U bood dhigaalka

Akhriso: Sida Sheekh Shariif uga Hadlay Doorashada iyo Caruurta La Xado

Sheeko:Amniga

Hoggaamiyaha madasha xisbiyada Qaran Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo muddooyinkan safar ku maqnaa ayaa maanta Muqdisho dib ugu soo laabtay, waxaa uuna dadkii soo dhoweeyey kala hadlay doorashada

Hoggaamiyaha oo warbaahinta u  qabtay shir jaraa’id ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay ugu weyn tahay doorashada soo aadan ee 2020-2021-ka “ Doorashada waxaan anigu jeclaa in lagu galo axsaab, taas ayeyna aheyd wixii xisbiga iyo madasha loo sameeyey, laakiin wixii lagu heshiiyey oo doorasho lagu aadayo waan soo dhoweynaynaa, doorasha waa la aadayaa waxaana lagu aadayaa wixii lagu aadi jiray ee 4.5, dadka qaar waa dhibsadaan, dadka qaarna waxaa laga yaabaa in ay dano kale ka arkaan, laakiin waxaan aaminsan nahay marxalad loo baahnaa ayaa la qaatay, waxaa ay muujinaysay Soomaalida marxalad kasta ay joogaan in ay xal gaari karaan” ayuu yiri Shiif.

Shariif oo sii hadlaayo ayaa yiri” 20 sano ayaan soo wadnay 4.5, waxaa rabnaa marka inaan u gudubno axsaab, fakar siiyaasiya oo dadka mideen kara, keeni kara dowladda gudan karta waajibaadkeeda,  dadkuna ay ku yimaadaan barnaamij siyaasi ah, oo keeni kara inuu dalku horay u socdo. Si taas loo gaaro dadka mas’uuliyiinta ah ee xaqa u leh in ay xildhibaannada soo xulaan , waxaan rabaa inaan ka codsano in ay ku soo xulaan dadka ay soo xulaayaan karti iyo hufnaan”

Sidoo kale Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadalay isqabqabsiga iyo waxyaabaha dhaca waqtiyada lagu jiro soo xulista xildhibaannada heer federaal “ Dalkaan waxaa aad ugu badan in dadka la qasbo oo la dhibo oo la jajuubo ama la handado, ama dad baahan xoolo lala kor istaago, arrimahaas arrimo fiican maahan, isaamnimada kuma fiicna dowladnimadana kuma fiicna”

Dhanka kale hoggaamiyaha madasha xisbiyada qaran ayaa ka hadalay xaditaanka caruurta oo muddooyinkaan ka taagnaa dalka, gaar ahaan Muqdisho ” Runtii waxyaabo in aad looga xumaado ay tahay waaye in caruurtii aan maanta bannaanka loo diri karin oo meelna Al-shabab looga baqaayo, meelna dad cusub ama dambiilayaal cusub oo dadka xubnahooda gadanaayo in looga baqo waa arrin qatarteeda leh, arrintaas waxaan u baahanahay inaan dhammaanteen kawad  qeyb qaadano, heyadaha amniga dowladda u qaabilsanna ay howshooda qabsadaan”.

Goobjoog News