U bood dhigaalka

Akhriso: Taariikh Nololeedka Dhammaan Wasiirrada Xukuumadda Ra’isul Wasaare Xasan Khayre

Sheeko:Dalka

Goobjoog News, waxaa ay akhristayaasheeda u soo gudbineysaa taariikh nololeedka dhammaan wasiirrada xukuumadda Xasan Khayre, wasiirrdan oo ka kooban 27 waxaa lagu dhawaaqay galabtii Talaadada.

Sida aad ka akhrin doontaan taariikhda wasiirrada, intooda badan waxaa ay la haayeen hey’ado iyo NGO’s, qaar waxaa ku jira madaxweyne Farmaajo isku jaamacad ka soo baxeen ama reer New York isla ahaayeen, koox waxaa ku jirta shaqaale ka ahaa hey’adda NRC, dad dalka Qatar muddo ku noolaa, shaqana ka soo qabtay iyo in kale oo isbadal doon-ka ku timid.

Waxaad ku arki doontaa, wasiirro aqoon leh balse shaqo aan shaqadooda aheyn loo dhiibay, gaar ahaan wasaarada ammaanka la xiriira, dhibaatada ugu badan ee wasiirrada qabsan doonta waa la qabsiga shaqada iyo shaqaalaha.

Hadaba, Halkan Ka Akhriso Taariikhda Wasiirrada Oo Dhameystiran:

1. Mahdi Axmed Guuleed /Khadar: Ra’iisul Wasaare Ku-xigeen , Waxa uu soo jeedaa Hargeysa, Xubin ayuu ka ahaa guddida doorashooyinka Somaliland 2009-kii, waxaa uu noqday la taliyaha sharciga ee guddida doorashooyinka Somaliland iyo Operation Director, Sidoo kale waxa uu hey’adda UNDP kala shaqeeyey sharciga/ Rule of law.

Dhanka waxbarashada, Sharciga ayuu ka bartay jaamacad Ethiopia ku taalla, isaga oo Master ka qaatay Oil Protection agreements, Waxa uu noqday madaxa kuliyadda sharciga ee Jaamacada Hargeysa, Hadda waxa uu shahaada PHD ka diyaariyaa jaamacada UN ee Peace University Addis ababa/ hadda waxaa loo magaacabay ra’isul wasaare ku xigeen.

2. Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi: W. Kaluumeysiga & Kheyraadka Badda, waa Dhul-bahante, waxaa uu Sheekh ku dhashay September 23-keedii, 1955-tii, waxaa dhalay madaxweynihii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi.

Dhanka waxbarashada waxaa uu heystaa PhD xagga dhaqaalaha ah ee Jaamacadda George Mason University, Master-kana John Hopkins University, waxaa uu dhaqaalaha ka bartay Pace University in New York, waxaa uu heystaa shahaadada loo yaqaano Public Accountant (CPA).

Waa falanqeeye xagga dhaqaalaha, waxaa uu aqoon fiican u leeyahay Bangiyada, 1989-2004-tii, waxaa uu ka shaqeynayey Bangoga Adduunka, waxaa uu maareeyay lacag ka badan Bank’s  $115 billion. Hadda waxaa loo doortay wasiirka kaluumeysiga iyo kheyraadka badda.

3. Dr. Maryan Qaasim Axmed: Wasiirka Gargaarka & Maareynta Masiibooyinka: Waxaa ay dhalatay 1959, Waxaa ay ku dhalatay Baardheere., dhanka waxbrashada 1979-1983: Jaamacadda Umadda, Kuliyadda Daawada iyo Qaliinka. 1986: Siminar, Jarmalka ee Parlin Uviversity, Intii Holland ay joogtay, Waxaa uu dhigatay Katholic Universities Nijmegen, waxaa ay sidoo kale  2011-2012: Master in Public Health ka dhigatay Jaamacadda Warwick University, UK

Shaqada ay ka qabatay waxaa ka mid ah 1984-1986: Caawiye Macalin Jaamacadda Umadda, 198-1989: Dalka Yemen, Dhakhtar, Primary Health Care, Hey’ad Hollanad, Damaar.

