U bood dhigaalka

Akhriso: Sooyaalka Khilaafka Dowladda Federaalka Ah Iyo Maamul Goboleedyada Ee 5ta Bil Jirsaday!

Sheeko:Dalka

Berri oo Axad ah, waxaa lagu wadaa in Muqdisho uu shir ku dhex-maro dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyada si looga hadlo khilaaf-ka soo jiitamayey muddo 5 bil ah.

Khilaafkan u dhaxeeya labada dhinac waxaa uu bilowday kadib markii dowladda federaalka ah go’aan dhex-dhexaad ah ka qaadatay xiisadda Khaliijka, waa uu sii fogaaday oo mid dastuuri ah ayaa dhashay, Is-eedeyn iyo faragelin meesha kama marneen, golaha ay ku mideysan yihiin maamul goboleedyada waa sheeko kale.

Xiisaddan 5ta bil jirtay ee dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada waxaa ay saameysay siyaasadda dalka sida fadhiyada baarlamaanka, xiriirka xukuumadda dhexe iyo baarlamaanka federaalka ah, waxaa meesha ka baxay kalsoonidii dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada, waxaa qal-qal galay hannnaanka federalism-ka oo dastuurka ugu horreeyo.

Hadaba, Goobjoog News waxaa ay akhristayaasheeda xusuusineysaa Sooyaalka Khilaafka dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyada.

Sooyaalka Khilaafka Maamul Goboleedyada Iyo Dowladda Federaalka Ah:

June 6, 2017-kii, Dowladda federaalka ah ayaa go’aan ku gaaray in muranka Khaliijka ay dhex-dhexaad ka yihiin, waxayna ku baaqeen in dalalka muransan la dhex-dhexaadiyo, go’aankaasi waxaa warqado ka duwan oo lagu taageerayo xulafada Sacuudiga iyo Imaaraadka soo saaray maamullada Somaliland, Puntland iyo Koonfur Galbeed.

September 20-keedii, Maamul Goboleedka Galmudug ayaa noqday maamulkii 4aad ee ka mid ah maamul goboleedyada Soomaaliya ee taageera Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka carabta ee xiriirka u jaray dalka Qatar, arrintan ayaa timid kadib markii uu madaxweynaha Galmudug soo saaray qoraal uu arrintaasi ku shaaciyay.

Maalintii xigtay, Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi (Carrabeey) iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ee Galmudug Cali Casir oo shir jar’aaid ku qabtay Cadaado, waxaa ay ka soo horjeesteen go’aanka Xaaf iyaga oo intaa raaciyay in ay taageerayaan go’aanka dhex-dhexaadnimada ee dowladda federaalka ah…..Saacado kadib, waxaa Galmudug ka dhashay xulufeysi iyo siyaasado is-diidan.

September 21, 2017: Shirka golaha wasiirada ee maalintaas ayaa hoosta ka xariiqay go’aankii dhexdhexaadnimada ee Soomaaliya ee la xiriiray muranka waddama khaliijka.  War qoraal ah oo laga soo saaray shirka ayaa lagu soo xigtay qodob ka mid ah dastuurka oo dowladda dhexe awood buuxda u siinaya go’aan ka gaarista arrimaha dibedda Sida ku cad qodobka 54aad ee Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, Dowlada Federaalka oo kaliya ayaa awood u leh go’aan ka gaarista arrimaha dibedda, Difaaca, muwaadinimada, socdaalka iyo siyaasada Lacagta.

September 26, 2017: Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug oo tiradooda ku sheegay 52 Xildhibaan ayaa xilka ka qaaday Madaxweynaha maamulkaas Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Saacado kadib Xildhibaanno kale oo madaxtooyada ku shiray ayaa xilka ka qaaday madaxweyne ku-xigeenka iyo guddoomiyaha baarlamaanka.

