U bood dhigaalka

Akhriso: Taariikh Nololeedka Abwaan Saxardiid Oo Maanta Geeriyoodey

Sheeko:Dalka

Allah u naxariistee waxaa saakay Magaalada Hargeysa  ee Soomaaliland ku geeriyooday Abwaan Saxardiid Maxamed Jabiye, oo ka mid ahaa abwaanadii ugu caansanaa sida weyna loo yaqaanay gayiga Soomaalida, Abwaanka ayaa u geeriyooday xanuun soo wajahay Abwaanka waayihii ugu danbeeyay.

Abwaanka ayaa xusuus iyo taariikh fogba ku lahaa gudaha dalka asaga oo lagu xasuusto inuu sameeyay heesto badan kuwaas oo dadka Soomaaliyeed uu ku dareen siinayay qimaha ay leedaha xoriyadda.

Abawaan Saxardiid Maxamed Jabiye Saxardiid ayaa ku dhashay magaalada Hargeysa sanadkii 1938 gaar ahaan xaafadda Jamaacada, isagoo ku koray kuna barbaaray magaalada Hargeysa abwaanka ayaana ku geeriyooday da’da 81 sano.

Sanadihii 1954- 1955, ayeey soo shaac baxday saameyta faneed taas aad u soo jiiday dadka, waxa uuna hal abuuray Ruwaayado iyo Heeso fara badan oo  wadani iyo Jeceyl isugu jira kuwaas oo aad dadka u la dhaceen .

Sidoo kale Ruwaayadihii Abwaan Saxardiid Maxamed Jabiye uu alifay waxaa ka mid ahaa kuwo uu uga hadlayay xoriyad doonka, maadaama dalka xiligaas uusan xoriyad qaadan oo dhowr sano ay ka dhineed waqdigii loo asteeyay in Soomaaliya Xoriyad la siiyo ee 1960 kii .

Abwaanka Heesaha lagu xasuusto oo xoriyadda ka hadlayay waxaa ka mid ahaa Heestii can baxday ee Aan maalno Hasheen Maandeeq, oo la qaaday maalintii calan Soomaali leedahay oo xor ah la  saaray 26 kii June sanadkii 1960 magaalada Hargeysa, waxaana ku luuqeyay fanaan Maxamed Axmed Kuluc, oo asna geeriyooday.

Dhanka kale Heesihii uu sameeyay Abawaanka ayaa waxa ay ahaayeen kuwo inta badan ay  qaadeen fanaaniintii ugu waa weynaa hobalada Waabari.

Waxaana ka dhex nuuqaneyay fanaaniin miisaan ku lahaa fanka Soomaaliyeed waxa aan ka xusi karnaa, Allah u naxariistee fanaanaddii boqoradda codka Xaliima Qaliif Cumar Barre Maqool, Cismaan Cabdi kariin Gacanloow iyo fananiin kale oo ka mid ahaa kuwo aad looga qadariyo fanka dhexdiisa kana tirsanaa hobaladii qaranka Waabari.

Abwaan Saxardiid Jabiye ayaa ahaa Tiir adag oo ku taagnaa fanka Soomaaliyeed ayaa ka baxay, waxaana lagu xasuusan doonaan raad faneedkii uu uga tagay fanka iyo Umadda Soomaaliyeed.

Goobjoog News