U bood dhigaalka

Akhriso Sooyaalka: Wasiir Siraaji Ka Sokow, 20 Kale Oo Ciidamada Ay Gar-darro Ku Dileen Sanadkan

Sheeko:Dalka

Askar ku labisan dharka ciidanka dowladda ayaa maalin walba waxaa ay si gar-darro ah shacabka rayid ah ugu dilaan magaalada Muqdisho iyo meelo kale oo dalka ah, Hadaba, waxaa ay dood ka taagan tahay goorta uu askariga xabad ridi karo iyo cidda uu ku diri karo?!

Dowladda federaalka ah waxaa ay ka gilgilatay dilka wasiirka howlaha guud Cabbaas Sheekh Siraaji, arrintaasi oo la soo dhaweeyay balse waxaa isweydiin leh “Sow Nafta iyo nolaha banii’aadamka  isku mid ma aha”?!!, haddii jawaabta Haa tahay, waa maxay sababta ay dowladda wax uga qaban  la’dahay dhibaatada iyo dilka ay askarta ku hayaan rayidka.

Goobjoog News, waxaa ay akhristayaasheeda u soo gudbineysaa Sooyaalka dilalka ay sanadkan 2017-ka askarta dowladda  u geysteen shacabka Soomaaliyeed kuwaas oo ka dhacay Muqdisho iyo meelo kale, taasi oo muhiim ka dhigeysa in dowladda federaalka ah ay fiiriso kiisaska dilalka ah oo ay ilaalada ama dadka ku labisan dharka ciidamada dowladda u geystaan shacabka.

Akhriso: Sooyaalka Dilalka Askarta Dowladda Ee Shacabka Soomaaliyeed

January 15, 2017: Askari ayaa  gaari shacab ku rasaaseeyay xaafadda Ood-weyne ee degmada Dayniile, ardey ayaa ku dhaawacmey, waxaa kaloo uu askariga dilay Oday gaariga saarnaa.

Askariga ayaa la sheegay in uu ku sugnaa goob laga raaco gadiidka, waxaana la ogeyn sababta uu garigaasi u rasaaseeyey, iyadoo la sheegay in halkaasi ay ku dhaawacmeen 4 qof oo Saddex ay yihiin Arday.

Janaayo, 14, 2017: Xilli subax ah ayaa degmada Wadajir waxaa toogasho lagu dilay mid ka mid ah darawlada ku shaqeysta gadiidka Mooto Bajaajka, kadib markii uu rasaas ku furay shaqsi ku labisnaa dareyska ciidamada militariga dowladda Soomaaliya.

February 11, 2017: Ilaalo la socotay gaari uu leeyahay guddoomiyihii hore ee degmada Wadajir ee gobolka Banaadir  ayaa rasaas ku furay gaari uu la sodcday xildhibaan, shilka waxaa uu ka dhacay agagaarka saldhigga booliiska Waaberi oo ku dhow isgoyska Dabka.

Gaariga rasaasta lagu furay ayaa waxaa la sheegay inuusan la socon xiligaas xildhibaankii lahaa, waxaana ku dhaawacmay darawalka iyo nin la socday oo markii dambe wararku sheegayaan in midkood uu isbitaalka Madiina ugu geeriyooday dhaawacii soo gaaray.

March 6, 2017: Qof rayid ahaa ayaa lagu dilay Zoobe, Hodan, qofkaas oo gaari watay waxaa dilay askari ka tirsan ciidanka dowladda oo la socday kolonyo marayey laami yaraha Zoobe ee degmada Hodan.

March 11, 2017: Haweeney ka mid ahayd ganacsatada magaalada Gaalkacyo, ayaa waxaa  toogasho ku dilay askari ka tirsan ciidanka dowladda hoose magaalada Gaalkacyo, Puntland,  dilka waxaa uu dhacay ka dib markii uu murun soo kala dhex galay.

March 15, 2017:    Gaari shacabka ah  ayaa lagu rasaaseeyay deegaanka Xaawo Cabdi, kadib markii rag hubaysan oo gashnaa tuutaha ciidamada dowladda ay isku dayeen inay dhac u geysteen gaarigaasi.

Mid ka mid ah dadkii la socday baabuurka  ayaa sheegay rasaastii ay rideen raggii hubeysnaa inuu ku dhaawacmay darawalkii waday gaariga iyo sidoo kale ruux kale oo ka mid ahaa dadkii saarnaa Baabuurka

March 19, 2017: Ciidamo la sheegay iney ka wada tirsan yihiin kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ay isku rasaaseeyeen isgoyska Tarabuunka, degmada Hodon ee magaalada Muqdisho.