Intaasi kadib, dowladda federaalka ah ayaa soo saartay war kale oo la xiriira Khilaafka iyada oo go’aankeeda ku sheegtay 3 arrin oo qodobka ugu muhiimsan uu ahaa “Dowladda waxa ay ku baaqeysaa in la ixtiraamo go’aanka uu baarlamaanka Galmudug gaaray maanta oo taariikhdu tahay September 26, 2017-ka, loona hoggaansamo sareynta sharciga”.

September 26, 2017: Madaxweynah Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “Madoobe” ayaa ku baaqay in uu gogol u dhigo Kismaayo si loogu xaliyo khilaafka dalka ka jira ee dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada, isla markaana ay maamul goboleedyada uga tashanayaan xuquuqdooda federaaliga ah.

September 27, 2017: Madaxda maamul goboleedyada Puntland, Jubbaland, K/galbeed, Hirshabelle iyo Galmudug ayaa qoraal ay si wadajir ah usoo saareen waxay kaga hadleen xiisadaha siyaasadeed ee ka jira Galmudug, go’aanka dowladda ka qaadatay arrimaha Khaliijka iyo qaabka dowladda uga hadashay khilaaf siyaasadeedka ka jira Galmudug. Maamul Goboleedyada waxaa ay dowladda dhexe ku eedeeyaan faragelin qaawan in ay ku heyso maamul goboleedyada.

September 27, 2017: Xildhibaanno ka tirsan Labada aqal ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa gaaray degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud, waxaana hoggaaminayey guddoomiye ku xigeena 1-aad ee aqalka sare Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari), Mas’uuliyiinta ayaa halkaasi u tagay xallinta khilaafka maamulka Galmudug.

September 28, 2017: Xildhibaannada federaalka ah ee dhex-dhexaadinta u tagay magaalada Cadaado ayaa shir jaraa’id halkaasi ku qabtay, iyaga oo ku dhawaaqay in uu fashilmay dadaalkii ay ku dhex-dhexaadin lahaayeen labada garab ee maamulka Galmudug. Arrintan ayaa timid kadib markii sida ay sheegeen faragelin ka timid dowladda dhexe, taas oo sida la sheegayo arrinta meel sare gaarsiisay.

September 29, 2017: Madaxweynaha Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Cabdiweli Gaas ayaa ka hadlay xiisadda Galmudug isaga oo sheegay in dowladda federaalka ah ay dhibaatada Galmudug qeyb ka tahay. “Dabcan waxaa is-qabtay Galmudug madaxweynihii, madaxweyne ku-xigeenka iyo guddoomiyaha baarlamaanka, aragti kala duwan bey qaateen, fikrado kala duwan ayey qaateen, waxaa la rabaa marka ay sidaasi tahay in aan dhan la raacine, isla markiiba waxaa ay dowladda federaalka soo saartay xaashi oraneysa-nimanbaa shiray xildhibaano ah waxa ay yiraahdeen waan ridnay madaxweynihii- daqiiqado kabacdi ama saacado kabacdo dowladda federaalka ah xaashi ayey soo saartay go’aankii, waxaas wax loo baahan yahay ma ahan”.

September 30, 2017: Maamulka K/galbeed ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya iney waddo qorshe ay isugu direyso xildhibaannada baarlamaanka ee maamulkaasi.

Wasiirka Dastuurka ee maamulkaasi, C/laahi Sheekh Xasan oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay iney jiraan xildhibaanno ka tirsan K/galbeed oo Villa Soomaaliya kula kulmay mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha, lana qorsheynayo in la rido maamulkooda waa sida uu hadalka u dhigaye.

October 1, 2017: Madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa ku dhawaaqay xaalad deg-deg ah kadib markii maamulkaasi uu galay xaalad degenaashiyo la’aan, waxaa uu sheegay in 3 bil socon-doonto.

October 2, 2017: Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee aqalka sare Abshir Maxamed Axmed(Bukhaari) oo ka mid ahaa Xildhibaannada labada aqal ee malaintaas ka soo laabtan Cadaado ayaa Muqdisho ku qabtay shir jaraa’id isaga oo sheegay in natiijada socdaalkoodii Cadaado u gudbin-doonaan labada gole ee baarlamaanka federaalka ah.

