaan ayaa laga rabaa..waxaa laga rabaa jawi kalsooni oo lagu wada shaqeyn lahaa, laguma meel-mari lahaa oo dalka isku heysan lahaa”

“Waxaa abuurmay  kala aragti duwaanshiyo, waxaa abuurmay in maamul goboleedyada qaataan go’aanno ka duwan midka dowladda dhexe, waxaa abuurmay in halkaasi shakiga ka abuurmay uu xowli ku socdo uu gaaro oo dowladdii dhexe aaney xiriir fiican la laheyn dowladihii xubnaha ka ahaa..waxaa sameymay gole, qodobo badan ayaa sheegaya in ay sameyn karaan, sharci-darro ma aha, laakin wal-walku waxaa weeye waxaa ay ku sameysmeen xaalad cabsi ah oo dhibaato socoto”.

Senator Xuseen Sheekh Maxamud Xuseen waxaa uu qabaa in dowlad goboleedyada ay iska qaraaban karaan“142 ayaa jirta oo Senator Jawaahir soo fiican u soo xigatay oo ka hadlaya dowladaha xubnaha ka ah dowladaha federaalka ah tii dastuur sii heysatay sii heysaneyso inta dib-u-eegista dastuurka la dhameynayo, tusaale aan soo qaadanno marka, Puntland dastuurkeeda qodobka 3aad, farqadiisa 3aad, maxay leedahay, Puntland waa state madaxbannaan ayey isku aragtaa, sidaas ayuu qorayaa, micnaha waxaa ay ka dhigan tahay, arrimaha dibadda ayey maamulaneysaa, resourcekeeda, waxaa ay sameysaneysaa wax walbo oo difaaceeda ah, dastuurka Soomaaliya ayaa u fasaxaya in ay sidaasi sameysanto..marka in dowlad goboleed la qabsado ma aha, meel lagu qabsan karo dowlad goboleed ma jirto, waa sharci in ay soo qaraabtaan”

“Meeshey doonaan heshiis ku galaan arrimaha dibaddana waxay doonaan ka sameystaan in la is waafajiyo ayaa la rabaa inta la is waafajinayo Puntland keeda ayey heysaneysaa yaa u diidaya 142 ayaa u ogol intaas waa mabaadii’da caamka ah ee dastuurkaan uu caddeeyay.

“Dastuurkaan ayaa caddeeyay,  waxaa aan hadda ka hadlaayo in asaga aan ku nqono oo dib u eegis aan ku sameyno ayuu xalka ku jiraa, tabashada ay dowld goboleedyada ay hadda soo jeediyeen aniga waxaan u arkay in boqolkiiba sagaashan ay sax tahay sababtoo ah waxay leeyihiin lalama tashanin dastuurkana waxaa uu sheegayey wada tashi “

Senator  Cabdi Axmed Dhuxulow “Dheg-dheer” waxaa uu soo jeediyay in guddoonka ay saaraan dad dhex-dhexaad ah isaga oo arrintaasi ka hadlaya waxaa hadalladiisa ka mid ahaa “Dhibaato siyaasadeed oo dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada ka dhaxeeya ayaa taagan, iyaga ayaa qoraalkooda ku muujiyay, annaguna waan ognahay, oo iskama yeel-yeeli karno, sanco ayaan u baahannahay, waxaa ay ku imaanee, aniga ha la iiga reebo, waxaa la yiri, oday far ayaa ku godan, kuwoo badan oo far ku godan yahana inta ayey fadhiyaan, inta la baxdid dad nadiif ah, shaqada qeybteenna noo qaad, shaqada ay isku imaanayaan ayey qeybteena ku jirtaa, in dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe heshiiyaan waddanka ku socon karaa, madaxweynaha, ra’isul wasaaraha iyo xukuumadda iyo aqallada in gacmaha is qabsadaan ayaa lagama maarmaan ah”.

Dhinaca kale, Sida ku qoran ajendaha aqalka sare ee maanta waxaa la go’aamiyay in guddi loo saaro eedeynta ku qoran war-saxaafadeedka dowlad goboleedyada.

Inta aqalka sare uu ku dhex-jiro xallinta khilaafaadka siyaasadda, labada dhinac ka fogaadaan wax kasta oo carqalad galin kara arrimaha dib-u-heshiisiinta.

Aqalka sare waa in uu ahaado mid marwalba dhex-dhexaad ka aha arrimaha ay isku hayaan labada dhinac ee dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.

Goobjoog News