U bood dhigaalka

Akhriso: Taariikhda Iyo Waxqabadkii Hore Ee 8-da Murashax Madaxweyne Oo Dhameystiran

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta khudbadahooda labada gole ka horjeedinaya ilaa sideed(8) murashax, kuwaas oo lagu wado in ay baarlamaanka Soomaaliya ka iibiyaan barnaamijkooda siyaasadeed iyo hanka ay doonayaan iney dalka ku maamulaan 4-da sano ee socota, waa haddii la doortee.

Murashaxiinta hadlaya waxaa ka mid ah: Axmed Maxamed Cabdi, Zakariye Maxamud Xaaji, Bashiir Raage, Jibril Ibraahim Cabdulle, Saciid Cabdulahi Deni, Xasan Sheekh Maxamud, Dr. Saciid Ciise Maxamud iyo Sheekh Sharif Sheekh Axmed.

Hadaba halkan ka akhriso, Taariikhda 8-da Murashax Oo Dhameystiran:

(1): Axmed Maxamed Cabdi

Axmed Maxamed Cabdi(Malaadiini), waxaa uu ku dhashy Muqdisho 1978-dii, Yaraan ayuu ku tagay Imaaraadka waxbarashada hoose, sare ilaa heer Jaamacadeed halkaas ayuu ku qaatey isagoo markii dambe ka qalin jabiyay Jaamacadda Dubai, kana bartey cilmiga sir-doonka.

Axmed Malaadiini waxaa uu muddo ka shaqeeyay Dubai Airport gaar ahaan qeybta booliiska, hey’adda sirdoonka Imaaraadka waxaa la sheegayaa in uu ka gaarey heer General.

10-kii sano ee ugu dambeysay waxaa uu la magacbaxay suldaanka Umadda Soomaaliyeed ee Imaaraadka, isagoo madax ka ahaa ururka samatabixinta umadda Soomaaliyeed, xaaska iyo caruurtiisa waxaa ay deggan yihiin dalka Ingiriiska.

Siyaasadda Soomaaliya waa uu ku cusub yahay, lamana oga sababta ku dhalisey in uu isa soo sharaxo.

(2): Zakariye Maxamud Xaaji

Waxaa uu ku dhashay Galkacyo, waxaa uu cilmiga beeraha ka bartey Jaamacadda Riyaad, Master Degree waxaa uu ka qaatay Jaamacad ku taalo London iyo Jaamacadda kale ee ku taallo Mareykanka ee  New York Universirty.

Khibraddiisa shaqo waxaa ka mid ahaa: Dowladdii Carte waxaa uu ahaa Xildhibaan iyo wasiirka warfaafinta, Dowladdii Cabdulahi Yusuf waxaa uu ahaa xildhibaan baarlamaanka Soomaalida iyo midka Carabta, waa guddoomiyaha xisbiga Ummah, waana markii labaad ee baarlamaanka uu hortago isagoo murashax madaxweyne ah.

(3): Bashiir Raage Shiiraar

Waxaa uu ku dhashay Magaalada Muqdisho sanadkii 1962-dii, waxaa uu wax ka bartey dugsiga hoose/dhexe Wardhiigley halka dugsi sare anadkii 1979-kii ka dhameeyay dugsiga sare ee 15 May.

Shaqooyinkii ugu muhiimsanaa waxaa uu sheegayaa iney tahay inuu ahaa ganacsade isagoo lahaa shirkadda Kamel Logistics, waxaa kaloo uu dhisey Airportiga Cisiley oo dhanka waqooyi ka xiga magaalada Muqdisho.

Raage, waxaa uu ka mid ahaa hoggaamiye kooxeedkii la dagaaley Maxaakiimta Islaamiga ahaa 2006-dii, sababta uu hadda isu soo sharaxey waxaa uu ku sheegey in uu doonayo in uu madaxweyne noqdo qof sita Baasaboor Soomaali ah.

