U bood dhigaalka

Akhriso: Sooyaalka Tirada Iyo Magacyada Murashaxiinta Ku Tartamey Doorashooyinkii Ka Dhacey Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Guddiga qaban-qaabada Doorashada madaxweynaha Soomaaliya waxaa ay araajida murashaxnimo ka qabteen, shahaadada murashaxnimadana siiyeen ilaa 24 murashax, mid ka mid ah murashaxiintan waxaa uu noqon doonaa madaxweynihii 9aad ee Soomaaliya, ninka la dooran  doono, waxaa looga fadhiyaa in 4ta sano ee soo socota uu Soomaaliya ka dhigo dal jira oo magac leh!!

Xilligan la joogo, dalkeena ma aha mid laga qiimeeyo dunida inteeda kale, dalkeena waxaa uu u egyahay dalalka kale, madaxweynaheenna waxaa uu u egyahay madaxweyneyaasha kale, wasiirkeena waxaa uu u egyahay wasiirada kale, Bangigeena dhexe la mid ma ahan bangiyada kale, caasimaddeenana sidoo kale, sidaa darteed waxaa loo baahan yahay in isbadal ka dhacdo doorashada February 8, lana doorto madaxweyne ku riyoon kara in Soomaaliya ay noqoto dalka hoggaamiya geeska afrika ee aan ka fakireyn oo keliya sidii uu ku heli lahaa lacag iyo dano gaar ah!!

Liiskan murashaxiinta madaxtinnimada 24-ka ah markii uu soo baxey, waxaan la yaabey tiro badnida murashaxiinta, tayadooda hanoo dambeesee, aan tiradan 24-ka ah bar-bar dhigno tirada murashaxiintii u soo istaagey doorashooyinkii dalka ka dhacey 2000 wixii ka dambeeyay.

Halkan Ka Akhriso Sooyaalka Murashaxiintii Madaxtinnimada Soomaaliya(2000-2017):

Soomaaliya madaxtinnimadeeda waxaa ay soo martey saddex(3) marxalad, muddadii rayidka ee 1960-1669-kii xilligaas waxaa jirey axsaab murashaxiinta aad ayey u yaraayeen, waxaa xigey muddadii uu dalka ka talinayey Maxamed Siyaad Barre, tan ugu dambeysa  oo burburkii kadib ah, waa midda aan xoogga saari doonno.

2000: Doorashadaas ka dhacdey Tuulada Carte ee dalka Djabuti, waxaa ku tartamey ilaa lix iyo toban(16) Murashax, labo iyo toban (12) ka mid ah waxaa ay iska hareen wareegga 1aad,  wareegga labaad waxaa u soo baxey Cabdulkassim Salat Xassan, Cabdullahi Axmed Cadow, Cali Khalif Galaydh iyo Cali Mahdi Maxamed, waxaana ugu dambeyn ku guuleystay Cabdiqasim Salaad Xasan, waxaa uu Qaasim ka guuleystay Cabdulahi Axmed Cadow.

2004: Doorashadan oo ka dhacey dalka Kenya, waxaa ku tartamey ilaa lix iyo labaatan(26) Murashax oo hal gabar ku jirto, waxaa ugu muhiimsanaa : Cabdullahi Yusuf Axmed, Cabdullahi Axmed Cadow, Maxammed Qanyare Afrah, Cabdulrahman Jammac Barre, Cabdulkassim Salaad Xassan, Maxammed Xassan Cadow,  Muuse Suudi Yalaxow iyo Cusman Jamac Ali “Kalun”, ugu dambeyn waxaa ku guuleystay Cabdulahi Yusuf Axmed isagoo ka guuleystay Cabdulahi Axmed Cadow.

2009: Doorashadan oo ka dhacdey Djabututi, waxaa ku tartamey ilaa afar iyo toban(14) murashax kuwaas oo kala ahaa: Sharif Sheekh Axmed, Maslax Maxamed Siyaad, Nur Xasan Xuseen, Cali Khalif Galeyr, Maxamed Cusmaan Aden, Cabdiraxman Cabdi Xuseen, Axmed Xaashi Maxamud, Cawad Axmed Cashoro, Muse Macalin Yusuf, Yusuf Azhari, Cali Xaashi Dhoore, Xasan Abshir Faarax, Maxamed Maxamud Guuleed, Maxamed Axmed Cali, ugu dambeyntii Sheekh Sharif Sheekh Axmed ayaa ka guuleystay Maslax Maxamed Siyaad.

2012: Doorashadan oo ka dhacdey Muqdisho waxaa u tartamyey ilaa Labo iyo labaatan(22) murashax kuwaas oo kala ahaa: Xassan Sheikh Maxamud, Sharif Sheikh Axmed, Cabdiweli Maxamed Cali, Cabdiqadir Cosoble Cali, Cabdullahi Axmed Cadow, Cabdiraxman Baadiyow, Maxamed Cabdullahi Farmajo, Axmed Ismail Samatar, Yusuf Garaad Cumar Axmed, Cadiwaxid Cilmi Gonjex, Maxamed Cabdiweli Sheikh Yusuf, Cumar Salad Cilmi, Xaaji Moxamed Yasin Ismail, Maxamed Cabdullahi Cumar, Cusman Maxamed Gaal, Saciid Issa Maxamud, Zakariye Moxamud Xaji Cabdi, Maxamed Axmed Salax,  Salad Cali Jelle, Maslax Maxamed Siyad Barre, Ibrahim Cali Xussein iyo Cadiraxman Maxamed Cabdi Xaashi, ugu dambeyntii Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guuleystay waxaa uu ka adkaadey Sharif Sheekh Axmed.

2017: Doorashadan oo February 8, 2017-ka ka dhici doonta Muqdisho waxaa u taagan ilaa afar iyo labaatan(24) Murashax, lama saadaalin karo cidda ku guuleysan doonta laakin shacabka waxaa ay u baahan yihiin isabadal, Xildhibaannada ma dhageysan doonaan rabitaan umadda mise?

Halkan ka akhriso Murashaxiinta Madaxtinnimada Soomaaliya 2017-ka:

Shariif Sheekh Axmed, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, Maxamuud Maxamed Culusow, C/qaadir Cosoble Cali,  Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan), Maxamed Cali Ameeriko,  C/naasir Maxamed Cabdulle,  Maxamed C/llaahi farmaajo, C/raxmaan C/shakuur Warsame, Jibriil Ibraahim Cabdulle,  Cali Xaaji Warsame, Saciid C/llaahi Deni, C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole, Saciid Ciise Maxamuud, Xasan Sheekh Maxamuud, Maxamed Axmed Jabarti, Maxamed Cabdirisaq, Cabdulahi Cali Axmed, Cabdulahi Cilmooge Xirsi, Zakaiye Maxamud Xaaji, Cabdulahi Cali Xasan, Bashiir Raage Shiiraar, Xaaji Maxamed Yaasin iyo Axmed Maxamed Cabdi

Murashaxiintan 24-ka ah intooda badan ujeedadooda waa CV hakuu galo  iyo jago kale iney ku raadsadaan halka Soomaaliya ay u baahan tahay Siyaasi dalka ku hoggaamiyo han iyo rabitaan ku dhashey yaraantiisa taas oo kooxdan aan lagu heyn.

W/Q: Cabdi Caziz Axmed Gurbiye, 

Email: [email protected]