U bood dhigaalka

Akhriso: Taariikhda Murashaxiinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka Ee Federaalka Ah

Sheeko:Dalka

Waxaa Maanta golaha shacabka federaalka ah ka hor khudbeynaya murashaxiinta guddoomiyennimada golaha shacabka ee federaalka ah.

Ilaa 4 murashax ayaa u tartameysa guddoomiyennimada golaha shacabka kuwaas oo kala ah: Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari, Cabdirashid  Maxamed Xidig, Cabdifitax Maxamed Geesey iyo Idiris Cabdi Dhakhtar .

Hadaba halkan ka akhriso Taariikh Nololeedkooda 4-ta Musharax Oo Kooban:

Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari:

Abuukaate Maxamed Sh. Cismaan Jawaari, waxaa uu  dhashay 1945, wuxuuna ku dhashay degmada Afgooye, wuxuu registration ka qaaday degmada Buurhakaba, wuxuu ka baxay jaamacadda ummadda Soomaaliyeed, waa Khabiir taqasusyo badan soo sameeyay xagga shareecada Islaamka iyo law-ga ‘comprehensive Law’ waa nin ka soo shaqeeyay dhowr  sharci iyo dastuurkan ugu dambeeyay.

1962: Jawaari waxaa uu shaqo ka bilaabey Macalinnimo, isagoo muddo ku dhexjiray arrimaha shaqada iyo shaqaalaha.

Abuukaate Maxamed Sh. Cismaan Jawaari, waxaa uu dowladihii 1990-kii ka horeeyay ka noqdey agaasimaha shaqada iyo shaqaalaha, wasiir ku xigeen iyo Xildhibaan, waxaa kaloo wasaaradda gaadiidka cirka iyo dhulka ka noqdey wasiir.

1990:  Wasaradda iyo arrimaha bulshada ayuu sidoo kale, wasiir ka noqdey, waxaa uu muddo ku noolaa Norwey ilaa markii dambe uu dalka ku soo noqdo lataliyena u noqdo qaramada midoobey.

2007-2016: Xafiiska qaramada midoobey arrimaha Soomaaliya lataliye xagga dastuurka, guddoomiyaha guddiga khubarada dastuurka qabyo-qoraalka ah.

Taariikhdu marka ay aheyd 28-08-2012-kii  waxaa loo doortey Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya jagadaas uu hayey ilaa 2016-kii. 

 

Xildhibaan Cabdirashid  Maxamed Xidig

Xildhibaan Cabdirashid Xiddig, waxaa uu ku dhashay magaalada Muqdisho sanadkii 1960-kii.

Waxbarasho:

1984: Hoose/dhexe, Afgooye

1986: Sare, Beeraha Afgooye

2013: Darajada koobaad: Anglia Ruskin University ee UK

2015: Master, Anglia Ruskin University ee UK

Shaqo:

2004-2016: Xildhibaan

2004: W/ku xigeenka amniga

2009: W/dowlaha arrimaha gudaha

2011: W/ku xigeenka gaashadhigga/ shaqada iyo shaqaalaha

2016: W/dowlaga arrimaha gudaha

 

Xildhibaan  Cabdifitax Maxamed Geesey:

Xildhibaan Cabdifatah Maxamed Ibrahim Geesey , waxaa uu ku dhashay Muqdisho 1968dii

Waxbarashada:     

1989- 1990       Al Farhan English Institude.                                          Mogadishu

1986 -1990       Lafole College of Arabic language and History              Afgoye

1988 -1989       Fursade Computer Learning Institude                            Mogadishu

1982 -1986      KPP Secondary School                                                    Mogadishu

1974 -1982      Gaheyr Primary and Intermediate school                        Mogadishu 

Shaqo:

Taariikhda 15/4/2015-30/11/2016: Wasaaradda Amniga ee KGS.

Taariikhda 2014- 3-2015:  Arrimaha Gudaha & Amniga KGS

Taariikhda 2013 – 2014 : Isbaheysiga Aragtida cusub ee Soomaaliyeed

2001 – 2003 :  Agaasimaaha Xarunta Warbaahinta DMC

2002- 2003 :    Guddoomiyaha  Daladda Ururada Bulshada KGSoomaaliya

Taariikhda feb 2008-2013: Maamulka Gobalka Baay

1999- 2001: Wargeyska Reeghay Timea, Madaxa Wargeyska

Radio Warsan share ayuu ku lahaa…xarunteeda Baydhabo, Radio Shabeellana weriye ayuu ahaa. 

 

Xildhibaan Idiris Cabdi Dhakhtar: 

Xildhibaan Idiris Cabdi Dhakhtar Waxaa uu ku dhashay Baydhao 1965-tii,

Waxbarasho:

1983/84: 11 Janaayo, Baydhabo.

1989: Jaamacadda Lafoole, kuliyadda beeraha, waxaa uu bartey sidoo kale xanaanada xoolaha iyo daaqa.

Shaqo:

16: Waxaa uu ka shaqeeyay ilaa 16 hey’adood oo caalami ah oo ay ka mid yihiin UNDP, Unicef, World Vision iyo kuwoo kale.

3000: Deegaanno badan ayey ka caawiyeen xagga beeraha, xoolaha iyo arrimo kale, koofurta Soomaaliya.

Baydhabo: Xarun lagu xanaaneeyo darbi jiifta ayuu ka sameeyay Baydhabo.

2013: Waxaa uu aasaasey Jaamacadda Upper Jubbalad ee Beydhabo isagoo guddoomiye ka ahaa ilaa uu Xildhibaan noqdey.

Ugu dambeyntii, 4-tan murashax midkood ayaa lagu wadaa in 11-ka bishan noqdo guddoomiyaha golaha shacabka ama baarlamaanka 10-aad ee Soomaaliya.

W/Q: Cabdi Caziz Axmed Gurbiye,