U bood dhigaalka

Akhriso: War-murtiyeedka Shirka Madasha Aragti Wadaagga Soomaalida ee sannadlaha ah

Sheeko:Dalka

Madasha Aragti Wadaagga Soomaalida ee sannadlaha ah, oo kulmisa haldoorka Soomaalida meel walba oo ay joogaan, waxay markii saddexaad ku qabsoontay caasimadda Jamhuuriyadda Djibouti, intii u dhaxeysay 15-19-kii December 2019. Madasha waxaa  qabanqaabiya Machadka Daraasaadka Siyaasadda ee Heritage ee fadhigiisu yahay Muqdisho, waxaana marti galiya Jamhuuriyadda Djibouti. Halkudhigga Madasha sannadkan wuxuu ahaa: “Kaalinta Soomaalida ee Nabadda Geeska Afrika: Dabar Furidda Kartida Ummadeed (Human Capital) Si Loo Hiigsado Horumar Baahsan”. Madasha waxaa looga hadlay mowduucyo fara badan oo taabanaya qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaalida, waxaana kasoo qayb galay 180 qof oo isugu jira masuuliyiin, ganacsato, aqoonyahanno, dhallinyaro, haween iyo dadka u ololeeya arrimaha Soomaalida. Arrimaha diiradda lagu saaray waxaa kamid ah:

(a) Nabadda Geeska Afrika (b) Arrinta Somaliland (c) Horumarinta Kartida Ummadda (d) Ganacsiga (e) Siyaasadda iyo doorashooyinka Soomaaliya, Somaliland iyo guud ahaan gobolka (f) Kaalinta dhallinyarada.

Nabaddeynta iyo Horumarinta Dadka Soomaalida

Shirka waxaa lagu gorfeeyey xaaladda amni ee gobolka iyo doorka ay dadka Soomaalida ah ka qaadan karaan nabadaynta geyiga. Madashu waxay ugu baaqaysaa hoggaamiyeyaasha Soomaalida inay dardar-galiyaan nabadeynta dadka iyo deegaanka Soomaalida.

Madashu waxay aqoonsan tahay doorka weyn ee ay haweenku ka qaateen badbaadinta ummadda Soomaaliyeed. Waxayna ku dhiirrigelineysaa hoggaamiyeyaasha Soomaalida inay u aqoonsadaan kaalinta mugga leh ee ay kaga jiraan bulshada. Madashu waxay ku dhiirrigelinaysaa Machadka Heritage inuu kordhiyo ka qaybgalka haweenka kulammada noocan ah, islamarkaana lagu daro kulammada amuuraha khuseeya haweeynka.

Sida ka muuqata daraasaadka iyo doodaha lagu soo bandhigay shirka, waxaa lama huraan ah in la kordhiyo, lana tayeeyo kartida dadka (human capital) Soomaalida ah, si ay ula tartamaan ummadaha kale ee ku nool Geeska Afrika iyo qaaraddaba. Sidaa darteed, Madashu waxay ugu baaqaysaa hoggaamiyeyaasha dadka Soomaalida ah inay ka shaqeeyaan sidii loo hormarin lahaa kartida aqoonta iyo caafimaadka shacabkooda.

Madashu waxay saluug ka muujisay tirada kooban ee ardeyda ah ee fursadaha waxbarasho hela, guud ahaan gayiga Soomaalida. Waxayna u aragtay arrin murugo leh in inta badan da’yarta Soomaalida ah aysan fursad u helin waxbarasho aasaasi ah. Sidoo kale, waxaa jirta in  waxbarashada kooban ee ka jirta geyiga Soomaalida ay tayadeedu hooseyso. Haddaba, Madashu waxay ugu baaqaysaa  oggaamiyeyaasha inay muhimadda koobaad siiyaan sidii ay waxbarasho tayo leh u gaarsiin lahaayeen inta ugu badan da’yarta. Madashu waxay soo jeedinaysaa in sannadka 2020 loo aqoonsado “Sannadka Waxbarashada Soomaalida”, halkudhigna looga dhigo “Yaan ubadka looga tegin aqoon la’aan.”