Mar uu ka hadlayey Xiisadda u dhaxesa madaxda waxaa uu soo qaatay in ay mar hore isu keeneen mas’uuliyiinta Galmudug , laakin aaney dhameystirmin, waxaa kale uu ka hadlay in labada dhinac ku adkeeyeen in khilaafka lagu xaliyo qaab dastuuri ah oo hey’adaha dastuuriga ah aan lagu ridin maqaayadaha iyo xaafadaha. Guddoomiye ku-xigeenka 1aad waxaa soo hadal qaaday in Federalism-ka aanu aheyn in ciddii xanaaqdaba ay sameyso wixii ay rabto, isla markaana wax walbo lagu xaliyo qaab dastuuri ah.

October 3, 2017: Makamadda sare ee Galmudug ayaa shaacisay go’aaanka kama dambeysta ah ee murankii ka dhaxeeyay madaxda sare ee maamulkaasi.

Qoraal kasoo baxay maxkamadda ayaa lagu ayiday go’aannadii ay gaareen xildhibaannada baarlamaanka maamulkaasi ee xilalka looga kala qaaday madaxda sare ee Galmudug.

October, 07, 2017: Guddiga Madaxa Banaan Ee Dib u Eegista Dastuurka iyo Guddiga Dib u Eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa ay ka soo horjeesteen shirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ay qorsheysay inuu ka furmo magaalada Muqdisho 8-da bisha, Guddoomiyaha Guddiga Dib U Eegista Baarlamaanka Soomaaliya  Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa War-murtiyeedka u aqriyay saxaafadda .

October 8, 2017: Dowladda Somalia ayaa dib u dhigtay shirweynaha dib u eegista dastuurka oo maalintaas ka furmi lahaa magaalada Muqdisho, kadib markii guddiga madaxa bannaan iyo guddiga dib u eegista iyo la socodka dastuurka ee baarlamaanku ay si wadajir ah u qaadaceen ka qeybgalka shirweynaha.

October 8, 2017: Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geellee Xaaf oo ku sugnaa Kismaayo ayaa wada hadal ugu baaqay dowladda federaalka ah“Dowladda Federaalka waxbaan kala tirsaneynaa, iyaga unbaa illaa hadda difaac uga jirnaa, walaalahayaga waxaan leenahay aan wadahadalno oo aan isku imaanno, kulligeen waxaan u shaqeynayno waa horumarka dalka..waxkasto oo danta umadda Soomaaliyeed ku jirto kulligeen waa inaan iska kaashannaa, gacmaha is qabsannaa, kuwa nabad diidka ah inaan ka wada hortagno ayaa loo baahan yahay, dowladda Federaalka waxaan leenahay annaga na daaya cadowga aan la diirino” ayuu yiri madaxweyne Xaaf.

October 8, 2017: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xarunta Aqalka Sare kula kulmay guddiga la socodka arrimaha dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka. Waxana ay ka wada hadleen dar-dar gelinta howlaha muhiimka ah ee horyaalla.

Kulanka ayaa waxaa lagu falan qeeyey heerka wada shaqayn ee ka dhaxeeya laamaha ku howlan dastuurka iyo habka looga gudbi karo caqabadaha hortaagan dhammaystirka dastuurka Soomaliya.

October 8, 2017: Goor habeen ah, waxaa si rasmi ah magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose uga furmay shirka wadatashiga maamul goboleedyada, waxaana ka qeybgalaya dhammaan madaxda maamul goboleedyada dalka ka jira.

Shirkaan oo ka furmay guriga martida ee Kismaayo ayaa waxaa daah furay madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, waxaana halkaasi ku sugan madaxweynaha Puntlad C/weli Gaas, Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare iyo madaxeynaha K/galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

October 11, Shirka uga socday madaxda maamul goboleedyada dalka ayaa laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban 16 qodob, kaasi oo ka tarjumaya waxa ay isku af garteen madaxdii shirtay.

