U bood dhigaalka

Akhriso: War-murtiyeedka Shir Madaxdeedka Ururka Islaashiga Islaamka ee Magaalada Maka

Sheeko:Dalka

War-murtiyeedka shir madaxdeedka ururka iskaashiga  Islaamka ee jimcihii ka dhacay magaalada barakeysan ee Maka ayaa looga hadlay faragelinta Iran, duqeynta Xuutiyiinta, Falastiin iyo arrimo kale.

Shirka waxaa lagu dheeraaday faragelinta Iran ay ku heyso dalalka badan oo Carab ah sida Sacuudiga, Imaaraadka iyo Baxreyn, waxaa kale oo la dhaleeceeyey duqeynta ay Xuutiyiinta u geysteen goobo shidaal oo ku yaala dalka Sacuudiga.

Suuriya, waxaa uu shirka isku raacay in aaney aqoonsaneyn wax walbo oo ka hor imaanaya go’aannada caalamiga, isla markaana badalaya jirintaanka dhulka iyo dad meel ku nool.

Shirka  waxaa uu dhaleeceeyey aqoonsiga Qudus ay Mareykanka ugu aqoonsadeen caasimadda Israel iyaga oo ku celiyey xaqa Falastiiniyiinta u leeyihiin dowlad

Kooxda ayaa sidoo kale waxaa ay ka digeen Islamophobia iyaga oo ugu baaqay dalalka ay ku nool yihiin muslimiinta tirada yar iney ixtiraamaan dadkaasi, kana hortagaan dhibka loo geysanayo.

Dhinaca kale, shir madaxdeedka iskaashiga Islaamka ee Maka waxaa ka maqnaa hoggaamiyeyaasha Turkiga iyo Iran, waxaa sidoo kale dhaleeceynta Iran ka gaabsaday dalka Ciraaq.

Goobjoog News