Dhaqaalaha la galiyo caafimaadka dadka Soomaalida ah waa mid aad u kooban. Madashu waxay  oggaanka Soomaalida ah, meel kasta oo ay joogaan, ugu baaqeysaa in ay culeyska saaraan sidii loo kordhin lahaa adeegyada caafimaadka ee ay dadku u baahan yihiin.

Tayeynta kartida dadku waa inay noqotaa mid dhammeystiran, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada iyo caafimaadka. Dad tayo leh ayaa la tartami kara caalamka intiisa kale.

Madashu waxay ugu baaqaysaa qof kasta oo Soomaali ah inuu qeybta kaga beegan ka qaato  orumarinta waxbarashada iyo caafimaadka.

Madashu waxay aad u bogaadineysaa kaalinta ay diblomaasiyiin Soomaliyeed ka qaadanayaan xasillinta gobolka Geeska Afrika. Madashu waxay si gaar ah ugu hambalyeyneysaa Danjire Maxamud Dirir, kaalinta uu ka qaatay soo afjaridda khilaafaadkii siyaasadeed ee dalka Sudan, isagoo wakiil ka ah dalka Itoobiya iyo Midowga Africa. Sidoo kale, Madashu waxay bogaadineysaa kaalinta Danjire Ismaaciil Wacays, oo ah u qaybsanaha gaarka ah ee urur goboleedka IGAD ee amuuraha Koonfurta Sudan, ahna diblomaasi ruuga caddaa ah kana soo jeeda Jamhuuriyadda Djibouti.

  1. Jamhuuriyadda Jabuuti

Madashu waxay mahad ballaaran u jeedineysaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo si hagar la’aan ah u marti sooray kasoo qayb galayaasha madasha, isagoo sii adkeeyay kaalinta hormuudka ah ee ay Jamhuuriyadda Djibouti ugu jirto dhammaan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan weeleynta aqoonta, dhaqanka iyo haldoorka. Guud ahaan shacabka iyo dowladda Jamhuuriyadda Djibouti waxay muujiyeen sida ay hiil iyo hooba ula garab taagan yihiin dadka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan iyo aragti walba oo ay leeyihiin.

Madashu waxay Jamhuuriyadda Djibouti ka codsaneysaa inay sii xoojiso kaalintaas qiimaha iyo qaayaha leh. Madashu waxay Jamhuuriyadda Djibouti u aqoonsatay xuddunta shacab weynaha Soomaaliyeed ee Geeska Afrika.

Madashu waxay bogaadinaysaa doorka muuqda ee ay Djibouti ka qaadatay nabadeynta Soomaalida, gaar ahaan shirarkii dib-u-heshiisiinta, dowladihii lagu dhisay halkan, ciidamada hiil walaal iyo dardar-gelinta wadahadallada Soomaaliya iyo Soomaaliland. Madashu waxay ku dhiirrigelinaysaa inay sii kordhiso doorkaas dahabiga ah.

  1. Soomaaliya

Madashu waxay ka tacsiyeyneysaa dadki ku dhintay daadadkii dhawaan ka dhacay gobollada kala duwan ee Soomaalida. Madashu waxay aad u bogaadineysaa gurmadka ay sameeyeen shacabka  Soomaalidu. Waxayna ku baaqaysaa in laga tabaabusheysto aafooyinka dabiiciga ah ee soo noqnoqda.

Madashu waxay dhiirrigelinaysaa kordhinta dhaqaalaha ay dowladdu ku bixiso waxbarashada iyo adeegyada kale. Waxayna ugu baaqaysaa madaxda Soomaaliya in si mug leh loogu soo jeesto kobcinta kartida dadka ee dhanka aqoonta iyo caafimaadka.

