U bood dhigaalka

Akhriso: Sooyaalka Guddoomiyeyaashii Golaha Shacabka Ee Soomaaliya(1954-2017)

Sheeko:Baarlamaanka

Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka ah waxaa uu guddoomiye u doortey Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, waa markii 2aad ee jawaari la doorto, waana markii 16-aad ee Soomaalida ay doortaan guddoomiyaha golaha shacabka.

Guddoomiyeyaashaas golaha shacabka waxaa lagu doortey nidaamyo doorasho oo kala duwan, nidaamyadaas waxaan ka xusi karnaa:

Xilliyada: 19541960: Nidaam Daakhili ah oo gumeysi ayaa dalka heystay, 1960-1969: Nidaam Axsaab iyo Dimoqoraadiyad, 1969-1976: Nidaam Militari oo Adag, 1976-1991: Nidaam Hal Xisbi, Xisbiga Hanti wadaagga Kacaanka, 1991-2000: Dowlad dhexe dalka kama jirin, 2000-2004: Nidaamka TNG, 2004-2009: Nidaamka TFG, 2009-2012: Nidaamka TFG, 2012-2016: Nidaamka FG.

Akhriso: Sooyaalka Guddoomiyeyaasha Golaha Shacabka Soomaaliya 1954-2017 

Golaha La Tallinta 1954: Aden Cabdulle Cusmaan waxaa uu ka noqdey guddoomiye 1954-1956.

Tartanka Golaha Shacabka ee 1956: ITALIAN TRUST TERRITORY (SOUTHERN SOMALIA): Doorashada Xildhibaannada ee 1956 waxaa codeeyay 614,909, axsaabta waxaa ay u kala heleen sida soo socota:

Xisbiga Dadka u Codeeyay % Inta uu helay Kuraasta 60
Somali Youth League (SYL) 333,820 54.29% 43
Hizbia Digil and Mirifle (HDM) 159,967 26.01% 13

 

Somali Democratic Movement (SDM) 80,866 13.15% 3
 

Marehan Union (MU)

11,358 1.85% 1

 

Others 28,898 4.70%   –

 

Waxaa jirtay 10 kursi oo loo dhigay Dadka lagu sheego  Indians, Arabs iyo  non-Somalis.

1956-1959: Golihii Baarlamaanka ee koofnurta Soomaaliya mudadaasi ka jiray waxaa guddoomiye ka noqdey Aden Cabdulle Cusmaan, dowladdaasi waxaa ay aheyd daakhiliga.

Doorashada Baarlamaanka ee 8 March 1959 Italian Administered Trust Territory (Southern Somalia), Doorashadaas waxaa codeeyay ilaa 313,760

Xisbiga Dadka u Codeeyay % Inta uu helay Kuraasta: 80
Somali Youth League (SYL) 237,134 75.58% 83
Somali Independent Constitutional Party (HDMS) 40,857 13.02% 5
Liberal Somali Youth Party (PLGS) 35,769 11.40% 2

Doorashadii 1959-kii, waxaa qaadacay axsaab ay ka mid yihiin the Greater Somali League (GSL) iyo  the Somali Independent Constitutional Party (HDMS).

1959: Doorashadii ka dhacdey koofurta Soomaaliya sanadkaas waxaa  mar kale guddoomiyaha golaha shacabka loo doortey Aden Cabdulle Cusmaan, waxaa uu xilkaasi hayey ilaa xuriyaddii labada gobol iyo midowgii Soomaaliya 1960-kii.

Doorashadii Somaliland ee 17 February 1960, Doorashadaas Waxaa Codeeyay ilaa 81,366

Xisbiga Dadka U Codeeyay % Inta uu helay Kuraasta 33
Somali National League (SNL) 42,395 52.10% 20
United Somali Party (USP) 13,350 16.41% 12
National United Front (NUF) 20,249 24.89% 1
Somali Youth League (SYL) 4,626 5.69%
Others 746         0.92%

Gobollada Waqooyi ee British Somaliland waxaa ay xuriyadooda ka qaadeen Ingiriiska June 26, 1960, iyagoo la midoobey gobollada Koofurta Soomaaliya uu Talyaaniga gumeysan jiray July 1, 1960kii,

1960: Xuriyaddii kadib, Labadii Gole shacab ee waqooyi iyo koofur waa la isku daray,

June 30, 1960-1964: Waxaa guddoomiye u ahaa golaha shacabka Soomaaliyeed, Jaamac Cabdulahi Qaalib, waxaa uu jagadaasi qabtey israacii kadib ilaa 1964-tii.