Qodobada lasoo saaray waxaa kamid ah gole ay ku mideysan yihiin maamul goboleedyada dalka, Dowladda oo loogu baaqay iney la timaado iskaashi maamul goboleedyada la yeelato, arrimaha ammaanka, Doorashada 2020, Dastuurka iyo arrimaha Federaalka.

October  12, 2017: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in uu dhammaaday waqtigii ay niyad jabi jireen madaxda Soomaaliyeed, islamarkaana markaan madaxda maanta ay u taagan yihiin waxqabad dhab ah oo aanu niyad jab ku jirin.  “Waxaa muhiim ah inaan qofna laga ogolaan dhaliil dalka lagu duminayo, inaan ogolaan dhaliil ulajeeddo gaar ah leh oo lagu fushanayo dano gaar ah, inaan ogolaan dhaliil la doonayo in lagu dumiyo iftiinka nolosha ee hadda inoo soo ifbaxay, waxaan leeyahay dadka Soomaaliyeed meel walbo oo ay joogaan Soomaaliya horey ayeey u socotaa gadaalna u noqon meyso, waxaan leeyahay dadka Soomaaliyeed haddii aad horey u arki jirteen in la niyad jabo wey dhammaatay waqtigii la niyad jabi jiray, waxaan leeyahyay dadka Soomaaliyeed haddii ay jiri jirtay 27-kii sano ee lasoo dhaafay in markii is jiid jiid yimaado madaxdu niyad jabaan, madaxda idin hortaagan ma ahan kuwaas, haddii ay jirto qof Soomaaliyeed oo  ka walwalsan maalmaa la qeylinayaa ama buuq siyaasadeedaa dhacaya, madaxda qolalkeedey ku laabaneysaa, waxaan idiin ballanqaadayaa inaan idin la mari doonno illaa meesha ugu dambeysa aan tagi doonno, Soomaaliya waxay ku socotaa meel barwaaqo ah, annagaa u jeedna oo idiin soo aragnay dhulka barwaaqada ah ee aan u soconno..”.

October 12, 2017: Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf oo dib ugu laabtay degmada Cadaado kadib shir uu uga soo qeybgalay magaalada Kismaayo ayaa sheegay in dalka ay ka jirto dhibaato.  “Dhib ayaa Soomaaliya ka jira, dad aan talin jirin baa taliyey, dadkii talin jirey waa tageen, Soomaaliya meel xun bay ku socotaa, annagu waxaan ka shaqeynay bal in umadda Soomaaliyeed la isku soo celiyo oo dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ay isku yimaadaan, aayahooda ka tashadaan, ilaahay haku soo hanuuniyo dowladda Federaalka ah, annagu taladii waan soo qornay waana maqasheyn baan u maleynayaaa, Cadaado iyo Galmudug aad iyo aad baan idiin salaamayaa, roobku waa yaryahay Allaha inoo badiyo” ayuu yiri Xaaf.

October 19, 2017: Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa warqado u diray baarlamaanka labadiisa aqal, si uu uga hadlo xaaladda dalka iyo dagaal ka dhan ah Al-shabaab.

October 21, 2017: Kulan gaar ahaa oo madaxweynaha kula hadli lagaa baarlamaanka federaalka ah labadiisa aqal ayaa baaqday.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xildhibaannada u jeedin lahaa khudbad dhinacyo badan taabaneysa, isaga oo guddoonka Labada aqal horey uga dalbaday in la qabto kulan wadajir ah.