November 18, 2010: Xukuumadii Ra’isul Wasaare Farmaajo, Maryan Qasim Ahmed waxaa loo magacaabay  wasiirka arrimaha haweenka iyo qoyska.

2012: Madaxda Xisbiga Tayo

November 4, 2012: Xukuumadii Ra’isul Wasaare Shirdoon waxaa Maryam Qasim loo Magacaabay  Minster of Social Developments

2016: Madaxa Fund Rising-ka ee Fursad Fund,, Waxaa ay Lataliye u tahay ra’isul Wasaare Cumar Cabdirashid arrimaha bulshada, Madax ka yahay tahay Carma, waxaa ay la shaqeysaa hey’ado ay ka mid yihiin UNICEF iyo WHO, Waxay kaloo Goodwil ambassador u tahay hey’ado badan, hadda ayaa loo magacaabay wasiirka gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka.

4. Cabdi Faarax Siciid(Juxa): Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u Heshiisiinta: Wuxuu ka soo jeedaa Garoowe Nugaal, Master ayuu ka qaatay culuumta saxaafadda jaamacad ku taalla jamhuuriyada Czech Republic. Waxa uu noqday mulkiilaha idaacadda Halgan oo ku taalla Ohio kana waranta arrimaha bulshada /Community Radio.

Mr. Juxa waxaa uu  noqday wasiirka waxbarashada Puntland 5 sanno oo madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole xilka hayey . waxaanu mudadaasi suurogeliyey midaynta imtixaanaadka dugsiyada Puntland iyo midaynta manhajka waxbarasho.

Hay’adda UNOPS ayuu kala shaqeeyey arrimaha siyaasadda Puntland ka hor inta aan loo bixin magaca UNSOM, isaga oo hey’adda ka ahaa xiriiriyaha waxbarashada Soomaaliya iyo midawga Yurub

Waxa uu qoray Buugga lagu magacaabo QAB IYO QUURSI oo uu kaga hadlaayo arrimaaha takoorka bulshada dhexdeedu ay isku samayso, hadda waxaa loo doortay wasiirka arrimaha gudaha, federaalka ah iyo dib u heshiisiinta.

5. Xil. Dr.Cabdiraxman Ducaale Beyle: Wasiirka Maaliyadda: Mr. Bayle, waxaa uu ka soo jeedaa Awdal,  intii u dhaxaysay 1955 ilaa 1956 ayuu ku dhashay degmada Gabiley oo ka tirsan Gobolka Waqooyi Galbeed shahaadooyinka MBA iyo PHD ayuu ka diyaariyey jaamacadda WISCONIN ee dalka Maraykanka

Cabdiraxmaan Bayle, shaqooyinka uu qabtay waxaa ka mid ahaa: waxaa uu noqday safiirka Hindiya u fadhiya Soomaaliya, wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud,  waa Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka 10aad , Mr Beyle waxaa uu noqday guddoomiyaha doorashada guddoonka baarlamaanka 10aad iyo sidoo kale guddoomiyaha guddiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya, , hadda waxaa loo magacaabay wasiirka maaliyadda.

6. Amb.Yuusuf-Garaad Cumar: WasiirkaArrimaha Dibadda: Waxaa uu ku dhashay Muqdisho 1960-kii, waxaa uu ku hadlaa English, French iyo Somali,  mudadii u dhaxeysay 1992-2012-kii, waxaa uu ka shaqeyn jiray BBC, isaga oo 13 sano madax ka ahaa laanta afka Soomaaliga. Horay 1991-kii waxaa uu la shaqeeyay hey’adda laan-qeyra Cas halka uu weriye ka ahaa radio Muqdisho 1983-1990-kii.

Dhanka waxbrashada 2004 -2005, waxaa uu dhigtay Global Master of Arts Programme ee  Fletcher School of Law and Diplomacy at Tufts University.  Waxaa kaloo uu Bachelor of Arts ka dhigtay jaamacadda Somali National University ee magaalada Muqdisho.

