U bood dhigaalka

Akhriso: Tirada Dadka Ay Ku Dileen Ciidamada Kenya Gobolka Gedo

Sheeko:Dalka

Ciidamada Kenya ayaa la sheegay in ay Xadgud ka geysteen deegaanno ka mid ah gobolka Gedo.

Qaar ka mid ah Nabad doonnada Magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegay in ciidamada Kenya ay gobolka ku hayaan tacadi badan iyaga oo duqeymo iyo rasaas ku dila dadka ku nool deegaannada hoos yimaada gobolka Gedo.

nabadoon Faarax Hire Guhaad,waxaa uu ka mid yahay odoyaal iyo waxgarad maanta gudaha Baardhere Ku shiray islamarkaasna Ku soo bandhigey dhibaatooyin naf iyo maalba leh oo ciidamada Kenya ay ka geysteen gobolka Gedo.

Nabadoonka oo la hadlay Goobjoog News ayaa tilmaamay in Ciidmada ay dadka ku dileen Duqeyn iyo xabado iyada oo ay jirto dad ay marsiiyeen baabuurta.

Laga soo bilaabo sanadkii 2011-2017 ciidamada Kenya waxaa ay ku dileen gobolka Gedo dad gaaraya 52 qof, halka ay dhaawaceen 92 qof.

Deegaannada ay ku dileen dadka ciidamada Kenya ee ku sugan Magaalada Baardheere waxaa ka mid ah deegaannadaan Yaaqle, Ceelcadde, Likooley, Kafay, Faxfaxdhuun, Giriklay, Jidimo, Budada, Baarmatamaan, Biyo Guuleed, Mufbariiq, Wargaduudo iyo Ceel-gaduud.

Nabadoon Faarax Hire waxaa uu caddeeyay in Maamulka Jubbaland uusan arrintaani ka hadlin ilaa iyo hadda isaga oo eedeeyay Madaxda maamulka Jubbaland.

Goobjoog News