U bood dhigaalka

Akhriso: Sida ay u Dhacday Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed

Sheeko:Baarlamaanka

Baarlamaanka dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed ayaa soo gaban gabeeyey doorashadii gudoomiye- xiigeennada baarlamaanka labaad ee maalmulka oo maanta galinkii hore Cali Siciid Fiqi u doortay gudoomiyha golaha wakiillada.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ayaa waxaa ku loolamay Maxamed Nuur Macalin iyo  Aamino Isxaaq Maxamed , waxaana ku guuleystay gudoomiye ku-xigeenka koowaad Maxamed oo helay 84 cod halka Aamino ay heshay 8 cod .

Guddoomiye ku xigeenka labaad ayaa waxaa ku guulaystay  Shamso Maxamed Yaroow oo kaligeed u taagneed xildhibaannada ayaana ugu codeeyey qaab gacantaag ah maadama uusan jirin ruux kula  loolamayey tartanka.

Baarlamaanka ayaa horay Cali Siciid Fiqi ugu doortay guddoomiyaha baarlamaanka dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed halka ay ku-xigeeno u noqon doonaan Maxamed Nuur Macalin koowaad iyo Shamso Maxamed Yaroow labaad afarta sano ee soo socota guddoomiyaha iyo labadiisa ku-xigeen ayaa goobta lagu dhaariyey.

Goobjoog News