2014-kii, wixii ka dambeeyay waxaa uu la taliye u ahaa madaxweyne Xasan Sheekh isaga oo sidoo kale hey’ado caalami ah la taliyey. sanadkii hore waxaa loo magacaabay safiirka Soomaliya ee UN, hadda waxaa loo magacaabay wasiirka arrimaha dibadda.

7. Xil. Maryan Aweys Jaamac: Wasiirka Dekedaha & Gaadiidka Badda, waxaa ay muddo ka shaqeyn jirtay hey’adda UNHCR, illaa markii dambe uu ra’isul wasaare Cabdiweli Gaas u magacaabay wasiirka haweenka iyo qoyska.

Baarlamaankii 9aad waxaa ay ku jirtay xubnaha firfircoon, iyaga oo madax ka noqotay guddiga  haweenka iyo xuquuqul insaanka.

Aqoonteeda waa heer Jaamacadeed, waxaa ay ku hadashaa afar luqad oo ay ka mid yihiin Kiswahili iyo Ingiriiska, hadda waxaa loo magacaabay Dekedaha & Gaadiidka Badda.

8. Xil .Sheekhnuur Maxamed Xasan: Wasiirka Xanaanada Xoolaha, waa Biyo-maal, waxaa uu dhashay 1981-dii, jir ku dhashay degmada Jamaame ee Jubbada hoose, waxbarada dugsiga waxa uu ku qaatay Jubbada Hoose iyo Muqdisho.

Noloshiisa badankeeda waxa uu ku qaatay dalka Qadar oo uu waxbarashada ka sii waday ilaa heer jaamacadeed waxaanu bartay cilmiga Engineering-ka, waa ganacsade suuqa Bakaaraha ku leh ganacsiyo soo lagu iibiyo qalabka Electronics-ka iyo waxybaaha la isku qurxiyo, qoyskiisu waxa uu deganyahay Muqdisho sida Hooyadii iyo Aabihii, waa Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka 10aad, waxaa hadda loo doortay wasiirka xanaanada xoolaha.

9. Khadra Axmed Ducaale: Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha: 2015- hadda: Waxaa ay la taliye ka aheyd wasaaradda qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah, 2014-2015-kii, waxaa ay la taliye ka aheyd wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka iyada oo la shaqeysay hey’adaha  the African Union, European Union, UNHCR, UNDP, AMISOM iyo hey’ado kale, 2013-kii waxaa ay aheyd madaxa shaqaalaha xafiiska ra’isul wasaare ku-xigeenka Marwo Fowsiyo, 2005-2012-kii waxaa ay ka shaqeyn jirtay CARNEGIE MELLON UNIVERSITY ee dalka Qadar.

Xagga aqoonta waxaa ay Master of Arts ka heystaa  International Education ee Jaamacadda New York, New York City, New York halka  Bachelor of Science  ka diyaarisay  Business Studies and Office Administration ee State University College of Buffalo, Buffalo, New York, hadda waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha.

10. Dr. Fawziya Abiikar Nuur: Wasiirka Caafimaadka & DaryeelkaBulshada, waxaa ay ka soo jeedaa gobolka Hiiraan, waxaa ay ku dhalatay Jowhar 1960-kii, waxbarashada dugsi hoose/dhexe iyo sare waxaa ay ku qaadatay magaalada Muqdisho iyada oo ka baxday dugsi sare Banaadir.

Waxbarashada Jaamacadeed, waxaa ay ka qalinjabisay kuliyadda sharciga ee Jaamacadda umadda 1985-tii, kadib isla kuliyaddaas ayey ka noqotay bare kaaliye, shahaadada labaad ee Master iyo Phd-da waxaa ay ku sameysay dalka Talyaaniga iyada oo diyaarisay Public Health, Master-ka waa  Health Services Management  ee machadka the Istituto Superiore di Sanitá in Rome, Italy halka shahaadada PhD ka diyaarisay Public Healthee Jaamacadda  l’Universitá degli Studi di Roma, ‘La Sapienza’.

Dhanka khibradda shaqo: muddo waxaa ay ka shaqeysay Jaamacadaha Talyaaniga, 4-tii sano ee ugu dambeysay waxaa ay joogay Nairobi iyada oo la shaqeyneysay hey’adda qaramada midoobey ee WHO.