Madashu waxay walaac ka muujineysaa xiisadaha siyaasadeed ee Soomaaliya hareeyay sannadkan, waxayna ugu baaqaysaa dowladda Soomaaliya iyo saamileyda siyaasadeed inay amuurohooda ku dhammeystaan wadahadal iyo isqancin iyo u tirid shacabka. Si gaar ah, madashu waxay ku baaqaysaa in saamileyda siyaasaddu ka heshiiyaan hannaanka doorashooyinka 2020-ka, lagana fogaado wax walba oo keeni kara kicinta xiisado siyaasadeed iyo khalkhal amni. Madashu waxay sidoo kale ku baaqaysaa in doorashooyinkaas ay ku qabsoomaan wakhtigii loo muddeeyay si loo dhowro sharciyadda dowladnimada, loona xoojiyo hannaanka dimoqraadiga ah.

Madashu waxay ugu baaqaysaa Dowladda Soomaaliya inay dib usoo nooleyso wadahadalladii ay la laheyd Somaliland ee yoolkoodu ahaa in isqancin iyo isku tanaasul lagu dhammeeyo arrinta

Somaliland oo ah mid masiiri ah.

Madashu waxay ku ammaaneysaa Dowladda Soomaaliya ahamiyadda weyn ee ay siineyso barnaamijka cafinta deynta, waxayna ugu baaqaysaa ummadda Soomaaliyeed in la taageero barnaamijkaas. Madashu waxay si weyn ugu mahad celineysaa saaxiibbada Soomaaliya ee iyana sida weyn u taageeray barnaamijka cafinta daynta.

Somaliland

Madashu waxay walaac ka muujineysaa xiisadaha siyaasadeed ee toddobaadyadii lasoo dhaafay ka aloosnaa Somaliland ee la xiriiray Guddiga Doorashooyinka. Madashu waxay soo dhaweyneysaa dadaalka nabaddoonnimada ah ee ay sameeyeen qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland, si loo soo afjaro xiisadahaas, loona dhowro nabadda deegaannda Somaliland.

Madashu waxay sidoo kale ugu baaqaysaa Somaliland inay sii waddo wadahadalkii kala dhaxeeyay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, si xal waara looga gaaro arrinta Somaliland.

III. Hoggaanka Dowlad-Deegaanka Soomaalida

Madashu waxay bogaadineysaa kaalinta muuqata ee ay Dowlad-Deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya uga jiraan dalkaas, gaar ahaan xilligan kala guurka ah. Madashu waxay sidoo kale bogaadineysaa dowladda gobolka Soomaalida sida ay isaga xilsaartay nabadda iyo dibu heshiisiinta dadka walaalaha ah ee Soomaalida gobolkaas.

Madashu waxay dhiirri galineysaa in Soomaalidu ay laba jibbaaraan kaalinta ay uga jiraan guud ahaan dalka Itoobiya, ha ahaato mid siyaasadeed iyo mid dhaqan-dhaqaaleba. Iyadoo laga faa’ideysanayo isbaddalka cusub, Madashu waxay ugu baaqeysaa madaxda iyo shacabka dowladdeegaanka Soomaalidu inay hormuud ka noqdaan doodaha muhiimka ah ee gobolka ka socda.

Madashu waxay soo dhaweyneysaa ballanta uu qaaday Madaxweyne Mustafa Muxumad Cumar ee ah in siyaasadda arrimaha dibadda ee Itoobiya ee ku beegan Soomaaliya ay ka duwanaan doonto middii hore, noqotana mid ku qotonta isku soo dhaweynta Soomaalida, ilaalinta madax bannaanida iyo midnimada Soomaalida.

Madashu waxay ku baaqaysaa in la fududeeyo isku socodka dadka Soomaalida ah iyo ganacsigaba.

Arrintaasi waxay horseedeysaa inuu bullaalo ganacsiga gobolka Geeska Afrika, waxayna qayb ka tahay go’aankii ay gaareen madaxda Midowga Afrika ee yoolkiisu ahaa in dadka qaaraddani ay si bilaa shiddo ah isugu gooshaan, islana ganacsadaan.

