U bood dhigaalka

Akhriso: Sida Ay Xilligan u Cakiran Tahay Xaaladda Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Xafladdii xiritaanka kalfadhiga 4aad ee golaha shacabka ee uu ka khudbeeyey madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa ka muuqatay sida ay xilligan u cakirantahay xaaladda Soomaaliya, isaga oo soo hadal qaaday khilaafka labada gole ee baarlamaanka federaalka ah oo 4 bil jirsaday sida uu sheegay, saameynta mooshinkii laga keenay, wada-shaqeyn la’aanta dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada iyo murankii dhex maray dowladda iyo ergeygii qaramada midoobey ee Soomaaliya.

Waxaa uu sidoo kale mucaaradka dowladdiisa ku sheegay kuwoo raadinaya arrimo ay horay ugu fashilmeen, isaga kaftan ahaan uga hadlaya ayuu soo qaatay sheeko dhex martay isaga guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal waxuuna yiri “waxaan ku iri(Mursal) wax ay Rabaan(Mucaaradka) Ma Weydiisay? Waxuu igu yiri(guddoomiyaha), “waxaa ay rabaan waxaa ka mid ah guddiga hanti soo celinta in lagu daro ay iyagu maamulaan, iney ka shaqeeyaan shacabka iyo dowladda isu soo dhowaadaan, iney dhameystir ku sameeyaan wax alle wixii heshiisyo horay u jiray, in kanaalkan sheegay ayaan dhoweyd ee webig ka soo fatahaayey in la furo oo beerta loo daayo, waxay rabaan buu yiri inay xoojiyaan ama ka shaqeeyaan xoojinta hufnaanta dhaqaalaha,  waxay rabaan buu yiri  iney ka shaqeeyaan, oo xoojiyaan mushaar bixinta, tan ugu dambeysa waxaa ay rabaan buu yiri iney soo celiyaan sharafka ummadda Soomaaliya”!

Hadalkan waxaa uu imaanayaa saacado kadib markii xildhibaannada golaha shacabka ay dood ka keeneen  wax ka bedelka xeerka bangiga dhexe, gaar ahaan xulidda guddiga agaasinka bankiga, iyaga oo wax lala yaabo ku tilmaamay in xeer lagu badalo sharci, taasina ay tahay sharci-darro, difaacana in qof ajnabi ah oo bangiga dhexe loo dhiibo ay tahay khiyaano qaran halka qaar kalana ay difaaceen, kuna sheegeen horumar.

Haddaba, Halkan Ka Akhriso, Dulmar Guud oo Ku Saabsan Xasarada Dalka Ka Jira:

Xiriirka Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnha Ka ah : Waxaa weli istaagsan xiriirka dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada.  Shir ka dhacay Kismaayo September 8, 2018, golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa xiriirka u jaray dowladda federaalka ah, inkasta oo waqtigaasi kadib ay isbadal ka dhaceen labo maamul hadana ma jirto wax isu soo dhowaanshiyo ah. Villa Somalia waxaa ay dhankeeda tuhunsantahay in Aqalka sare ay la safan yihiin dowlad goboleedyada.

Qaramada Midoobey iyo Villa Somalia: 2-dii Janaayo, tan iyo markii wasaaradda arimaha dibedda ay ku wargelisay xoghayaha guud ee qaramada midoobay António Guterres in Nicholas Haysom aan laga rabin isla markaana aanu ka shaqeyn karin Soomaaliya, waxaan jirin xiriir rasmi ah oo arrinkaas la xiriira, lamana oga xilliga uu iman-doono ergeyga cusub oo ay ku xirantahay howlo badan oo dowladnimada Soomaaliya ah.

Wada-shaqeyn La’aanta Xiriirka Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka A: Janaayo 3-deedii, golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa hakiyey xiriirkii wada-shaqeyn ee kala dhaxeeyey golaha shacabka iyaga oo ku eedeeyey inuu qaatay awoodo aan dastuuri aheyn. Golaha Aqalka sare waxaa ay soo bandhigeen cadeymo ku saabsan in golaha shacabka isu heystaan wakiilka keliya baarlamaanka federaalka ah, qaateenna dhammaan matalaaddii haddii ay ahaan laheyd sharci sameynta, meel-marinta iyo matalaadda Soomaaliya ee baarlamaannada caalamka! Ilaa hadda xiriirka waa jaranyahay.

Isqab-qabsiga Guddiga Doorashada Qaranka: Guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka qaranka ayaa Goobjoog News u xaqiijiyey inay xilka ka qaadeen guddoomiye ku-xigeenka guddiga Sayid Cali Sheekh, laakin shir jaraa’id uu qabtay ninka dambe waa iska diiday, isaga oo guddoomiyaha guddiga ku eedeeyey inay baalmartay sharciga.

Galmudug Oo Kala Qeybsan: Galmudug waxaa ay ka mid tahay goobaha ugu xasaro badan dalka, madaxweynaha, wasiirka xukuumadda waxaa ay joogaan caasimadda Dhuusamareeb halka guddoomiyihii baarlamaanka iyo madaxweyne ku-xigeenka ay joogaan Cadaado, kala qeybsanaantaas waxaa ay keentay natiijo xumo iyo hey’ado is garab socda.

Dagaalo Isbar-bar Socda: Waxaa hadda koonfurta Soomaaliya ka socda diyaar-garow dagaalo ka dhan ah Al-shabaab, dowladda federaalka ah oo dhankeeda ah iyo Jubbaland oo meel kale ah, waxaana su’aalo laga keenayaa miro dhalka arrinkaasi iyo saameynta.

Wad-hadal-ka Soomaaliya iyo Somaliland: Ilaa hadda lama soo hadal qaadin wax wada hadal ah, mana jiro qorshe dhow oo arrintaasi la xiriira, waxaana aamusnaanta garab socda in Somaliland ka sheegato Villa Somalia, waxaana ka mid ah deeqaha iyo xiriirka beesha caalamka.

Iyada oo dhibaatooyinka jira ay intaasi ka sii badanyihiin ayaa waxaa xusid mudan in doorashada qaranka ay ka harsantahay 2 sano, nidaamka doorashooyinka, axsaabta, federalism-ka, dib u eegista dastuurka, cadaaladda , dhismaha ciidamada iyo hannaanka bixitaanka AMISOM…..iyo arrimo badan ayaan weli la bilaabin, lama oga xilli ay dowladda federaalka ah u soo jeesan-doonto, waxaana la is-weydiinayaa yaa ka mas’uul ah in heerkan la soo gaaro?!!

Goobjoog News