U bood dhigaalka

Akhriso: Tirada Guud Dadkii La Dilay 24-kii Saac Ee Lasoo Dhaafay

Sheeko:Dalka

Dilalka iyo weerarada Al-shabaab ayaa sii xoogeysanyey maalmihii la soo dhaafay, iyaga oo Muqdisho iyo meel ka baxsanba 24-kii saac ee la soo dhaafay ka fuliyey qaraxyo iyo weerarro toos ah.

Xalay fiidkii, Waxaa gaari ay ka buuxaan walxaha qarxa la dhigay maqaahi ku taallo Maka Al-mukarama gaar ahaan agagaarka Shaleemo Somali.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in qaraxan ay ku dhinteen ugu yaraan afar ruux halka toddobo kalana ay ku dhaawacmeen.

Isla Muqdisho, ciidamo ka tirsan dowladda federaalka ah ayaa dagaal la galay ciidamo Al-shabaab ah oo qorshe ka waday Muqdisho.

Iska hor imaadka, ayaa wuxuu ka dhacay nawaaxiga Daarta Saybiyaano ee Magaalada Muqdisho, waxaana halkaasi lagu dilay laba ka tirsanaa Shabaab, xilli ay wateen gaari yar oo nooca raaxadda, iyadoo uu baxsaday nin ka mid ahaa raggii saarnaa gaariga.

Isla shalay,  waxaa ay Al-shabaab qarax loo adeegsaday gaari caasi ah oo qudaar lagu soo raray ka fuliyeen magaalada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose

Qaraxan waxaa lagu weeraray xero ciidamada ay ka dagan yihiin Wakaaladii hore ee Biyaha Degmada Afgooye oo ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan Millatariga dowladda Federalka Somaliya.

Khasaaraha la sheegay waa Hal askari oo dhimasho ah, halka ay ku dhaawacmeen laba qof oo shacab ah.

Waqooyiga Muqdisho, gaar ahaan Balcad ee gobolka Shabeellda dhexe waxaa ay Al-shabaab qarax ku xireen gaari uu saarnaa abaanduullaha Guutada 2aad ee Ciidamada Xoogga dalka Cali Cariif, qarax lala eegtay waa uu ka badbaadey,

Goob-joogayaal ayaa sheegaya in qaraxaas ay ku dhaawacmen ilaa 5 askari oo ka mid ah ilaalada abaanduulaha kuwaasoo loo soo qaaday isbitaalada magaalada Muqdisho.

Al Shabaab ayaa fagaare ku yaalo Magaalada Jilib ee Gobolka Jubbada dhexe waxa ay ku toogteen saddex ruux oo laba ka mid ah ay sheegeen inay ahaayeen askar, halka ruuxa kalena uu ahaa qof horay dil u gaystay.

Goobjoog News