(4): Jibril Ibrahim Cabdulle

Waxaa uu ku dhashay magaalada Muqdishi 1969ki, Dugsi Sare 15 May  ayuu ka baxey, 1990-1995 waxaa uu cilmiga Sociology iyo Public Administration uga qalinjabiyay Carleton Universiy, Otota,  Canada.

2000:  waxaa uu in mudda ah ka shaqeeyay hey’adda Unicef, caawin, dhalinyaro caawin iyo latalin ka ahaa hey’addaas.

2001: Waxaa uu wax ka aasaasay hey’adda CRD,  waxaa kaloo la aasaasay Alla ha u naxariistee Cabdiqadir Yaxye iyo markii dambe  Axmed Cabdislaan.

Waxaa ay hey’addan saameyn ku leeyahay wadanka oo dhan, ilaa 36 Nabadeyn ayey fuliyeen, Cilmi baaris badan ayey sameeyeen, Maamullada iyo dowlad goboleed ay ka mid tahay Galmudug ayey dhismaheeda ka qeyb qaateen, Dowladaha Soomaalida ee Kenya lagu soo dhisay waxaa ay ka qeyb qaateen ilaa howlo badan.

2005– Jibril Cabdulle, hadda waxaa uu guddoomiye ka yahay hey’adda CRD.

Sababta uu isu soo sharaxey waxaa uu ku sheegey in uu doonayo in khibradiisa iyo aqoonta uu u leeyahay siyaasadda, xallinta khilaafaadka iyo xiriirka caalamiga ah uu uga faa’ideeyo dadka iyo dalka..

(5): Saciid Cabdulahi Deni

Saciid waxaa uu ka baxey dugsi sare Xasan Barsane, Jaamacadda heerka koowaad waxaa uu ka qaatey kuliyadda Luqadaha ee Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed halka Master uu ka qaatey University of Putra ee dalka Malaysia isagoo bartey maamulka iyo maareynta.

Dowladda federaalka waxaa uu ka noqdey wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah, waxaa uu sidoo kale ahaa Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka.

Waxaa uu muddo ka shaqeynayey shirkadda Towfiiq iyo Salax Macarooni iyo qeybta Shipping-ka ee dekadda Boosaaso.

Deni waxaa uu leeyahay waxaan wax badan ka bedli doonaa qorsha la’aanta ka jirta dalka, waxaan kaloo dhisi doonaa dhammaan hey’adaha dowliga ah. 

(6): Xasan Sheekh Maxamud

Xasan Sheekh waxaa Madaxweynihii 8-deedaad ee Soomaaliya, Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Madaxweyne u doortay 10-kii September 2012-kii kadib markii uu helay 190 cod halka uu Murashaxii iyo Madaxweynihii xiligaas ee Sharif helay 79 cod.

Xasan Sheekh Maxamud, waxaa uu ku dhashay magaalada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya sanadki 1955.

Waxa uu ka baxay Jaamacada Umada Soomaaliyeed sanadka markuu ahaa 1981, Kadiba-na Jaamacadda Bhopal University ka qaatay Master Degree.

Waxaa uu la shaqeeyay Hey’ada Qaramada Midoobay International Children Emergency ilaa ay ka baxeen ciidamadi nabad ilaalinta UN-ka sanadki 1995-ki, waxaana uu Unicef u ahaa sarkaal dhinaca waxbarashada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

1999: Afar sano kadib waxaa uu madax ka noqday Machadka Somali Institute of Management and Administration Development (SIMAD), kasoo hadda noqday Jaamacadda Simad.

Sanadki 2011, waxa uu aas aasay Xisbiga Peace and Development Party (PDP) ., Ugu danbeyntii Xasan Sheekh waa madaxweynihi ugu horeeyey ee Soomaaliya oo lagu doorto gudaha Soomaaliya 42 sano kadib, waxa kale oo uu noqonayaa madaxweynihi ugu horeeyey oo aanan kumeel gaar aheyn tan iyo marki ay dhacday dowladi hore ee Soomaaliya ee uu hogaamin jiray Mohamed Siad Barre sanadki 1991.

