U bood dhigaalka

Akhriso: War-murtiyeedka Shirka Iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya Oo Dhameystiran

Sheeko:Dalka

Waxaa goordhow la soo saaray war-murtiyeedka shirka Iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya kaas oo muddo 2 maalin ah ka soconayey magaalada Muqdisho iyada oo la xusay in waxyaabo badan la qaban lahaa haddii aaney isku dhici laheyn dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada.

Halkan Ka Akhriso: War-murtiyeedka Shirka Iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya:

Beesha caalamka waxaa ay dowladda Soomaaliya ku ammaantay horumarka laga gaaray maamulka maaliyadda, uruurinta canshuuraha, habeynta hey’adaha amniga, dhulalka muhiim ah oo laga qabsaday Al-shabaab, dib u heshiisiinta iyo arrimo kale.

Waxaa la soo hadalqaaday caqabado badan oo ay ka mid yihiin shaqo abuur la’aanta jirta, koror la’aanta dhaqaalaha dalka, la dagaalanka Al-shabaab, ka jawaabista arrimaha banii’aadnimada iyo dhismaha siyaasadda loo dhan yahay oo ilaalisa xuquuqda dadka laga tirada badan yahay.

Soomaalida iyo beesha caalamka waxaa ay ku heshiiyeen qorshe mideysan oo isla xisaabtan oo ah arrimaha ay muhiim tahay in xoogga la saaro ka hor December 2020, waxaa la isla qiray in wax badan la qaban lahaa haddii ay si fiican u wada shaqeyn lahaayeen dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada, waxaana hadda lagu heshiiyey in labada dhinac ka wada shaqeeyaan arrimaha amniga, siyaasadda, dib u habeynta iyo arrimo kale.

Soomaaliya waxaa ay balanqaaday iney sii wadeyso howlgallada amni iyo dagaaladda ka dhanka Al-shabaab iyo dib u habeyn lagu sameeyo amniga, garsoorka, hey’adaha xuquuqul insaanka. 2020-ka waxaa higelinta howlahan ka wada shaqeyn doona Soomaalida iyo beesha caalamka oo taageeri-doonta, in la ilaaliyo xuquuqda aadanaha ee meelaha Al-shabaab laga qabsaday, in dib u habeyn lagu sameeyo ciidamada, lacag bixinta iyo tallaabooyin kale sida in ciidamada AMISOM u baxaan si aayar ah oo Soomaalida la wareegto ammmaanka iyo in dowladda federaalka ah ay gacanta ku dhigto amniga caasimadda Muqdisho.

Soomaaliya waxaa ay balanqaaday iney ka soo bixi doonto shuruudaha ku xusan heerka 4-aad ee qiimeynta IMF si ay uga mid noqoto sanduuqa kabka horaanta 2020-ka, waxaa ay beesha caalamka soo dhoweysay shirkii dhowaa Adis Ababa, waxayna dhiirigelisay in la sii joogteeyo.

Si ay u dhacdo doorasho qof iyo cod 2020/2021, baarlamaanka Soomaaliya waxaa uu balanqaaday in sharciga doorashada ay ka dhamaadaan December 2019 iyo in la dhameeyo dib u eegista dastuurka June 2020, si loo meelmariyo dastuurka, loo dhiso maxkamadda dastuuriga, guddiga adeegga garsoorka, waxaa kale oo la sii wadi-doonaa dib u heshiisiinta, in haweenka iyo qeybaha kale ee bulshada ka qeyb galaan arrimaha siyaasadda iyo arrimo kale.

Waxaa kale oo dowladda Soomaaliya balanqaaday iney ahmiyad siiso shaqo abuurka dhalinyarada, xal iney u hesho barakacayaasha iyada oo la socodsiinayo qorshaha qaranka, waxay beesha caalamka balanqaaday iney arrimahaas ka taageerto dowladda iyo in laga jawaabo abaarta in ka hartay 2019-ka, waxaa kale oo lagu heshiiyey maamulka biyaha, horumarinta ganacsiga gaarka ah, horumarinta kaabayaasha dhaqaale. Dowladda Soomaaliya waxaa ay balanqaaday iney dhisto qorshe qaran oo wax looga qabanayo isbadalka cimilada iyo sharciyo badan.

Waxaa lagu heshiiyey in NGO yada ay ku shaqeeyaan sida sharciga dhigayo, oo la meelmariyo qorshe qaran oo arrinkan la xiriira iyo in dastuurka uu ilaaliyaa NGO-ska iyo arrimaha la xiriira xuquuqda aadanaha.

Waxaa kale oo la ammaanay ciidamada xoogga dalka iyo AMISOM sida geesinnimada leh ee ay naftooda ugu huraan dib u soo celinta nabadda Soomaaliya, waxaa kale oo ay Soomaaliya beesha caalamka uga mahadcelisay sida ay uga taageerto dhismaha dowladnimada, horumarka iyo degenaanshiyaha ay Soomaalida oo ka dhan ka faa’ideysato.

Goobjoog News