  1. Hoggaanka Soomaalida Kenya

Madashu waxay bogaadineysaa kaalinta baaxadda leh ee ay Soomaalida Kenya uga jiraan dalkaas, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo hoggaanka bulshada. Madashu waxay sidoo kale bogaadineysaa sida ay Soomaalida Kenya usoo dhaweeyaaan walaalohood Soomaaliyeed, uguna fududeeyaan inay dalkaas si nabad ah ugu noolaadaan, kana ganacsadaan.

Madashu waxay ugu baaqaysaa hoggaanka Soomaalida Kenya inay ka shaqeeyaan horumarinta xiriir ku dhisan ixtiraam iyo deris-wanaag ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya. Madashu waxay ku dhiirri galineysaa dowladaha Soomaaliya iyo Kenya inay kiiska badda uga dambeeyaan Maxkamadda Caddaaladda Dunida ee haatan gacanta ku haysa, isla markaana ixtiraamaan qaraarka kama dambaysta ah ee Maxkamaddu qaadato.

Madashu waxay ku dhiirrigelinaysaa hoggaanka Soomaalida Kenya inay xal u raadiyaan arrimaha saameynaya ganacsiga oo guud ahaan dan u ah gobolka Geeska Afrika. Madashu waxay ugu

baaqaysaa hoggaanka Soomaalida Kenya inay arrimaha ganacsiga carqaladda ku ah ee taagan ay

wax ka qabtaan, sida burburinta hantida shirkadaha taleefoonnada Soomaalida.

Madashu waxay ugu baaqaysaa hoggaanka Soomaalida, heer walba, inay ka shaqeeyaan fududeeynta isku socodka dadka deggan soohdinta labada dal. Arrintaasi waxay horseedeysaa inuu bullaalo ganacsiga u dhaxeeya dalalka Geeska Afrika. Waxayna qayb ka tahay go’aankii ay gaareen madaxda Midowga Afrika ee yoolkiisu ahaa in dadka qaaraddani ay si bilaa shiddo ah isugu gooshaan, islana ganacsadaan.

  1. Soomaalida Qurbaha

Madashu waxay bogaadineysaa kaalinta muuqata ee ay Soomaalida qurbuhu ku yeelanayaan dalalka ay u hijroodeen. Madashu waxay Soomaalida qurbaha ku ammaaneysaa inay ka dhex muuqdaan bulshooyinka ay la nool yihiin, iyagoo masuuliyiin waaweyn ka noqday dalalka USA, UK, Canada, Norway, Sweden iyo kuwa kale. Waxayna ku dhiirri galineysaa inay laba jibbaaraan dadaalkooda. Madashu waxay ugu baaqaysaa inay xoojiyaan dhaqanka iyo afka.

Madashu waxay ku bogaadineysaa Soomaalida Qurbaha kaalinta hormuudnimo ee ay uga jiraan horumarinta dadka Soomaalida ah ee Gobolka Geeska Afrika. Waxayna ugu baaqeysaa Soomaalida qurbaha inay kordhiyaan ka shaqeynta hawlaha tayeynta kartida dadka (capacity building).

Madashu waxay ugu baaqeysaa Soomaalida qurbaha inay uga ololeeyaan dalalka joogaan horumarinta danaha dadka Soomaalida ah ee Geeska Afrika.

Beesha Caalamka

Gunaanad

Madashu waxay mahad ballaaran u jeedineysaa dowladda iyo shacanka Jabuuti. Sidoo kale, Madashu waxay u mahad celineysaa Machadka Heritage, dadaalka culus ee uu dhabarka u ritay, waxayna ku dhiirri galineysaa inuu sii wado dadaalkaas.

Madashu waxay kaloo mahad ballaaran u jeedineysaa shirkadaha iyo hey’adaha taageeray  Madasha Aragti Wadaagga Soomaalida, gaar ahaan kuwa Soomaalida ah.

Madashu waxay soo jeedineysaa in kulanka sannadka soo socda laga dhigo mowduuca madasha u dabbaaldeggidda iyo qiimeynta 20-guurada shirkii dib-u-heshiisiinta ee Carta ee dib loogu yagleelay dowladnimada Soomaaliya.

Goobjoog News