U bood dhigaalka

Akhriso: Taariikh Nololeedka Wasiirrada Cusub Ee Warfaafinta iyo Ganacsiga

Sheeko:Dalka

Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa maanta loo magacaabey wasiirka warfaafinta, Maareeye waxaa uu ka soo jeedaa gobollada waqooyiga Soomaaliya, waxaa uu muddo dheer ahaa ganacsade.

Shirkii Mbagathi kadib, waxaa uu noqday Xildhibaan, sidoo kale wasiirka warfaafinta ayuu ka ahaa xukuumaddii Cali Maxamed Geedi.

2012-kii, Waxaa uu ka mid ahaa Xildhibaannada ugu saameynta badnaa, kadib 2 January 2015, waxaa loo magacaabay wasiirka warfaafinta ee xukuumaddii Cumar Cabdirashid

December 10, 2016: Wasiir Maareeye oo ku guuleystay Kursiga Xildhibaannimo ee golaha shacabka ee Doorashada ka dhacday Muqdisho.

January 4, 2018: Waxaa loo magacaabay wasiirka  ganacsiga iyo warshadaha, maanta ayaa markii 3aad loo magacaabey wasiirka warfaafinta.

Eng. Cabdullahi Xasan, wasiirka cusub ee ganacsiga: waxaa uu ku dhashay Muqdisho 1964-tii, waxaa uu Jaamacadda umadda ka qaatey BSC degree ee Civil Engineering November 15, 1984, waxaa uu sidoo kale 1990-kii dhameeyay Master-ka.

Shaqooyinkiisa waxaa ugu muhiimsanaa isagoo macalin dugsi sare ka noqdey 1985-tii, isaga oo bare ka ahaa Jaamacadda Umadda 1986-1990-kii.

Waxaa uu sidoo kale ka shaqeeyay hey’ado caalami ah iyo kuwa gudaha ah sida  Daryeel BulshoGuud,

Eng. Cabdullahi Xasan Cali 25-kii sano ee ugu dambeeyay waxaa uu ku dhexjiray bulshada rayidka ah iyo howlaha banii’aadnimada, waxaa uu wax badan caawiyey lana shaqeeyay ilaa 44 hey’ad oo waxbarasho oo Iskuulo iyo Jaamacado isugu jira.

Eng. Cabdullahi hadda waa aasaasaha iyo madaxa Center for Education and Development (CED)

Xogtan Waxaa Leh Goobjoog News, 

Mawduucyada:Banaadir