U bood dhigaalka

Akhriso Sooyaalka Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee la dilay Sanadkan 2015-ka

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan waxaa uu noqday Xildhibaankii Lixaad ee lagu dilay Muqdisho sanadkan, Xildhibaan Guraxn  ayaa u dhintay dhaawac ka soo gaaray xabado ay Sabtidii ku dhifteen dabley hubeysan isagoo marayey Xamarweyne.

Hadaba Halkan ka akhriso Sooyaalka Xildhibaanada la dilay 2015:

Febaraayo 20, 2015: Qaraxyo ismiidaamin ah ayaa ka dhacay Central Hotel Waxaa qaraxa ku dhintey 28 qof, wax ka badan 40 qofna waa ay ku dhaawacmeen, dadka dhintey waxaa ka mid ah mas’uuliyiinta kala ah gudoomiye ku xigeenkii dhanka siyaasadda ee maamulka gobalka Banaadir Maxamed Aadan Guuleed (Caane Geel), Xildhibaan Cumar Cali Nuur (Cumar Furdug) iyo Cabdi Shakuur Mire Aadan oo xilal kala duwan kaso qabtay Puntland ahaana Qoraa. Sidoo kale xubnaha dhaawacmay waxaa ka mid ah Xildhibaan Cabdiqaadir Cali Cumar iyo siyaasiin halkaasi ku sugneyd oo qaarkood dhaawac fudud soo gaaray.

April 25, 2015: Xildhibaan ka tirsanaan jiray baarlamaankii KMG ahaa ayaa lagu dilay suuqa Bakaaraha, waxaa magaciisa  lagu sheegay Xaaji Cali Aadan, waxaana lagu dilay agagaarka halka lagu magacaabo Cabdalla Shideeye.

May 23, 2015: Ciidamo ka tirsan xoogga kuwa militariga Soomaaliya ayaa rasaas ku furey gaari ay wateen labo xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka, kaasi oo u diidey in uu seedka siiyo, halkaasina waxaa ku dhintay xildhibaan Yuusuf Dirir , waxaana ku dhaawacmay Xildhibaan Cabdalle.

July 25, 2015: Xildhibaan C/laahi Xuseen Maxamuud Baantu ayaa lagu dilay Muqdishu. Xildhibaanka ayaa isla bishaas gudaheeda badalay aabihiis Xildhibaan Xuseen Baantuu oo tii rabbi u timid.

November 1, 2015: Rag hubeysan ayaa sabtidii waxa ay weerar isugu jira Ismiidaamin iyo dagaal toos ah ku qaadeen Hotelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho.

Weerarka ayaa ku billawday qarax Ismiidaamin ah oo gaari loo adeegsaday, kaasi oo lala eegtay Hotelka Albaabkiisa oo dhagxaan ay ku xirnaayeen.

Markii uu qaraxaasi dhacay ayaa waxaa xigtay rasaas xooggan oo halka qarax uu ka dhacay laga maqlay, waxaana daqooqado ka dib goobta ka dhacay Qaraxii Labaad oo isna gaari yar loo adeegsaday.

Mas’uuliyiinta qaraxa Hotel saxafi ku dhintay waxaa ka mid ahaa C/rashiid Shire Il-qeyte oo ahaa Milkiilaha Hotelka Saxafi ee la weeraray, Xildhibaan Cabdi Maxamed Abtidoon iyo Abaanduulihii hore ee ciidanka xoogga dalka Jeneraal C/kariin Dhega Badan.

November 7, 2015: Xoogag Hubeysan ayaa degmada Xamarweyne ku weeraray  Xildhibaan katirsanaa Baarlamaanka dowladda Federaalka.

Dabley  watay gaari nuuca raaxada ah ay rasaar ku furay gaari uu la socday Max’med  Axmed Gurxan oo katirsanaa xildhibaanada baarlamaanka, Xildhibaanka ayaa saacado kadib u dhintay dhaawaca soo gaaray.

Goobjoog News