U bood dhigaalka

Akhriso: Taariikhda Boqorkii Cuudka Axmed Xudeydi oo Ingiriiska Ku Geeriyooday

Sheeko:Dalka

Sannadkii 1928 ayuu Axmed Ismaaciil Xudeydi ku dhashay magaalada Berbara. Xudeydi wuxuu hana-qaadkiisii nolosha ku qaatay magaalada Cadan ee dalka Yemen ka hor intii uusan kusoo laaban Soomaliya isagoo aad u yar halkaas oo uu isbeddel weyn ku sameeyey muusigga.

Sannadihii kontomeeyadii iyo lixdameeyadii ayuu si aad ah uga soo dhex-muuqday fanka iyo dhaqanka Soomaaliyeed isagoo noqday nin miraha curiya muusiggana garaaca waana xilli dalku ku jiray halgan la isaga dulqaadayey gumeysi. Muddo gaaban kaddib codkii iyo muusiggii Xudeydi waxay xoog u noqdeen halgankii xornimo doonka ahaa ee lagu raadinayey madax-bannaanida.

Sannadihii todobaatameeyadii iyo siddeetameeyadii markii muusigga Soomaaliya uu gaaray heerka ugu sarreeysa magaca Xudeyda wuxuu ka tallaabay dalka uu u dhashay ee Soomaaliya isagoo safarro caalami ah galay wuxuuna hantay oo lagu sharfay magaca “King of uod” ama boqorka cuudka ama kabanka. Xudeydi wuxuu ahaa mid ka mid ah aabbeyaashii muusigga casriga ah ee Soomaaliyeed.

Axmed Ismaaciil Xudeydi wuxuu u guuray magaalada London horraantii sagaashameeyadii markii ay dagaallada sokeeye qarxeen waxaana gurigiisa magaalada London uu noqday goob lagu dhiso dhaqanka iyo muusigga Soomaalida iyadoo ay isugu imaan jireen fannaaniin iyo dad muusigga jecel si ay wax uga bartaan Xudeydi.

Xudeydi wuxuu siin jiray jiilka ku cusub fanka cashirro ku saabsan cuudka waxaana sidoo kale gurigiisu ahaa meel ay ku kulmaan jiilkiisii iyo asxaabtii uu ku lahaa fanka si ay dib ugu xusuustaan maalmihii dahabiga ahaa ee soo maray dibna u soo celiyaan xiriirkooda.

Dhaxal faneed oo xooggan oo mideeyey ummadda Soomaaliyeed ayuu lahaa Axmed isagoo soo galay halgan dheer oo xornimo doon ah. Hubka uu Axmed adeegsanayey wuxuu ahaa cuudkiisa iyo codka kabanka. Qaab faneedkiisii loo yaqiin ‘Qaraamka” ayaa qeyb ka noqday heesaha Soomaalida.

Axmed Ismaaciil Xudeydi oo xalay ku dhintay Isbitaal ku yaal magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa xusuus weyn uga tagey ummadda Soomaaliyeed wuxuuna noqon doonaa shaqsi baaqi ku sii ahaada xusuusaha aan la hilmaamin oo dadka Soomaaliyeed ay taariikhda u leeyihiin.

Goobjoog News