Doorasho Baarlamaan 30 March 1964, waxaa Codeeyay 914,069

Xisbiga Tirada u Codeysay % Inta Cod uu Helay Kuraasta 123
Somali Youth League (SYL) 472,296 51.67% 69
Somali National Congress (SNC)      186,208              20.37% 22
Somali Democratic Union (SDU)      95,707 10.47% 15
Somali Independent Constitutional Party (HDMS) 80,173 8.77% 9
United Somali Party (USP) 7,552 0.83% 1
Liberal Somali Youth Party (PLGS) 6,766 0.74% 1
Somali National League (SNL) 4,354 0.48% 1
Somali African National Union (SANU) 3,930 0.43% 1

 

Others 57,083 6.24%                                                  4

 

Inta u dhaxeysay 1964-1969-kii, waxaa Soomaaliya soo maray labo guddoomiye baarlamaanka, kuwaas oo kala ahaa: Axmed Sheekh Cabsiye iyo Sheekh Mukhtaar Maxamed Xuseen.

Axmed Sheekh Cabsiye 1965-waxyar kadib waa laga qaadey.

Sheekh Mukhtaar Maxamed Xuseen ayaa la doortey 1965-tii kadib markii uu soo afjaray muran u dhaxeeyay Cabdirashid Cali Sharma’arke iyo Cabdirisaq Xaaji Xuseen, waxaa uu jagadaasi hayey ilaa October 15, 1969-kii.

Doorashadii Dalka Ee 26 March 1969, Doorashadaas waxaa Codeeyay ilaa 879,554, Codadka Saxiixa noqday waxaa ay gaareen ilaa 782,234 cod halka ay halaabeen ilaa 97,320.

Xisbiga Tirada u Codeysay % Inta Cod uu Helay Kuraasta 123
Somali Youth League (SYL) 260,046 33.24% 73
Somali National Congress (SNC) 77,339 9.89% 11
Somali Independent Constitutional Party (HDMS) 27,681 3.54% 8
Somali African National Union (SANU) 42,006 5.37% 6
Liberal Somali Youth Party (PLGS) 25,639 3.28% 3
Somali Democratic Union (SDU) 46,064 5.89% 2
Popular Movement for Democratic Action (PMDA) 42,629 5.45% 2
Somali Socialist Party (PSS) 31,058 3.97% 2
Somali People’s Movement Party (PMPS) 8,531 1.09% 2
Revolutionary Socialist Workers’ Party (PRSO) 16,742 2.14% 1
Somali National Solidarity Party (PSNS) 12,269 1.57% 1
United Somali Party (USP) 13,942 1.78%
Others 178,288 22.79% 12

Doorashada 1969-kii, Sheekh Mukhtaar Mar 2aad ayuu guddoomiyaha golaha shacabka noqdey, Sheekh Mukhtaar waxaa uu hayey mudada u dhexeysay 15-kii Oktoobar illaa 21-kii Oktoobar 1969-kii kolkaas oo dalka militariga inqilaabey isagana xabsiga la dhigey.

October 21, 1969-kii, dalka waxaa qabsadey ciidamada qalabka sida uu horkacayey Jaalle Maxamed Siyaad Barre, kooxdan markii ay talada la wareegeen waxaa ay kala direen axsaabta dalka iyo baarlamaankii.

19691979: Soomaaliya kama dhicin doorasho baarlamaani ah, xitaa markii dambe doorashada dhacdey 30 December 1979 –kii, waxaa galey hal xisbi oo ahaa xisbiga hanta-wadaagga kacaanka Soomaaliyeed.

1976: Markii la dhisey xisbiga hanti-wadaagga kacaanka Soomaaliyeed, waxaa ilaa 1991-dii dalka ka jiray nidaam hal xisbi ah, doorashada golaha shacabka ee dhacdana  waxaa ay aheyd mid aan tartan ku saleysneen.

1979-kii kadib, waxaa dalka ka dhacdeu dhowr doorasho oo baarlalaani ah               

1979: Golaha Shacabka ayaa la doortey: Doorashada Golaha Shacabka Kuraasta guud waa 171 kursi, dadka codeeyay 3,985,838 (N/A),

Haa waxaa ay noqotay 99.91% qof halka Maya noqdeen 0.09%.

