U bood dhigaalka

Akhriso: Taariikh Nololeedka Golaha Dhaqaalaha Qaranka

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta Muqdisho lagu daah-furay golaha dhaqaalaha qaranka oo madaxweyne Farmaajo uu Dekareeto ku magacaabay July 12, 2018.

Kooxdan waxaa ay dawladda Soomaaliya kala talin-doonta arrimaha dhaqaalaha dalka iyada oo lagu salaynayo cilmi baaris dheer iyo cadaymo, sidoo kalana dawladda siinaya talo iyo haggid ku aadan diyaarinta iyo dhaqan-galinta siyaasad dhaqaale oo tayo leh oo ka caawinaysa isku-dubaridka khayraadka dalka iyo dibadda iyo fulinta qorshayaasha dhaqaalaha iyo maaliyadda dalka.

Dhaqaale-yahannadan golaha dhaqaalaha qaranka guud ahaan waa 9 qof, 5 Soomaali ah iyo 4 kale ay yihiin ajaanib.

Haddaba, Goobjoog News, Waxaa ay Akhristayaasheeda u soo gudbineysaa Taariikhda golaha dhaqaalaha qaranka.

Kooxda Soomaalida:

Dr. Cali Ciise Cabdi, Waa maamulaha HESPI, waa dhaqaale yahan, heysta PhD, waxaa uu 10 sano la soo shaqeeyay IMF, waxaa uu muddo ku noolaa Tanzania iyo Itoobiya, waxaa uu la soo shaqeeyay Citibank iyo bangiga dhexe ee Soomaaliya, waxaa kale uu lataliye u noqday 30 dal oo Afrikaan ah.

Dr. Aues Scek: Dhaqaalaha ayuu PhD ka heystaa, waxaa uu lataliye u noqday dalal ay ku jiraan Kenya iyo Malawi, UNDP iyo meelo kalana waa ka soo shaqeeyay, waxaa uu ka shaqeeyay barnaamijka PFM, Jaamacado badan oo Yurub, Mareykan iyo Afrika ah ayuu bare ka soo noqday.

Dr. Xuseen Warsame: Waxaa uu ka dhigaa jaamacado badan, dalal badan ayuu lataliye u ahaa, waxaa kale uu horay u soo tababaray shaqaalaha bangiga dhexe, waxaa uu wax ka dhigay jaamacad u taalo Imaaraadka, UNIQWA koonfurta Afrika, CENRRUM oo Peru ah, waxaa uu la soo shaqeeyay dalal badan sida Congo, Cameron iyo Central Afrika, waxaa kale uu lataliye u ahaa bangiga dhexe ee Soomaaliya.

Xuseen M. Saciid: Waa dhaqaaleyahan, 30 sano khibrad ah ayuu heystaa, waxaa uu tababar iyo latalin siiyey dalal badan sida Kenya, Lebnon, Zimbabwe iyo Somalia, waxaa uu la shaqeeyey Bangiga adduunka, IMF, USAID, ADB iyo UNDP, waxaa uu noqday wasiir ku-xigeenka wasaaradda maaliyadda ee Soomaaliya.

Sakhawudiin Mustafa Maxamed: Waa dhaqaale yahan heysta PhD, Minnesota ayuu wax badan ka soo shaqeeyay, waxaa kale uu lataliye u ahaa hey’ado badan caalamka ah, hey’adaha uu la shaqeeyay waxaa ka mid aha Oslo Center of peace foundation iyo kuwa kale oo caalami ah, waa khabiir dhaqaale.

Kuwa Caalamka Ka Socda:

Dr. Abdalla A. Hamdok: Waxaa uu mas’uul sare ka ahaa UNECA, PhD waxaa uu ka heysaa dhaqaalaha, dalal badan oo bariga dhexe iyo Afrika ayuu la shaqeeyey, dalalka Afrikaanka ah ee uu caawiyey waxa ka mid ah Zimbabwe, Cote d’ivoire iyo Sudan.

Dr. Peter J. Middalebrook: Waxaa uu dhaqaaleyahan ahaan ula soo shaqeeyay Bangiga adduunka, Midowga Yurub iyo UK, 40 dal ayuu la shaqeeyey, waxaa uu qeyb ka aha qorshe loogu magac daray”US$100 billion Arab stabilization plan”, shaqadiisa waxaa tabiyey CNN, BBC, Time Magazine iyo Bloomberg.

Dr. Edward Sambili: Waxaa uu PhD ka heystaa dhaqaalaha, 33 sano khibrad ah ayaa u wehlisa, UNDP Kenya ayuu muddo joogay, waxaa uu ahaa xogheyaha joogtada ah ee wasaaradda qorsheynta Kenya, aragtida 2030 wax badan ayuu ka qabtay, waxaa uu madax ka ahaa waaxda canshuuraha 2016-2018, intii u dhaxeysay 2001-2005 wxaa uu ahaa madaxweyne ku-xigeenka Bangiga dhexe ee Kenya.

Dr. Nehemiah kipkoech Ngeno: Waxaa uu PhD ka heystaa dhaqaalaha, waxaa uu bare ka ahaa qeybta dhaqaalaha ee Jaamacadda Nairobi wixii ka dambeeyay 1983dii, waxaa uu qeybta dhaqalaha madax ka ahaa markii dabmaba xogheyaha joogtada ah ka noqday wasaaradda bey’adaha, wasaaradda dhulka iyo dib u dejinta, waxaa kale uu madax ka ahaa beeraha iyo horumarinta miyiga inta u dhaxeysay 1999-2001, waxaa kale uu madax ka noqday ICDC.

Qoraalkan Waxaa Leh Goobjoog News,