U bood dhigaalka

Akhriso: War Murtiyeedka Laga Filayo Shirka London

Sheeko:Dalka

Shir looga hadlayo aayaha Soomaaliya ayaa hadda ka socda magaalada London, waxaa ka qeyb galaya madaxda Soomaalida iyo beesha caalamka, waxaana lagu wadaa in halkaasi looga dhawaaqo heshiis cusub oo ay galaan Soomaalida iyo caalamka.

Goobjoog News, waxaa ay heshay War Murtiyeedka Shirka oo hor-u-dhac ah iyo qodobada la filayo in ay ka soo baxaan, qodobada war murtiyeedka oo gaaraya illaa 31 qodob, waxaa ay ka hadlayaan 5 arrin oo muhiim ah.

Hadaba, Halkan Ka Akhriso, War Murtiyeedka Laga Filayo Shirka London:

Qodobka 1aad: Nabad-galaya(Strengthening national security): Qeybtan oo aad muhiim u ah, waxaa  shirka London lagu soo dhaweeyay heshiiskii taariikhiga ahaa ee madaxda Soomaalida ku gaareen magaalada Muqdisho  April 17, 2017-kii kaas oo lagu sameeyay  “Habdhiska Amniga Qaranka”.

Qodobkan waxaa kale uu jira in Soomaalida lagu dhiirigeliyay in ay hubiyaan sidii amniga dalka ay gacanta ugu dhigi lahaayeen, in hoggaamiyeyaasha Soomaalida ay ka shaqeyaan doorashada 2021-ka, waxaana la isku afgartay in beesha caalamka ay lacag malaayiin Dollar ah ku bixiso tababarka iyo dib-u-habeynta ciidamada Booliiska iyo Militariga Soomaaliyeed.

Soomaaliya Hub Waa Soo iibsan Kartaa: Waxaa kale oo lagu heshiiyay in Soomaaliya ay hub  soo iibsato ama keensato si amnigeeda gacanta ugu dhigto, in la sameeyo hab ama system lagu maamulo hubkaasi si ugu dambeyntii u suura gasho qaadista cunaqabateynta hubka, qaabkan waxaa loogu yeeraa Comprehensive Approach to Security (CAS).

Hub Ka Dhigis Iyo Dhaqan Celin: Waxaa la soo dhaweeyay cafiska madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu u fidiyay Al-shabaab, waxaana la sheegay in loo baahan yahay barnaamij ka hor tagaya askareynta caruurta, xoojinaya Xuquuqul Insaanka iyo in la sameeyo qaab hub ka dhigis ama barnaamij-ka Disarmament, Demobilisation, and Reintegration (DDR) .

Waxaa la soo dhaweeyay barnaamijka dib u heshisiiinta ee federaalka iyo maamul goboleedyada ku heshiisyeen ee loo yaqaano Wadajir National Framework.

In laga shaqeeyo sidii AMISOM uga bixin laheyd Soomaaliya iyo sidii amniga ula wareegi lahaayeen ciidamo Soomaaliyeed.

Qeybtan amniga waxaa ku jira, qeybsiga Kheyraadka dalka, in lala dagaalo burcad badeedda, in la xoojiyo sharciyada la xiriira iyo sidoo kale in laga wada shaqeeyo isla xisaabtan dhab ah.

Qodobka 2aad: Dammaanad-Qaad Caalami Ah(International Security Guarantee): Amisom ayaa looga mahadceliyay sida ay wax uga qabatay amniga Soomaaliya, waxaana la adkeeyay in ciidamada AMISOM ay helaan lacag joogta ah.

In ciidamada Soomaalida loo diyaariyo sidii ay ula wareegi lahaayeen amniga markii ay baxdo AMISOM

In dib u eegis lagu sameeyo AMISOM ka hor [July 2017].

Qodobka 3aad: Xasilmooni Siyaasadeed(More Inclusive Stable Politics): Waxaa lagu heshiisyay in la dhameystiro dib u eegista dastuurka, in la abuuro siyaasadda inclusive politics ah, in dowladda iyo baarlamaanka arrinkaasi ka shaqeeyaan.

Waxaa kale oo go’aan lagu gaaray  qaabkii loo sameyn lahaa resource sharing, qaabka siyaasad cusub, cadaaladda federaalka iyo arrimo kale.

Shirka October: In la sameeyo roadmap ay ku cadahay doorashada qof iyo codkiisa ah ee 2021. Arrintaas waxaa lagu falan-qeyn doonaa shirka heerka sare ee dhici doona bisha October 2017.

Waxaa kale oo la soo dhaweeyay kaalinta qurbajoogta iyada oo lagu taliyay in haweenka la siiyo kaalimo muhiim ah

Qodobka 4aad: Dhaqaalaga, Accelerating Somalia’s Economic Recovery: Waxaa lagu heshiiyay in la xoojiyo dhaqaalaha Soomaaliya gaar ahaan (agriculture, fisheries and livestock), Tamarta, Xawaaladaha iyada oo laga shaqeynaayo National Development Plan.

Cafinta Deymaha: Waxaa lagu heshiiyay in la abuuro jawi ay ku wada hadli karaan Soomaaliya iyo hey’adaha maaliyadda caalamka International Financial Institutions (IFIs) , In deymaha laga cafiyo Soomaaliya iyo in Soomaalida dhankeeda ay la dagaasho Musuqa si loo helo sharciyad caalami ah.

Qodobka 5aad: Heshiiska Cusub(New Partnership Agreement): Maanta waxaa shirka looga dhawaaqay heshiiska cusub kaas oo badalaya New Deal Compact,

Heshiiskan cusub waxaa ay Soomaalida iyo beesha caalamka ku wada shaqeyn doonaan qaab isla xisaabtan  ku jiro oo waqtiyeysan, waana heshiis lagu xoojinayo hey’adaha qaranka.

Waxaa lagu heshiisyay in New Partnership Agreement la qiimeeyo lix bil kasta, oo laga shiro wixii horumar ah iyo wixii kale ee caqabada ah oo sanadkiiba labo jeer lagu xisaabtamayo.

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye,

Qoraalkan Lama qaadan karo ogolaashiyo la’aan