U bood dhigaalka

Akhriso: Sida Loo Ansixiyey Ku Noqoshada Miisaaniyadda 2019

Sheeko:Dalka, War

Golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay xaruntooda Muqdisho, waxaana shir-guddoominaayey gudoomiyaha golaha shacabka  Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Ajendaha ahaa marinta Akhrinta 3-aad sedexaad iyo ansixinta  misaaniyad sanadeedka 2019-ka oo sanadkii hore ay soo gudbisay wasaaradda maaliyadda xukuumadda federaalka ah, saluugitaanka, BFS ayaa keentay in  mar kale dib ugu noqdaan misaamiyadda.

Marinta Akhrinta 1-aad iyo 2-aad oo horay Baarlamaanka ugu soo mariyey fadhiyo kala duwan ayuu maanta mar kale  u fariistay Akhrinta sedexaad iyo waliba meel marinteeda.

Kulanka lagu ansixinaayey miisaaniyad sanadeedka 2019-ka ayaa waxaa  goobjoog ahaa wasiirka wasaaradda Maaliyadda xukuumadda federaalka ah Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle.

Codeyntii xarunta ka dhacday waxaa ogolaaday 118 mudane, waxaa diiday 15 xildhibaan halka 8 kale ay ka aamuseen.

Goobjoog News