U bood dhigaalka

Akhriso: Sooyaalka Wareegyadii La Gaarey Doorashada Madxweyneyaashii Soomaaliya (1960-2012)

Sheeko:Dalka, War

Maanta waxaa la dooranayaa Madaxweynihii 9-aad ee Soomaaliya, xusuusta ay Soomaalida doorashooyinkaasi u hayaan ma aha mid fudud, wejiyo badan oo doorasho ayaa dhacdey sida murashax keligiisa isla tarmayey iyo maanta oo 22 murashax taagan yihiin.

Hadana Halkan Ka Akhriso Sooyaalka Doorashada Madaxweyneyaasha Soomaaliya:

1960-kii, Markii xuriyadda la qaatey, isla markaana la isku darey labadii baarlamaan ee waqooyi iyo koonfur, waxaa sacab lagu doortey Aden Cabdulle Cusmaan, isagoo xilka hayey ilaa afti loo qaado dastuurka.

1961: Markii Aftida la qaadey kadib, Waxaa Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ku tartamey Aden Cabdulle Cusmaan Iyo Cali jimcaale , 3 wareeg ayaa la isla tagey, 1 cod ayaa waxaa markii dambe ku adkaadey Aden Cabdulle Cusmaan

1967: Waxaa doorasho illaa sadex(3) wareeg la isla gaarey ku adkaadey Madaxweyne  Cabdirashid Cali Sharma’arke, waa doorasho Soomaaliya iyo Afrika taariikhi u ah, waayo murashaxii laga adkaadey ayaa si nabad ah ku wareejiyay xilka, beeraleyna iska noqdey.

1969: Waxaa dalka xoog ku qabsadey ciidanka xoogga dalka uu horkacayey taliyahooda Maxamed Siyaad Barre, ilaa 21 sano uu talada hayey, waxaa dhacdey hal doorasho madaxweynimo taas oo dhacdey December 1986-dii, Jaalle Siyaad isagaa keligii ayaa murashax ahaa, sanduuqana waxaa uu ahaa Haa iyo Maya, dabcan isaga ayaa ku guuleystay.

1991-dii, Shir ka dhacey dalka Djabuti, Cali Mahdi Maxamed ayaa helay codadka dhamaan dadkii meesha joogey, labo sano oo KMG ayaa loo doortey laakin ma calfan sababo la xiriira kala jab USC-da ah iyo dagaallo dhex maray isaga iyo General Maxamed Faarax Ceydiid.

Doorashooyinka murashaxiinta badan waxaa  ay ka soo bilaabatey shirkii tuulada Carte ee dalka Djabuti, wixii maalintaasi ka dambeeyey doorasho walbo oo dhacda, waxaa isa soo sharaxayey murashaxiin intooda badan ujeedada ka aheyd “Dadka Ha La iiga Barto”. 

26 August 2000: Doorasho Madaxweyne, Waxaa doortay Baarlamaanka TNG-da 

Wareegga Koobaad

Codadka guud ahaan 238
Codadka halaabay 3
Codadka saxda noqday 235

Wareegga Labaad:

Codadka guud ahaan 238
Codadka Halaabay 2
Codadka fiicnaaday 236

Wareegga 3aad:

Codadka guud ahaan 238
Codadka halaabay 1
Codadka fiicnaaday 237

 

Murashax Wareegga  1aad Wareegga 2aad  Wareegga  3aad
Cabdulkassim Salat Xassan 78 (33.19%) 124 (52.54%) 145 (61.18%)
Cabdullahi Axmed Cadow 83 (35.32%) 110 (46.61%) 92 (38.82%)
Ali Khalif Galaydh 35 (14.89%) 2 (0.85%)
Cali Mahdi 12 (5.11%)
12 Murashax oo kale 27 (11.49%)

Inka uu Cali Mahdi u soo baxay wareegga 2aad, Hadana waa ka tanaasulay.   

10 October 2004: Doorashada Madaxtinnimada: Waxaa Doortay Baarlamaanka TFG

Wareegga 1aad:

Dhamaan Codad 275
Codadka Hallaabay 2
Codadka Fiicnaaday 273

Wareegga 2aad:

Dhamaan Codadka 275
Codadka Hallaabay 7
Codadka fiicnaaday 268

Wareegga 3aad:

Dhamaan Codadka 275
Codadka Hallaabay 7
Codadka fiicnaaday 268

 

Murashax Wareegga 1aad Wareegga 2aad Waeegga 3aad
Cabdullahi Yusuf Axmed 80 (29.30%) 147 (54.85%) 189 (70.52%)
Cabdullahi Axmed Cadow 35 (12.82%) 83 (30.97%) 79 (29.48%)
Mohammed Qanyare Afrah 33 (12.09%) 38 (14.58%)
Cabdulrahman Jamma Barre 18 (6.59%)
Cabdulkassim Salat Xassan 16 (5.86%)
Mohammed Xassan Cadow 14 (5.13%)
Muse Sudi Yalaxow 13 (4.76%)
Osman Jamac Cali “Kalun” 10 (3.66%)
18 murashax oo kale 54 (19.78%)

Cabdulrahman Jamac Barre, Cabdulkassim Salat Xassan iyo Mohammed Xassan Cadow  waxaa ay ku soo baxeen wareegga 2aad laakin waa ka tanaasuleen. 

