U bood dhigaalka

Akhriso: Taliska Booliska Soomaaliya Oo Taliyayaal Cusub Magacaabay

Sheeko:Amniga

Sareeya Gaas Cabdi Maxamed Xasan Xijaar taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa waxa uu deegaanada maamulka Koonfur galbeed u magacaabay taliyayaal cusub, isaga oo kuwii horena xilalkii ka badalay.

Taliye Xijaar ayaa taliyaha cusub ee booliska Koonfur galbeed u magacaabay gaashaanle sare Cabdi Ibraahim Shaamoow.

Dhanka kale ku simaha taliyaha booliska ee gobalka Shabeelaha hoose ayaa waxaa loo magacaabay gaashaanle dhexe Cali Maxamed Sahal, waxaana taliyaha dambi baarista gobalka Baay laga dhigay Maxamed Yuusuf Cabdiraxmaan.

Ugu dambeyn Taliyaha booliska ayaa faray taliyayaasha xilalka loo magacaabay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay kula wareegeen xilkooda, sidoo kalane ay dardargaliyaan howlaha loo igmaday.

Halkan ka akhriso magacaabista

Goobjoog News