U bood dhigaalka

Akhriso: Taariikh Nololeedka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Galmudug u Magacaabay Madaxweyne Qoorqoor

Sheeko:Baarlamaanka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa rabacadii Cabdicasiis Nuur Xuseen u magacaabay Xeer ilaaliyaha guud ee dowlad goboleedka Galmudug, tallaabadan oo imaaneysa maalmo uun kadib markii uu horay u magacaabay guddoomiyaha maxkamadda sare.

Madaxweyne Axmed Kaariye Qoorqoor oo ay muuqato inuu dhisayo garsoor dhameystiran ayaa wareegto kasoo baxday xafiiskiisa, waxaa ay u qorneyd sidan:

Markuu arkay Qod:6aad ee dastuurka DGM ee qeexaya sarreynta sharciga.
Markuu arkay: Qod.18aad ee dastuurka DGM ee qeexaya dhawrista xaquuqda eedeysanaha.
Markuu arkay: Qod:46 ee qeexaya awoodaha madaxweynaha.
Markuu arkay: Qod:60aad,61aad iyo 62aad ee dastuurka DGM ee xeerinaya garsoorka Galmudug.
Markuu helay soojeedinta: Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee DGM
Markuu garowsday: baahida deg deg ah ee loo qabo dhisidda hay’adda xeer ilaalinta ee DGM
Markuu la tashaday: madaxweyne ku xigeenka DGM

Wuxuu soo saaray xeerkaan:
Qodobka 1aad
Waxaa loo magacaabay Mudane: Cabdicasiis Nuur Xuseen Xeer ilaaliyaha guud ee DGM
Qodobka 2aad
Xeerkan wuxuu dhaqangalayaa marka uu madaxweynuhu saxiixo waana saxiixay.

Haddaba, Goobjoog News waxaa ay akhristeyaasheeda usoo gudbineysaa taariikh nololeedka Cabdicasiis Nuur Xuseen  Xeer ilaaliyaha guud ee dowlad goboleedka Galmudug.

Cabdicasiis Nuur ayaa waxaa uu ku dhashay  Galkacyo 1988-dii, isaga oo Jaamacadda SIMAD ka dhameeyey heerka 1aad ee qaanuunka(Bachelor of Laws) .

Shaqooyinka uu soo qabtay waxaa ka mid ahaa:

Xeer ilaaliyaha guud ee dowlad goboleedka Galmudug waxaa uu xilliga la magaacabayey ilaa sanadka bilowgiisa ahaa  lataliye sharci oo madaxbannaan.

Halka April 2019 ilaa Dec 2019 uu sidoo kale ahaa La-taliye sharci Nootaayada Dr.Faaruuq, isaga oo July 2017-Dec 2019 caawiye qareen ka ahaa Xafiiska Qareenada ee Xalane Law Office. Waxaa uu heystaa tababarro la xiriira shaqadiisa, oo ay ku jirto mid uu ka qaatay maxkamadda gobolka Banaadir.

Tallaabada uu madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ku magaacabay xeer ilaaliyaha Galmudug oo lagu daray middii guddoomiyaha maxkamadda sare ayaa nooceeda ah, waa mid horay loo qaaday, waana mid wax badan ka badali doonta in Galmudug yeelato garsoor wax badan ka qabta baahiga dadka ku nool dowlad goboleedka.

Goobjoog News