U bood dhigaalka

Akhriso War-murtiyeedka: Farmaajo iyo Afwerki Oo Ku Heshiiyey Ka Hortagga Xogaha Siyaasadeysan

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo Madaxweynaha Eritrea Mudane Isaias Afwerki, oo kulamo kulahaa Muqdisho (13-kii ilaa 14-kii bisha Diseembar, 2018)  ayaa la sheegayaa iney isku afgarteen arrimo ka dhan ah mucaaradka.

Qodobbada War-murtiyeedka ayaa u qornaa:

Labada Madaxweyne waxay wadahadallo ku yeesheen Villa Soomaaliya, waxayna ku heshiiyeen inay xoojiyaan xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyada oo si dhaw la isaga kaashanayo dhammaan dhinacyada danta u ah labada dal sida ganacsiga, maalgashiga iyo xiriirka tooska ah ee labada shacab.

Madaxweyneyaashu waxay ka dhawaajiyeen sida ay uga go’an tahay in la dardargeliyo iskaashiga Geeska Afrika iyada oo xoogga la saarayo iskaashiga heer gobol ee dhinacyada horumarka, horusocodka iyo barwaaqada.

Madaxweyne Isaias waxa uu bogaadinayaa, soona dhaweynayaa dadaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu dhisayo, laguma tayeynayo hay’ado amni oo ay Soomaalidu leedahay, kuwaas oo awood u leh in ay dammaanad qaadaan nabadda iyo amniga ay dadka Soomaaliyeed istaahilaan.
Iyaga oo si buuxda u garawsan baahida loo qabo in la helo hannaan lagula tacaalo halista casriga ah ee argagaxisada iyo saboolnimada. Labada Madaxweyne waxay ku heshiiyeen in ay sii wadaan abuuridda iskaashi xooggan oo dan u ah labada waddan iyo guud ahaan gobolka.

Labada Madaxweyne waxay isla qireen inay jiraan caqabado badan oo ay tahay inay si wadajir ah xal ugu raadiyaan. Sidoo kale, waxay ku heshiiyeen in ay mideeyaan taageeradooda iyo dadaalkooda wadajirka ah si loo xalliyo caqabadaha ay labada waddan si gaar ah iyo guudba u waajahayaan.

Madaxdu waxay isla garteen in iskaashi heer gobol oo waxtar leh uu muhiim u yahay ka gudubka dhibaatooyinka nabad la’aanta, argagaxisada, saboolnimada iyo xaalufka deegaanka ee gobolku wajahayo.

Labada Madaxweyne waxaa ay garawsanyihiin in nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya ay dan ugu jirto dadka Soomaaliyeed iyo gobolka guud ahaan, iskudey kasta oo lagu carqaladeynayo dardarta ka socota gobolka waxaa ay shaki la’aan curyaamineysaa horumarka ay Soomaaliya ka sameyneyso dhinacyada nabadda iyo dib u heshiisiinta.

Madaxdu waxaa ay mideysan yihiin ka hortagga faafinta xog kasta oo halis ah, raad aan laheyn, siyaasadina dabada ka riixeyso, waxaa ay dhammaan ugu baaqayaan nabadda iyo xasloonida Soomaaliya.

Goobjoog News