Sababta uu isku soo sharaxey waxaa uu sheegey in uu doonayo in uu dhameystiro Lixda Tiir ee barnaamijkiisa siyaasadeed kuwaas kala ahaa:  Xasilita dalka, Sarraynta sharciga & Dawlad wanaag, Soo noolaynta dhaqaalaha dalka, Nabadaynta & dib u heshiisiinta,  Soo noolaynta adeegyada Bulshada, Caafimaadka,    Tacliinta,  Ilaalinta Deegaanka,    Fayo dhowrka guud ee bulshada,  Midnimada & Wadajirka ummadda Soomaaliyeed iyo Ilaalinta & abuurista xiriirrada caalamiga ah ee ku salaysan iskaashi & wadajir.

(7): Dr. Saciid Ciise Maxamud

Dr. Saciid Ciise waxaa uu ku dhashay Dhuusamareeb 1958, waxbarshadiisa waa dhexe: Dhagaxtuur iyo  Sare: Xasan Barsae oo uu dhameeyay 1976, waxaa uu sidoo kale ka qalinjabiyay 1982-dii  Jaamacadda umadda, Cilmiga Kimikada Warshadaha ayuu ka bartey Gaheyr, waxaa uu sii watey ilaa Master iyo PhD-da uu isla cilmiga Kiimikada ka diyaariyo Jaamacadda Padova

Dalka Mareykanka waxaa uu ka bartey  Cilmiga Siyaasadda, daraasaadka hogaaminta Leadership studies, waxaa uu sidoo kale bare ka noqdey Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed.

Dr. Saciid waxaa uu qabaa in umadda ay ka dhimatey waxbarashada, loona baahan yahay in wax badan laga qabto cilmiga iyo horumarka.

(8): Sharif Sheekh Axmed

Sheekh Sharif Sheekh Axmed waxaa uu ku dhashay magaalada Jowhar sanadkii 1962-dii, dugsi hoose dhexe isla magaaladaas ka bartey, waxaa uu sidoo kale dusgi sare ka dhameeyay Sheekh Suufi Muqdisho.

Jaamacadda Open University ee Libya ayuu 1998 ka dhameeyay  Kuliyadda Shareecada, xilligaas ka hor waxaa uu labo sano dhigtey Jaamacadda Kordufaan ee dalka Suudaan.

Markii uu Muqdisho ku laabtey, waxaa uu bare ka noqdey dugsi sare ee Jubba 2004-tii, isagoo ardeyda bari jirey geography, Arabic iyo Islamic studies.

July 2006-dii waxaa loo doortey guddoomiyaha maxaakiimta Islaamiga, dagaalkii Itoobiya iyo Islaamiyiinta waxaa uu u cararey Kenya isagoo isku dhiibay Militariga Kenya, waxaa uu markii dambe Magan galyo Militari ka helay dalka Yemen isagoo degay Sanaa 8 February 2007.

Sheekh Sharif Sheekh Axmed, waxaa muddo joogey Asmara isagoo madaxa fulinta  ka  noqday September 2007 ARS

Waxaa uu dalka Madaxweyne ka noqday oo uu xafiiska la wareegay 31 January 2009-kii, 2012-kii waxaa ka guuleystay Madaxweyne Xasan Sheekh Axmed.

Sheekh Sharif waxaa uu sheegayaa in dalka uu dib u socdo, oo aanu ka dhaqaaqin halkii uu uga tagey, waxaa uu rumeysan yahay in uu dhaqaajin karo dalka iyo dadka haddii fursad la siiyo.

W/D: Cabdi Caziz Axmed Gurbiye,

Lama Xigan Karo Warbixintan Ogolaashiyo la’aan