U bood dhigaalka

Akhriso: War-murtiyeedka Shirka Wadatashiga Dastuurka Ee Ka Dhacay Kismaayo

Sheeko:Dalka

Waxaa caasimadda dowlad goboleedka Jubbaland ee Kismaayo talaadadii lagu soo gabagabeeyey shir Wadatashi ah oo socday muddadii u dhexeysay 7 ilaa 9 Abriil 2019.

Shirka  waxaa isugu yimid Hay’adaha Dastuurka ee heer Federaal iyo heer Dawladaha Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka oo ka kooban Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS, Guddiga Dib-u-eegista iyo La-socodka Hirgelinta Dastuurka, Guddiga Madaxbannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, Guddoonnada Baarlamaannada DXF, Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka DXF, Guddiyada Dastuurka

Baarlamaannada DXF iyo Maamulka Gobolka Banaadir. Shirka waxaa furey Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan. Waxaa shirka lagu soo bandhigay loogana doodey cutubyada 1aad ilaa 9aad ee dib u eegista lagu sameeyey.

Mawduucyada:Jubaland