U bood dhigaalka

Akhriso: Taariikh Nololeedka Murashax Maxamed Nuur Gacal

Sheeko:Baarlamaanka

Waxaa hadda xarunta Galmudug ee Dhuusamareeb ka socda tartanka doorashada guddoonka, dadka u tartamaya jagada guddoomiyaha waxaa ka mid ah Maxamed Nuur Gacal

Dhalashada:

  • 1966, ayuu ku dhashay Degmada Ceel-dheer ee Gobolka Galgaduud

Waxbarashada:

  • 1987, ayuu ka baxay Dugsiga Sare, Muqdisho
  • 1988, ayaa qaatay Diblooma heer dhexe_ Machadka maamulka & maareynta Jaamacadda Carabta Ee Muqdisho
  • 1995, ayuu shahaadada 1-aad ee Sharciga ka qaatay Jaamacadda Umudurmaan ee Sudaan
  • 1999, ayuu ka qaatay Diblooma sare, Machadka maareynta masiobooyinka ee Jaamacadda Caalamigaa ee Afrika
  • 2000, Ayuu Diblooma Sare ee Qaanuunka Guud ah ka qaatay Jaamacdda Al-neeleyn/Sudaan
  • 2001, Ayuu Shahaadada 2-Aad oo maareynta Masiibooyinka ah ka qaatay Jaamacadda Caalimga ah ee afrika
  • 2008, ayuu shahaadada 3-aad ee Sharciga ka qaatay Jaamacadda Umul darmaan ee Dalka Sudan.

DHANKA SHAQADA:

Wuxu kasoo shaqeeyay Jaamacadda Muqdisho, soo noqday hormuudka kuliyada sharciga

2013-2014 wuxu ahaa wasiru dowlaha arrimaha dibadda

2014-2016: wuxu soo noqday la taliye arrimaha dib u heshiisiinta Xafiiska PM

Ugu danbeyn, 2019 kii xubin guddiga dib u heshiisiinta DGGM.