U bood dhigaalka

Akhriso Taariikhdiisa: Wasiirkii Howlaha Guud Oo La Dilay Bil Kadib Markii Uu Xilka La Wareegay

Sheeko:Dalka

Wasiirkii Howlaha guud iyo dib u dhiska  Xil. Cabaas Cabdullahi Sheekh Siraaji ayaa goordhaw lagu dilay magaalada Muqdisho.

Wasiirka oo ahaa wasiirka ugu da’da yaraa wasiirrada xukuumadda federaalka ah ayaa xilka la wareegay 3dii April 2017-ka, maanta waxaa bil laga joogaa markii uu xafiiska la wareegay.

Illaa iyo hadda ma cada sababta dilka, waxaana la sheegayaa in ay socdaan baaritaan la xiriira sababta.

Halkan Ka Akhriso, Taariikhda Marxuum Siraaji:

Xil. Cabaas Cabdullahi Sheekh Siraaji: Wasiirkii Howlaha Guud & Dib-u- Dhiska: waxaa uu u dhashay Digil iyo Mirifle, waxaa uu dhashay 1986-dii, in ka badan 20 sano waxaa uu ku noolaa xeryaha qaxootiga ee Kenya, Xerada IFO ayuu uga baxay dugsi sare, shahaadada koowaad waxaa uu diyaariyay Cilmiga Computer-ka, Jaamacadda Nairobi ee dalka Kenya, waxaa uu ka mid noqday xildhibaannadii lagu soo doortay Kismaayo, Xukuumadda Xasan Khayre ayaa loo magacaabay wasiirka howlaha guud iyo dib u dhiska, maanta ayaa lagu dilay Muqdisho

Goobjoog News