30 January 2009 Madaxtinnimo, Waxaa doortay Baarlamaanka Federaalka

Wareega Koobaad:

Dhamaad Codadka 425
Codadka Hallaabay 3
Codadka fiican 422

Wareegga Labaad:

Dhamaad Codadka 421
Codadka Hallaabay 2
Codadka fiican 419

 

Murashax Wareegga 1aad Wareegga 2aad
Sharif Sheekh Axmed 215 (50.95%) 293 (69.93%)
Maslax Maxamed Siyaad 60 (14.22%) 126 (30.07%)
Nur Xasan Xuseen 59 (13.98%)
Cali Khalif Galeyr 31 (7.35%)
Maxamed Cusmaan Aden 25 (5.92%)
Cabdiraxman Cabdi Xuseen 10 (2.37%)
Axmed Xaashi Maxamud 9 (2.13%)
Cawad Axmed Cashoro 5 (1.18%)
Muse Macalin Yusuf 4 (0.95%)
Yusuf Azhari 2 (0.47%)
Cali Xaashi Dhoore 2 (0.47%)
Xasan Abshir Faarax
Maxamed Maxamud Guuleed
Maxamed Axmed Cali

Xaassan Abshir Farax, Mohamed Mohamud Guled, Mohamed Axmed Ali waxay aheyd in doorashada ka qeyb galaan, laakin doorashada ka hor ayey ka baxeen.

**Nur Xassan Xussein, Cali Khalif Galaydh, Mohamed Osman Aden iyo Abdirahman Abdi Hussein waxaa ay u soo baxeen wareegga 2aad laakin waa isaga baxeen. 

10 September 2012: Doorashada Madaxtinnimada, Waxaa dooranayey Baarlamaanka Soomaaliya

Wareegga 1aad

Dhamaan Codad 271
Codadka Halaabay 1
Codadka Fiican 270

Wareegga 2aad

Dhamaan Codad 271
Codadka Halaabay 2
Codadka Fiican 269

 

Murashax Wareegga 1aad Wareegga 2aad
Xassan Sheikh Mohamud 60 (22.22%) 190 (70.63%)
Sharif Sheikh Axmed 64 (23.70%) 79 (29.37%)
Cabdiweli Mohamed Cali 30 (11.11%)
Cabdiqadir Cosoble Cali 27 (10.00%)
Cabdullahi Axmed Cadow 24 (8.89%)
Cabdirahman Baadiyow 21 (7.78%)
Mohamed Cabdullahi Farmajo 14 (5.19%)
Axmed Ismail Samatar 8 (2.96%)
Yusuf Garaad Cumar 8 (2.96%)
Cabdiwahid Cilmi Gonjex 3 (1.11%)
Mohamed Cabdiweli Sheikh Yusuf 3 (1.11%)
Cumar Salaad Cilmi 2 (0.74%)
Xaaji Mohamed Yasin Ismail 2 (0.74%)
Mohamed Cabdullahi Cumar 1 (0.37%)
Cusman Mohamed Gaal 1 (0.37%)
Said Issa Mohamud 1 (0.37%)
Zakariye Mohamud X. Cabdi 1 (0.37%)
Mohamed Axmed Saalax 0 (0.00%)
Salad Cali Jeelle 0 (0.00%)
Maslax Mohamed Siad Barre 0 (0.00%)
Ibrahim Cali xussein 0 (0.00%)
Cabdirahman Mohamed Cabdi Xaashi 0 (0.00%)

*Cabdiweli Mohamed Cali iyo Cabdiqadir Cosoble, waxaa ay u soo gudbeen wareegga 2aad balse waa ay tanaasuleen, mar haddii 2 murashax isku soo harey, codeynta wareegga 3aad looma baahan.

Doorashada maanta lama oga inta wareeg ee la geli doono, laakin Natiijada ka soo baxda, waa Soyaal kale oo qormaya.

W/D: Cabdi Caziz Axmed Gurbiye,

Email: [email protected]