11. Eng.Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yarisow: Wasiirka Warfaafinta & Hanuuninta  Dadweynaha. Waa aqoonyahan heysta shahaadaha Masterka, mudadii 9sano ahayd ee ugu dambeysay waxa uu ka shaqeynayay dalka, xilal kala duwan ayuu dalka kasoo qabtay Wasiirka Lacagta, wasiirka warfaafinta, la taliye sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, iyo Afhayeenka madaxtooyada dowladda federaalka Soomaaliya.

Injineer Yariisow waxa uu ka mid ahaa qorbajoogga Soomaaliyeed ee ku dhaqnaa dalka UK, waxa uu xubin firfircoon ka soo noqday jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku dhaqan, isagoo muddo 10sano ahna dowladda hoose ee magaalada London uu kasoo shaqeeyay heer agaasinna uu ka gaaray, hadda waxaa loo magacaabay wasiirka warfaafinta iyo hanuuninta dadweynaha.

12. DeeqaYaasiin Xaaji Yuusuf: Wasiirka Haweenka & Xuquuqu lInsaanka, in ka badan 20 sanno ayey ku nooleed dalka Talyaaniga oo ay wax ku baratay, waxaa ay  aasaastay hey’adda IIDA oo ka shaqaysa arrimaha xuquuqda haweenka.

Doorashadii dalka ka dhacday waxaa ay ka mid aheyd guddiga doorashada dadban, waxay ahayd xubin guddoomiye ku-xigeenka guddida doorashooyinka dad badan ee heer federal.

13. Xil. Saciid Xuseen Ciid: Wasiirka Beeraha:  Saciid waxaa uu dhashay 1973-dii, waxaa PHD ka diyaariyay American International Open University ee Qaahira, India ayuu labo Master ka diyaariyay, shaqada waxaa ugu muhiimsanaa 2016 waxaa uu 2014-ahaa  wasiirka xanaada xoolaha, waxaa kaloo uu muddo ka shaqeeyey rugaha ganacsiga dalka sida Puntland, waa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka 10aad, waxaa hadda loo doortay wasiirka Beeraha.

14. Eng. Cabdi Canshuur Xasan: Wasiirka Boostada,  Isgaarsiinta & Teknology-da , waxaa uu u dhashay Baadi Cadde, waxaa uu ku dhashay kalana soo jeedaa gobolka Hiiraan, Canshuur waxaa uu Master ka heystaa cilmiga Injineernimada, dowladdii Siyaad Barre isla cilmigaas ayuu ku shaqeeyay, 3-dii sano ee ugu dambeysay waxaa uu madax ka ahaa xarun NISA hoos tagto oo lagu dhaqangeliyo maleeshiyaadka, waxaa loo magacaabay wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Tecknoljiyadda.

15. Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan: Wasiirka Waxbarashada & Tacliinta Sare, waxaa uu u dhashay Xawaadle, Buul-barde ayuu ku dhashay 1968-dii, waxaa Jaamacadda Oslo ka diyaariyay Xisaabaadka iyo Kimistariga, waxaa uu dibloma sare ka qaatey waxbarashada.

Muddadii ugu dambeysay waxaa uu ka shaqeeyay 2007: UNICEF, 2009-2011: NRC oo uu ka ahaa maamule xagga waxbarashada, 2011-2013-kii waxaa uu Dhadhaab kala shaqeyn jiray waxbarashada hey’adda UNHCR, 2013-2015: Waxaa uu wasaaradda waxbarashada la taliye kala ahaa dhanka waxbarashada, waxaa kaloo uu ka soo shaqeeyay Koonfurta Suudaan iyo Ciraaq oo uu kala shaqeyn jiray UNESCO iyo UNICEF, hadda waxaa loo magacaabay wasiirka wasaaradda waxbarashada.

16. AVV. Xasan Xuseen Xaaji: Wasiirka Cadaaladda , waa abuukaare, u dhashay Dir, Dabarre, waxaa uu heystaa dhalasho UK ah, waxaa uu ka soo shaqeeyay guddiga dastuurka xilligii Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari, ki simaha guddoomiyaha guddigaas ayuu noqday, hadda ayaa loo magacaabay wasaaradda cadaaladda.

