U bood dhigaalka

Akhriso: Taariikh Nololeedka Ra’iisulwasaare Nuur Cade

Sheeko:Amniga

Taariikhda Nuur Cadde Nuur Xasan Xuseen Cadde oo ahaa ra’isul wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa maanta xanuunka Corona dartii ugu geeriyooday dalka Ingiriiska Nuur Cadde waxaa uu ra’isul wasaare noqday November 2007 isaga oo badalay Cali Maxamed Geedi oo iscasilay, waxaana lagu xusuustaa heshiiskii uu la galay garabkii ARS ee Djibouti June 2008-kii.

Wada hadalka iyo heshiiskaan oo la galay Islaamiyiinta dhexdhexaadka ahaa waxay soo dedejisay iney isku dhacaan isaga iyo madaxweyne Cabdullahi Yuusuf ilaa ninka dambe uu iscasilo.

Nuur Cadde waxaa uu shaqeynayey tan 1958-dii isaga oo sarkaal ka shaqeeya Kastamka, waxaa uu qabtay hawlo kale ilaa markii dambe noqday sarkaal isgaarsiin ee Interpol iyo madaxa booliiska ee qorsheynta iyo tababarka.

Waxaa uu sharciga ka bartay Jaamacadda umadda iyo dalka Talyaaniga, waxaa uu noqday  xeer ilaaliyaha qaranka jagadaas uu hayey ilaa 1991-dii waxaa kale oo dagaalladii kadib uu ka shaqeeyey hey’adda bisha cas ee Soomaaliyeed.

Goobjoog News