1984: Mar kale ayaa doorasho la galey, 31 December 1984, waxaa ay aheyd Doorasho Golaha Shacabka ah. 

Codadka la rajestergareeyay waxaa ay nowdeen 4,220,466, dadka u soo baxay in ay codeeyaan waxaa ay noqdeen 4,214,667 (99.9%), Codadka hallaabay: 1,990, Codadka fiicnaaday 4,212,677, waxaa Haa ku jawaabay 4,207,977 (99.89%) halka Maya ay dhaheen 4,700   (0.11%),

Guddoomiyeyaasha Golaha Shacabka Ee Dowladdii Jaalle Siyaad:

Ismaaciil Cali Abuukar 1978, muddo markii uu hayey waa la xiray.

Maxamed Ibrahim Axmed 1982-

Sareeye Gaas: Xuseen Kulmiye Afrax  waxaa uu guddomiyaha golaha shacabka ahaa 1989-1991, xilligaas oo ay dhacdey dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

July 1992 ilaa  27 August 2000, Qaramada Midoobey waxaa ay sheegtay in  Soomaaliya aanay ka jirin wax dowlad ah, isla markaana aanu jirin baalramaan sharci ah.

Burburkii kadib, waxaa markii ugu horeysay doorasho iyo dowlad loo dhan yahay lagu dhisey tuulada Carte ee dalka Djabuuti, doorashada Baarlamaankani 10-aad ee hadda la dhisey waa baarlamaankii 5-aad ee ay Soomaaliya yeelato wixii ka dambeeyay sanadkii 2000, mudadaas waxaa uu dalka yeeshey dhowr guddoomiye baarlamaan.

TNG: 2000: Baarlamaankii Carte lagu soo doortey waxaa uu ahaa 245,

Cabdallah Isaaq Deerow : waxaa uu noqdey guddoomiyihii baarlamaanka KMG ahaa ee ugu horeeyay burburkii kadib muddadii u dhaxeysay 2000 ilaa 2003.

TFG: 2004: Baarlamaankii Eldoret lagu soo doortey ee TFG-da waxaa uu ahaa 266.

Sharif Xasan Sheekh Aden: Dowladdii TFG-da ayuu noqdey ra’isul baarlamaanka, waxaa la doortey 15 September 2004 isagoo jagaasi hayey ilaa  January 17, 2007 kolkaas oo mooshin laga keeney ay baarlamaanka shaqadiisa laga ceyriyay.

Sheekh Aden Madoobe:  Waxaa ra’isul  baarlamaan loo doortey  31 January, 2007, Madoobe waxaa uu jagada hayey ilaa dowladdii Cabdulahi Yusuf ka dhacdo, xitaa markii dambe markii uu iscasiley Cabdulahi Yusuf waxaa uu noqdey sii hayaha xilka madaxweynaha  December 2008.

TFG: 2009: Baarlamaankii Djabuti lagu soo doortey waxaa uu ahaa 550

Shariif Xasan Sheekh Aden ayaa mar labaad noqdey guddoomiyaha baarlamaanka, waxaa dib loo doortey May 25, 2010, waxaa uu jagaasi hayey ilaa ay ka dhacdo dowladdii Sheekh Sharif Sheekh Axmed.

2012 Dowladda Federaalka ah: Baarlamaankii Muqisho ee FG waxaa uu ahaa 275

Dowladda Federaalka Soomaaliya: Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaar waxaa uu afhayeenka baarlamaanka ahaa 28-August-2012-20 August 2016, Jawaari waxaa uu noqdey ra’isul baarlamaakii ugu horeeyay ee federal ah oo dhameystiran uu dalka yeesho.

2016: Baarlamaanka federaalka ah ee Muqdisho lagu doortey waxaa uu yahay 275 aqalka hoose ah iyo 54 aqalka sare ah.

January 11, 2017: Waxaa maanta Maxamed Sheekh Cusmaan mar kale loo doortey in uu noqdo ra’isul baarlamaanka federaalka ah, waxaa uu jagadaasi sii heyn doonaa ilaa 2020-ka.

W/D: Cabdi Caziz Axmed Gurbiye, Goobjoog News