U bood dhigaalka

Akhriso: Tirada Dadkii Waxyeellada Kasoo Gaartay Weerarkii Muqdisho

Sheeko:Dalka

Al-shabaab ayaa xalay waxa ay magaalada Muqdisho ka fuliyeen qarax xooggan iyo sidoo kale weerar toos ah.

Qaraxan ayaa ka dhacay maqaayadda Hilaac UK oo ku dheggan Hotelka Makka Al-mukarrama ee magaalada Muqdisho, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare kala duwan.

Sidoo kale, xubno Al-shabaab ah ayaa gudaha u galay guri ay deggan yihiin dad shacab ah, kaasi oo ay illaa iyo saakay ka dhex dagaallamayeen.

Isbitaallada magaalada Muqdisho ayaa la geeyey dadkii ay waxyeellada soo gaartay.

Isbitaalka Digfeer:

Howlwadeenno ka tirsan Isbitaalka Digfeer ayaa Goobjoog u xaqiijiyey in la geeyey isbitaalkaasi 55 qof oo dhaawac ah, 15 ka mid ah waxay ahaayeen dhaawacyo fudud iyo sidoo kale Saddex qof oo dhimasho ah.

Isbitaalka Madiina:

Madaxa Caafimaad ee Isbitaalka Madiina, C/qaadir Xuseen Maxamed ayaa u sheegay Goobjoog, in isbitaalkaasi la geeyey 33 qof oo dhaawac ah, 17 ka mid ah waxay ahaayeen dhaawacyo fudud oo markii loo adeegay kadib xaafadahooda ayaa loo diray, iyadoo dhimashada la geeyey isbitaalkaasina tahay 11 qof.

Isbitaalka Daaru-shifa:

Agaasimaha Isbitaalka Daaru-shifa, Maxamed Cabaas Cismaan oo u warammay Goobjoog wuxuu sheegay in loo keenay 24 qof oo dhaawac ah, 14 ka mid ah waxay ahaayeen dhaawacyo fudud, mana jirto wax dhimasho ah.

Waxaa jira dad kale oo la geeyey isbitaallo kale oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

Goobjoog News