U bood dhigaalka

Akhriso: War-muriyeedka Ay IGAD Kasoo Saartay Soomaaliya Iyo Koonfurta Suudaan Oo Dhameystiran

Sheeko:Dalka

Shirka 66aad ee aan caadiga aheyn ee urur goboleedka IGAD, kaas oo shalay November 16, 2018-kii lagu qabtay Adis Ababa, waxaa laga soo saaray 20 qodob oo la xiriiray hirgelinta hannaanka dib u heshiisiinta Koonfurta Suudaan iyo xaaladda Soomaaliya.

Haddaba, Goobjoog News, waxaa ay akhristayaasheeda u tarjuntay dhammaan qodobadii laga soo saaray war-murtiyeedkaas.

Arrimaha Koonfurta Suudaan:

Waxaa uu dib u jaleecday war-murtiyeedkii ka soo baxay shirkii aan caadiga aheyn ee 33aad ee madaxda IGAD ay ku yeesheen Adis Ababa 12th September 2018, laguna saxiixay heshiiska the R-ARCSS.

Waxaa uu soo dhoweeyey warbixinnada  ergeyga IGAD ee South Sudan iyo madaxa KMG ah ee JMEC ay ka soo saareen hirgelinta heshiiska Koonfur Suudaan ee R-ARCSS, iyada oo la dhiirigeliyey inay sii wadaan dadaallada iyo taageerada ay siiyaan hannaankaas.

Waxaa uu sidoo kale, soo dhoweeyey horumarka laga gaaray hirgelinta heshiiska R-ARCSS tan iyo markii la saxiixay 2 bil ka hor iyo sida loo dhisay hey’ado arrimahan ka shaqeeya, waxaa kale oo Secretariat-ka IGAD iyo ergeyga gaarka ah loogu baaqay inay dhameystiraan dhaqan-gelinta howlaha, wax walbana lagu qabto waqtihii loogu talo-galay, sida heshiiska ku qoran.

Waxaa la ammaanay dabaal-deggii maalinta nabadda uu marti-geliyey madaxweyne Salva Kiir 31-kii October 2018, ayna ka soo qeyb-galeen kooxaha R-ARCSS iyo madaxda IGAD iyo kullamada hirgelinta ee ka dhacay Juba.

Waxa la is tusay baahi loo qabo in hiil iyo hooba lagu kabo hirgelinta R-ARCSS iyo inay hoggaanka ka faa’ideystaan taageero siyaasadeed, midda dadka iyo xataa dhaqaale si loo hirgeliyo heshiiska iyo inay nabad iyo horumar ka dhalato Koonfurta Suudaan.

Waxaa la soo dhoweeyey gacanta dhaqale ee dowladda Koonfurta Suudaan fidisay, waxana loogu baaqay inay lacag kale ku bixiso hirgelinta heshiiska RARCSS;

Waxaa la ammaanay taageerada ururrada iyo dalalka AU, UN, EU, China, Japan, the Troika (USA, UK and Norway) iyo dhammaan kooxaha kale ee taageera nabadda Koonfurta Suudaan, waxaana loogu baaqay inay gacan ka geystaan hirgelinta heshiiska RARCSS;

Waxaa loogu baaqay kooxaha  inay ilaaliyaan Kootada dumarka ee 35% ah, oo dhinac walbo lagu dabaqo, si loo helo lahaanshiyo, loona hubiyo in guul laga gaaro hannaanka dhismaha dowladda Koonfurta Suudaan.

Waxaa loogu baaqay Midowga Afrika iyo kooxda Troika inay magacabaan hey’adaa kala ah Independent Boundaries Commission (IBC) iyo Technical Boundaries Committee (TBC, si ay u bilaaban howlihii loo igmaday.

Waxaa la faray ergeyga IGAD inuu baadi-goobo kooxaha Koonfurta Suudaan ee aan weli saxiixin R-ARCSS, sidii ay qeyb uga noqon lahaayeen hirgelinta iyo kor-joogteynta, ciddii diidana loo aqoonsado kuwoo caqabad ku ah hannaanka.

Waxaa la faray Secretariat-ka IGAD inay war-muriyeedkan ku tarjumaan luqdaha looga hadlo Koonfurta Suudaan si dad badan u dareemaan lahaanshiyo, bulshada gudaha joogtana ay uga qeyb-qaataan hirgelinta.

Arrimaha Soomaaliya;

Waxaa si fiican loo ammaanay warbixinta ergeyga IGAD ee Soomaaliya, waxaana la xoojiyey kalsoonida lagu qabo dowladda Soomaliya ee la xiriirta xaqiiqinta degenaanshiyaha dalka.

Waxaa la qiray dib u soo kabashada dhaqaalaha iyo warbixintii dhowwaan soo saartay hey’adda  International Monetary Fund (IMF)-ta iyo kalsoonida ay muujiyeen ganacsatada iyo qeybaha kale.

Waxaa la is tusay baahida loo qabo in hiil iyo hooba lala garab istaago dib u dhiska hey’adaha dowliga ah, waxaaba beesha caalamka loogu baaqay inay taageeraan dadaallada arrimahaas loogu jiro.

Waxaa naga go’an in aan sii wadno, qeybna ka sii ahaanno dadaallada hannaanka nabadeynta gobolka guud ahaan, gaar ahaanna Koonfurta Suudaan iyo Soomaaliya.

Dib-u-habeynta IGAD:

Waxaa loo dib dhigay shir ka dhici-doona Djibouti December 2018, waxaana la faray Secretariat-ka IGAD inay ka shaqeeyaan howlaha loo baahanyahay.

Goobjoog News