17. Xil. Dr. Iiman Cabdullahi Cali: WasiirkaAwqaafta &ArrimahaDiinta: waxaa uu u dhashay beesha Hadame, waxaa uu heystaa dhalashada Canada, shahaadada Master ayuu ka diyaariyay maamulka iyo maareynta, muddo dheer oo uu qorbojoog ahaa mar dhaw ayuu dalka ku soo laabtay, Xildhibaan ayuu ka yahay golaha shacabka, waxaa kaloo hadda loo magacaabay wasiirka awqaafta iyo arrimaha diinta.

18. Cabdirashid Cabdullahi Maxamed: Wasiirka Gaashaandhigga , Waxaa uu ka soo jeeda Digil iyo Mirifle, Noloshiisa inta waxaa lagu xusuustaa NGO’s-ka gobollada Bay iyo Bakool, hey’ado ay ka mid yihiin Care International, WFP iyo NRC ayuu sidoo kale la shaqeeyay, maamulka Koofur Galbeed ee Sharif Xasan ayaa 2015-kii u magacaabay guddoomiyaha gobolka Bay, hadda waxaa loo magacaabay wasiirka gashaandhigga ee Soomaaliya.

19. Xil. Cabaas Cabdullahi Sheekh Siraaji: Wasiirka Howlaha Guud & Dib-u- Dhiska: waxaa uu u dhashay Digil iyo Mirifle, waxaa uu dhashay 1986-dii, in ka badan 20 sano waxaa uu ku noolaa xeryaha qaxootiga ee Kenya, Xerada IFO ayuu uga baxay dugsi sare, shahaadada koowaad waxaa uu diyaariyay Cilmiga Computer-ka, Jaamacadda Nairobi ee dalka Kenya, waxaa uu ka mid noqday xildhibaannadii lagu soo doortay Kismaayo, hadda waxaa loo magacaabay  wasiirka howlaha guud iyo dib u dhiska.

20. Xil. Eng.Cabdirashiid Maxamed Axmed: Wasiirka Batroolka & Macdanta:  waa beesha Sheekhaal, Gandarshe, 1962-dii ayuu ku dhashay magaalada Buulo-barde ee gobolka Hiiraan.

Waxbarashada, Jaamacadda umadda ayuu dhameeyay 1988-dii, isaga oo bartay Injineernimo,  waxaa uu caan ku ahaa qandaraasyada,  hey’ado ay ka mid yihiin Oxfam iyo kuwa kale ayuu ka shaqeeyay.

UNOSOM markii ay dalka joogtay waxaa uu ahaa Injineer la shaqeeya, maamulka Koofur galbeed ayaa u magacaabay wasiirka howlaha guud iyo dib u dhiska, 2015-kii, xukuumadii Cumar Cabdirashid Sharma’arke ayaa loo magacaabay wasiirka ganacsiga, waa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka 10aad, hadda ayaa loo magacaabay wasiirka Batroolka iyo Macdanta.

21. Xil. Maxamed Abuukar Islow(Ducaale): Wasiirka Amniga Gudaha , waa Abgaal, waxaa uu ku dhashay Muqdisho 1969-kii, waxbarashada Master ayuu ka heystaa Computer science Jaamacadda Mid-Sweden, waa ciyaar yahan kubadda Koloyga ah, qaranka Soomaaliya ayuu u ciyaaray, ciyaaraha heerka koowaad ee Swedena sidoo kale, waa ganacsade, waxaa uu leeyahay shirkadda shidaalka Naitionwide, waxaa uu share ku leeyahay Hoteellada Naasahablood, 2011-kii waxaa uu xildhibaannimo ka badalay Hilowle Iman Maxamud, wixii xilligaas ka dambeeyay waa xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka, hadda waxaa loo magacaabay wasiirka amniga gudaha

22. Xil. Khadiija Maxamed Diiriye: Wasiirka Dhallinyarada & Isboortiga: Khadiijo Diiriye waxaa ay dhalatay Muqdisho 2 April 1964-tii, waa hooyo leh 5 caruur ah, Jaamacadda Hope ayey 2014-kii ka qaadatey shahaadada koobaad ee Public Adminstration.