October 21, 2017: Qoraal kasoo baxay golaha iskaashiga maamul goboleedyada dalka ka jira ayaa lagu eedeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana dhanka kale looga hadlay qaraxii 14-kii bishan ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho. Xukuumadda ayaa lagu eedeeyay in weli ay ka mashquulsan tahay arrimaha amniga, kuna mashquulsan tahay sidii dadka iyo dalka lagu sii kala fogeyn lahaa waa sida qoraalka ku xusane. Sidoo kale golahan ayaa sheegay iney walaac ka qabaan qorshaha xukuumadda oo ay sheegeen in miisaaniyaddii amniga iyo tii dowlad gobleedyada loogu talogalay ugu leexisay arrimo siyaasadeed.

October 22, 2017: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa martiqaad u diray Madaxda Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya si ay uga soo qeybgalayaan shir wadatashi ah oo ka dhacaya magaalada Muqdisho 28-ka Oktoobar, 2017.

Ajendaha shirka waxaa lagu sheegay sidii musiibadii Qaran ee ka dhacday magaalada Muqdisho 14kii bisha Oktoobar 2017 loogu beddali lahaa midnimo Qaran. Qodobada kale ee diirada lagu saari doono shirkaan waxaa kamid ah sidii loo xoojin ahaa wadashaqeynta Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah.

 October 22, 2017: Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in dowladda dhexe kaligeed aanay xukumin dalka, islamarkaana kaliya ay ku ektahay Muqdisho, dalka intiisa kalena ay xukumaan maamul goboleedyada. “Dalka dowlad dhexe kaligeed ma xukunto, dowladda Xamar ayeey ku kooban tahay, hadii a aado Hiilweyne waxay ka tirsan tahay Hirshabelle, Jaziirana K/galbeed, dalka dowlad goboleedyada ayaa gacanta ku haya, mas’uuliyad ayaa naga saaran, taas ayaana na fareysa in aanan cidna magan uga noqon, cidna u hoos imaan wixii dan ah ee dowlad goboleedyada leeyihiin iyadoo Dastuurka aan ilaalineyno, dowladda Federaalka annagaa soo dhisnay” ayuu yiri Gaas

Otober 23, 2017: Aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ayaa Kalfadhiga labaad kulankiisa 11aad iyo 12aad uga hadlay khilaafka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.

Kulanka maalinta 2aad uu  Shir guddoomiyaha Abshir Bukhaari  ayaa waxaa uu ku dhawaaqay in arintaasi xalinteeda ay guddi u xilsaarayaa, si ay qoraal ula tagaan kulanka 28-ka bishan la filayo in uu dhex-maro madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada.

October 24, 2017: Ra’isul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre oo Jowhar uga qeybgalay xafladda caleemo-saarka madaxweynaha Hirshabeelle ayaa sheegay in ay muhiim tahay soo afjaridda khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya madaxda maamul goboleedyada dalka iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya.  “Wax yar oo khilaaf ah waxay aheyd inaan ka barano inaanu xoogga saarno midnimo dadka Soomaaliyeed,  waxay u baahanyihiin amni waxay u baahanyihiin horumar,  waxay u baahanyihiin xuriyad,  waxay u baahanyihiin dhaqaale oo dalkooda iyo dadkooda ay ku dhaqmaadaan”.

October 24, 2017: Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo ka hadlay xaflad lagu caaleemo-saaray oo ka dhacday Jowhar ayaa sheegay in aan la aqbali karin in qabyo uu ahaado dastuurka dalka loona baahanyahay in la dhameystiro, si uusan u dhicin iska horumaad iyo is qab-qabsi ku saleysan dhanka dastuurka.

October 25, 2017: Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Cabdiweli Gaas oo furay kalfadhiga 40aad ee golaha wakiillada Puntland ayaa ka hadlay golaha dowlad goboleedyada ay maamulaan 90% dalka isaga oo sheegay in golahaasi loo dhisay danta saxda ah ee dowlad goboleedyada iyo in looga hortago cadawga Soomaaliya.

October 28, 2017: Waxaa dib u dhacay shir lagu ballansanaa in uu Muqdisho uga furmo dowladda federaalka ah iyo Dowlad goboleedyada.

Goobjoog News

Xogtan Lama Qaadan Karo, Xigasho La’aan