U bood dhigaalka

Akhriso: War Murtiyeedka Shirkii Amniga Ee Brussels, Belgium

Sheeko:Dalka

Shirka amniga ee bishan 1-keedii,  Soomaalida loogu qabtay magaalada brussels ee xarunta dalka Belgium ayaa laga soo saaray war-murtiyeed.

Shirkan oo ay ka qeyb-galeen dalalka beesha caalamka waxaa ka soo baxay ilaa 10 qodob, iyada oo ay ugu muhiimsanaayeen 5tan hoos ku qoran:

1. Waxaa la isla gartay inuu bilowdo wajiga 1aad ee qorsha ciidamada Soomaalida ay amniga kala wareegayaan kuwa AMISOM, sida howl-gallada, arrimaha farsamada kaas oo la soo gabagabeyn-doono wejigiisa 1aad June 2019.

2. In dib u habeyn iyo dhaqaale loo helo diiwaan-gelinta ciidamada, in faro laga qaado, rayidka la socdaan howlaha ciidamada, xeerar loo dejiyo howl-gabka ciidamada, shaqo ka dirista dadka da’da ah ee ciidamada ku jira, isku dhafka iyo xataa tababarkooda.

3. In dhaqaale loo helo sidoo kale sidii amniga loogu wareejin lahaa Soomaalida, laga hirgeliyo qorshe 3 tiir oo arrintaas udub dhexaad u ah sida:

  • In lagu dhaqaaqo howl-gallo oo ay ku jiraan tirada, isku dhafka ciidamada iyo arrimaha la xiriira
  • Awood-siinta ciidamada, tababarkooda iyo arrimaha la xiriira
  • In la taageero helidda xasillooni sida dhismaha dowladaha hoose, hirgelinta adeeg bulsho iyo in Al-shabaab laga saaro meelaha ay heystaan.

5. Shirka waxaa laga sheegay in beesha caalamka ku faraxsantagay horumarka dowladda federaalka ah ka gaartay arrimaha la xiriira cafinta deynta, iyaga oo midowga Yurub ay ballan-qaadeen in ay dowladda Soomaaliya kala hadlin-doonaan sidii ay ugu taageeri lahaayeen miisaaniyadda ilaa  ‎€100 Milyan

5. Ugu dambeyntii, waxa la isku afgartay in shirkii Soomaalida iyo dalalka daneeya ee dhaqaalaha lagu qabto isla dalka Belgium 26 June ee sanakan.

Wafdiga Soomaalida ee shirka ka qeyb-galay ayaa saaka ku soo laabtay Muqdisho, waxaana lagu wadaa in ay saxaafadda la hadlaan saacadaha soo socda.

Goobjoog News