U bood dhigaalka

Akhriso: War murtiyeedka Ka Soo Baxay Shir Madaxeedka IGAD Oo Dhameystiran

Sheeko:Dalka

Shir madaxeedka IGAD ee Isniintii ka dhacay Adis Ababa waxaa laga soo saaray war murtiyeed si aad ah looga hadlay xaallada Koofurta Suudaan.

War murtiyeedka waxaa magaca Soomaaliya lagu sheegay labo jeer, marka la sheegayey ka soo qeybgalka ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Khayre iyo ergey gaar ah oo IGAD u soo magacawday Soomaaliya, inta kale waxaa looga hadlay Koonfurta Suudaan iyo dalal kale.

Madaxda IGAD waxaa ay si aad ah u adkeeyeen in loo baahan yahay shirar caalami ah oo looga hadlayo arrinta Koonfurta Suudaan, in la sii wado dib u heshiiisiinta, la adkeeyo xabad joojinta, la taageero dalalka martigeliya qaxootiga iyo in lagu dadaalo howlaha banii’aadamnimada iyada oo la ciqaabayo ciddii carqaladeysa.

War Murtiyeedka, Halkan Ka Akhriso:

  1. Waxaa la tilmaamay war-murtiyeedyada ay horay IGAD iyo IGAD plus uga soo saareen xiisadda Koofurta Suudaan bishii August 2015.
  2. Waxaa la qaatay warbixinta uu soo gudbiyay madaxa guddiga qiimeynta iyo dabagalka ee Festus Mogoe.
  3. Waxa ay qadarin u muujiyeen dadaalka uu wado guddoomiyaha guddiga dabagalka si uu ugu caawiyo kooxaha in horumar laga gaaro xagga ammaanka iyo dimuqaraadiyadda.
  4. Waxaa la qiray in horumar-ka illaa hadda laga gaaray sidii lagu dhisi lahaa dowalad qaran oo ku meel gaar ah,  gole baarlamaan iyo sameynta Dastuur ku meel gaar ah.
  5. Waxaa lagu celiyay inay muhiim tahay fulinta dhammaan heshiisyadii la gaaray si dalkaasi looga hirgaliyo nabad iyo xasilooni.
  6. Waxaa la soo dhaweeyay wada hadalka qaran ee uu ku baaqay madaxweyne Salva Kiir, kaas oo uu ku dhawaaqay 22 bishii May 2017, waxaana lagu dhiiro galiyay xukuumadda ku meel gaarka ah in ay la timaado qorshe dadka kulmiya, daahfurnaan iyo  hufnaan ku dheehan.
  7. Waxay soo dhaweeyeen ku dhawaaqista hal dhinac ah ee madaxweyne Salva Kiir ee xabad joojinta iyo sida taliyeyaashiisa uu ugu amray inay joojiyaan xabadda, iyagoo oo ugu baaqay kooxaha mucaaradka in ay dhankooda xushmeeyaan xabad joojinta.
  8. Waxaa ay si aad ah u cambaareeyeen dagaallada socda ee dhexmaraya dowladda iyo mucaaradka, kuwaas oo sababay in malaayiin ay ka qaxaan Koofurta Suudaan isla markaana ay magan galaan wadamada deriska.
  9. Waxaa ay caddeeyeen in kooxaha ku dagaallamaya Koonfurta Suudaan ay si isku mid ah ay mas’uul uga yihiin dhibaatada bani’aadanimo ee ka jirta dalkaasi, IGAD oo kaashaneysa Midowga Africa iyo Qaramada Midoobay waxa ay talaabo ka qaadi doonaan qof ama kooxdii lagu helo howlo ka dhan ah bani’aadanimada ama waxyeeleeya xaquuqul inasaanka.
  10. Waxaa ay ka shallaaynayeen dib u dhaca ku yimid in ciidamo la geeyo dalkaasi iyaga oo go’aansaday in kulan loo qabto dowladaha ciidamada soo diraya, dowladda qaran ee ku meel gaarka ah iyo Qaramada Midoobay si looga hadlo waxa hortaagan .
  11. Waxaa la isla gartay in gargaar bani’aadanimo lala gaaro dhammaan muwaadiniinta Koofurta Suudaan si aan kala sooc laheyn .
  12. Waxaa ay walaac ka muujiyeen dilka loo geysto shaqaalaha hay’adaha gargaarka, iyaga oo dowadda ku meel gaarka ugu baaqay in ay qaado tallaabooyin lagu fududeynayo howlgallada bani’aadanimo isla markaana caddaaladda lagu horkeenayo dadka fal-dambiyeedka ka gala howl-wadeennad gargaarka.
  13. Waxaa la ammaanay dadaallada xukuumadda KMG ah ay wado sida dhismaha guddiga la socda howlaha gargaarka bani’aadanimo iyo in waddooyin cusub ay u furto, waxaa ammaan taas la mid ah loo soo jeediyay dowladaha Suudaan iyo Kenya .
  14. Xubnaha ku jira urur goboleedka IGAD waxa ay xaqiijinayaan in ay hal meel ka taagan yihiin dhibaatada iyo xalka Koofurta Suudaan iyaga oo soo qaatay wadashaqeynta dhexmartay guddoomiyaha IGAD, gudoomiyaha Midowga Afrika iyo xogheyaha guud ee Qaramada Midoobay .
  15. Waxaa ay ku baaqeen in shir heer sare ah loo qabto kooxaha Koonfurta Suudaan oo looga hadlayo xabad joojinta, hirgalinta heshiisyada iyo in waqti loo sameeyo doorasho dimuqaraadi ah oo dalka ka dhacda. Golaha xogheynta IGAD oo kaashaneysa dadka ay arintaani khuseyso in ay howsha fududeeyaan .
  16. Waxaa loogu baaqay Midowga Yurub iyo IGAD qabashada shir ay ka qeybgalayaan saaxiibada JMEC oo looga hadlayo arimaha lagu soo qaaday qodobka 15-aad.
  17. Waxaa la aqoonsaday taageerada ay beesha caalamka ka geeysatay arrimaha bani’aadanimada, dagaallada iyo abaaraha ka jira Koofurta Suudaan, iyada oo loogu baaqay beesha caalamka inay labo jibaaraan dadaalkooda ay culeyska uga qaadayaan dowladaha deriska ee marti-galiyay qaxootiga Koofurta Suudaan .
  18. Waxaa loo mahadceliyay Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay, Trika, Shiinaha, IPF, deeq-bixiyeyaasha iyo saaxiibada Koofurta Suudaan ee ku aadan taageerada dib u heshiisiinta, nabadda iyo xasiloonida Koofurta Suudaan.

Goobjoog News