U bood dhigaalka

Akhriso: Taariikhda Iyo Barnaamijka Madaxweynaha Cusub Ee Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare

Sheeko:Dalka

Xildhibaannada maamulka Hirshabeelle ayaa goordhaw waxaa ay madaxweyne u doorteen Maxamed Cabdi Waare isaga oo ka adkaaday Daahir Cabdulle Cawaale.

Doorashada Waare waxaa ay timid kadib markii 14-kii August 2017kii ay xildhibaannada Hirshabelle xilkii ka qaadeen Cali Cabdullaahi Cosoble, iyaga oo ku eedeeyay xil-gudasho la’aan.

Hadaba, Halkan Ka Akhriso, Taariikhda Maxamed Cabdi Waare iyo Barnaamijkiisa:

Maxamed Cabdi Waare waxaa uu ku dhashay gobolka Hiiraan,  waxaa uu dugsi hoose uga baxay Halgan, dugsi dhexe degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, dugsi sarena waxaa uu ka dhameeyay  dugsiga Beeraha Afgooye halka Jaamacad ka dhigtay dalka Mareykanka isaga oo ka qalin-jabiyay  Indiana Universiry.

 Shaqo:

Waxaa uu ka shaqo bilaabay dugsiga sare ee Beeraha  sanadkii 1979, isaga oo 10 sano ka shaqeeyay wasaaradda Beeraha, gaar ahaan Mashruuca fidinya beeraha.

Shaqooyinka kale uu soo qabtay waxaa ka mid ahaa:

  1. Isu duwaha beeraha ee labada gobol Shabeelle iyo Hiiraan.
  2. Nolosha dadka, tuulooyinka iyo deegaanka labadaasi gobol ayuu aad u bartay.
  3. Burburkii kadib, 10 sano waxaa uu ka shaqeynay hey’adaha Laanqeyrta Casa iyo  ICRC
  4. Hey’adda cuntada iyo beeraha ee UNka, FAO
  5. UNDP dib u dhiska dowladdii KMG aheyd ee Cabdullahi Yusuf
  6. Sanad iyo bar: wasaaradda boostada iyo isgaarsiinta iyo bangiga adduunka oo ahaa in Internet la gaarsiiyo Jaamacadaha iyoxafiisyada dowladda.

Arrimaha uu Maxamed Cabdi Waare ballan-qaaday waxaa ka mid ah: 

  • Dib-u-heshiisiin in uu ka hirgelin doono labada gobol ee Hirshabeelle.
  • In Kooxaha dowladda ka horjeedo laga saaro labada gobol.
  • In La xoojiyo Ciidamada Qalabka sida.
  • In La Taakuleeyo Oday dhaqameedka iyo Nabadoonnada.
  • Dhismaha Waddooyinka Muqdisho-Jowhar, Jowhar iyo Beledweyne, Jowhar iyo Cadale.
  • Biyo-xireenno laga sameeyo meel badan oo labada gobol ah sida looga faa’ido waraabka.
  • In Magaalooyinka Waaweyn laga furo xarumo waxbarasho oo ay Jaamacado ku jiraan.
  • Uruurinta dakhliga iyo qarashaadka dalka.
  • Wax ka qaban-doono garsoorka iyo cadaaladda labada gobol.
  • Internet gelin doono meel walbo oo labada gobol.

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye,

Goobjoog News, ……Xigasho La’aan Ma Qaadan Kartid.