Khadiijo waxaa Xildhibaan noqotey dowladdii Carte 2000, waxaa ay xubin ka noqotey dhammaan baarlamaanndii xilligaas ka dambeeyay, iyaddoo guddiyo badan madax ka noqotey sida midka cilmi barista iyo guddiga xuquuqul insaanka, waxaa kaloo xilligaas wixii ka dambeeyay ay noqotey dhowr mar wasiiru dowlo ama wasiir ku xigeen, waxaa kaloo ay noqotey wasiirka horumarinta haweenka, wasiirka horumarinta reer miyiga, dhirta iyo daaqa, wasiirka dhalinyarada iyo Sportiga iyo ugu dambeyntii wasiirka haweenka iyo xuquuqda aadanaha.

23.Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac: Wasiirka  shaqada iyo shaqaalaha,  waxaa uu  ku dhashay Ceerigaabo Sanaag, dhanka waxbrashada Degree-ga koobaad iyo Master waxa uu ku qaatay Hindiya ka dibna Canada ayuu ku noolaa

Waxaa uu ka  shaqeeyey barnaamijkii New Deal , Booliska Soomaaliya hay’adda qaramada midoobay iyo xubin ka tirsan guddidii doorashooyinka, waa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka 10aad, hadda waxaa loo doortay wasiirka shaqada iyo shaqaalaha.

24. Prof. Saalim Caliyow Ibrow: Wasiirka Korontada iyo Biyaha ,  Horay waxaa uu u soo noqday xogheyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda kolyga, xubin ka tirsan guddiga Olybikada waa wixii ka horeeyay 1990-kii.

2005-tii, waxaa uu noqday wasiirka maaliyadda iyo ra’isul wasaare ku xigeenka 3aad, xukuumaddii 2aad ee Cali Maxamed Geedi waxaa uu noqday  ra’isul wasaare ku xigeen iyo wasiirka xanaanada xoolaha. 2007-dii ayuu noqday sii hayaha xilka ra’isul wasaaraha Soomaaliya markii Geedi is casilay, isaga oo markii dambe xukuumadda Nuur cadde ka noqday wasiirka cadaaladda. Hadda waxaa loo doortay wasiirka korintada iyo biyaha.

25. Avv.Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil: Wasiirka Arrimaha Dastuurka, waa Abuukaate wax ku soo bartay dalka Canada, July 2011-November 2012-kii, waxaa uu ahaa wasiirka dastuurka iyo dib u heshiisiinta.

2012-kii wixii ka dambeeyay, waxaa uu ahaa Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka 9aad, guddiga xuquuqul insaanka ayuu ka mid ahaa, waxaa uu ka mid ahaa mucaaradka dowladda Xasan Sheekh, hadda waxaa loo doortay Wasiirka Arrimaha Dastuurka.

26.Amb. Jamaal Maxamed Xasan:, Wasiirka Qorshaynta, Maalgashiga & Horumarinta Dhaqaalaha, Waxaa uu ka soo jeeda gobollada Sool iyo Sanaag, Waxaa shakhsi 2 sano ku jira siyaasadda.

Mr. Jamaal waxaa uu heystaa dhalashada Canada, isla dalkaas ayuu wax ku soo bartay, waxaa uu sidoo kale xiriirka caalamiga ah ka dhigtay jaamacadda Moi ee dalka Kenya.

Amb. Jamaal Maxamed Xasan, shaqooyinkiisa waxaa ka mid ahaa in uu la taliye safaaradda Mareykanka ee Naibobi uga ahaa arrimaha Soomaaliya, waxaa uu noqday Aug 6, 2015-tii noqday safiirka Soomaaliya ee Kenya isaga oo badalay Maxamed Nuur Americo, hadda waxaa loo magacaabay Wasiirka Qorshaynta, Maalgashiga& Horumarinta Dhaqaalaha.

Qoraalkan waa mid u gaar ah Goobjoog News, lama qaadan karo ogolaashiyo la’aan.