Inta la xaqiijiyey waxaa Israsaaseyntaasi ku dhaawacmay 3 qof oo uu ku jiro wariye la sheegay inuu ka tirsan yahay Idaacadda Shabelle kaasi oo lagu magacaabo Mahad Maxamed C/raxmaan.

March 26, 2017: Asakri ayaa qof rayid ah ku dilay Jowhar, askariga iyo ninka waxaa dhex maray muran arrimo guri ku saabsan

March 28, 2017:  Askari ka tirsan ciidamada dowladda oo labo ruux oo dhalinyaro ah ku dilay Garoon Kubadda Cagta lagu ciyaaro oo ku yaallo Degmada Dharkiinley gaar ahaan ka soo horjeedka Iskuulka Dhame Yaasiin Cartan.

March 28, 2017: Waxaa ka dhacday magaalada Muqdisho dhacdo argagax leh kadib markii nin hubeysan oo ka tirsan ciidamada dowladda uu gabar safar ahayd ku dilay albaabka laga galo garoonka diyaaradaha Muqdisho.

April 6, 2017: Askari ka tirsan ciidamada ammaanka magaalada Garowe ayaa toogtay qof shacab ahaa oo ka mid ah dadka ku nool Garowe, dilka waxaa uu ka dhashay Muran.

April 8, 2017: Askar ka tirsan nabad sugidda ayaa magaalada Balad-xaawo ku dilay in tagsiile ah oo lagu magacaabao Jeeri Horeeye.

April 15, 2017: Nin dhalinyaro ahaa  ayaa lagu dilay degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir, iyadoo ay dilkiisa gaysteen laba nin oo ka tirsan ciidamada dowladda.

April 18, 2017: Askari ayaa qof shacabka ah waxaa uu ku dhex dilay bartamada suuqa Kismaayo, wararka ayaa sheegaya in qofka rayidka ah ee la toogtay oo Gaari watay ay murmeen kadibna uu toogtay.

April 22, 2017: Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya  ayaa Magaalada Muqdisho ku dilay nin dhalinyaro ahaa, ka dib markii la sheegay in ay wada murmayn. Dilkan, ayaa ka dhacay xaafadda Salaama ee Degmada Dharkiinley, iyadoo dilka ka dib ay askariga u suurta-gashay in uu goobtaasi ka baxsado.

April 23, 2017: Ciidamada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dilay Abwaan Tahliil Jimcaale Hubane oo ka tirsanaa Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta, kuna geeriyooday shil gaari oo ka dhacay afaafka hore ee Madaxtooyada.

April 26, 2017: Afar qof oo rayid u badan, ayaa ku dhimatay iska horimaad  ka dhacay Magaalada Muqdisho, iyadoo shan kalana la sheegay in ay ku dhaawacantay.

Iska horimaadkan oo u dhaxeeyay ciidan ka wada tirsan Ciidamada Dowladda, ayaa waxaa uu ku dhex maray Beerta Jaadka ee Degmada Hodan.

April 28, 2017: Ciidamada dowladda Soomaaliya, ayaa  magaalada Muqdisho ku toogtay nin oday ahaa, oo la socday gaari caasi/hoomey oo ciidamadu ay kaga shakiyeen in walxaha qarxa la soo saaray.

Ciidanka Nabad Suggida ee ku sugan isgoyska Danwadaagta ee degmada Wadajir, ayaa toogasho ku dilay ninkaasi ka dib markii uu ka dhego adeegay amarka ah in gaariga uu joojiyo.

May 3, 2017: Ciidamada Dowladda ayaa dilay wasiirka Howlaha guud ee dowladda Cabbaas Sheekh Siraaji, dilka waxaa geystay ilaalada hanta-dhowraha qaranka.

Dadkan oo dhan waxaa ay wadaagaan dil ay u geysteen askar ku labisnaa dharka ciidamada dowladda, ciidankaasi oo ay shaqadoodu aheyd in ay ilaaliyaan nolosha shacabka, dowladda madaxweyne Farmaajo waxaa la gudboon in ay shuruuc ka soo saarto ilaalada gaarka ah iyo askariga aad moodo in marti looga yahay waddooyinka iyo dhulka Soomaaliyeed.

Goobjoog News