U bood dhigaalka

Akhriso: War-murtiyeedka Shirweynaha Qaran Ee Siyaasadda Dhallinyarada Soomaaliyeed

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta Muqdisho lagu soo gagababeeyay shirweynaha Qaran ee siyaasadda dhallinyarada Soomaaliyeed, kaas oo furmay 17-kii bishan.

 

Hadaba, Goobjoog News, waxaa ay akhristayaasha la wadaageysaa war murtiyeedka oo dhameystiran.

  1. In si wada jir ah looga qeyb qaato dhaqan galinta siyaasada qaran ee dhalinyarada.
  2. In la howl-geliyo golaha dhainyarada qaran KMG ah,si uu unoqdo meel ay hogaamiyaasha dhalinyarada ku sameeystaan, kuna bartaan hogaaminta wanaagsan  looguna olaleeyo danaha dhalinyarada Soomaaliyeed.
  3. In dhalinyarada loo abuuro fursado shaqo.
  4. In loo sameeyo kulamo joogta ah si loo xoojiyo iska warqabka dhalinyarada loona helo dhalinyaro u ababulan horumarka dalka.
  5. In dhalinyaradu hesho adeegyada aasaasiga u ah sida waxbarasho tayo leh caafimaad
  6. In culimadu ay ku yeeshaan door muhiim u ah jiheynta maskaxda dhalinyarada lagana wacyi geliyo figradaha xagjirnimada.
  7. In qof walba oo dhalinyaro ah lagu dhiiri galiyo waxyaabaha hibada gaarka ah uu leeyahay.
  8. In aqoonta dhallinyarada diini iyo mid maaddiba ah kor loo qaado.
  9. In mudnaanta 1aad la siiyo dhallinyada dalka wax u baratay, si ay u buuxiyaan fursadaha ajanaiibta heysato.
  10. In la helo goobo lagu madadaalliyo dhallinyarada.
  11. In dastuurka JFS ee KMG ah lagu cadeeyo xuquuqda dhalinyarada Soomaaliyeed xiliga lagu jiro dib u eegista.
  12. In ay helaan caddaalad iyo nidaam dowladnimo oo kala haga.
  13. In a baro waddaniyadda iyo qiimaha dalku leeyahay.
  14. In kaalin muhiim ah ay ku yeeshaan siyaasadda iyo dowladda qeybaheeda kala duwan.
  15. In loo muujiyo kalsooni iyo tixgalin waxyaabaha ay qaban karaan.
  16. In la ilaaliyo manhajka waxbarashada tayadiisa laga wada tashto arimaha dhaqaalaha iyo maalgashiga lagana qeyb galiyo dhalinyarada.
  17. In garab istaag iyo dhiiri galin loo sameeyo dhalinyarada ku tiirsan kheeyraadka dalka (beeraha kallumeysiga iyo xanaanada xoolaha)
  18. In la isku xiro ganacsatada iyo dhalinyarada si ay u helaan fursado shaqo loona abuuro sanduuqa horumarinta dalka.
  19. Waa in dhalinyaradu isku kaashato sidii dalka loo hormarin lahaa qof kastana xil is kaga saaro sugidda ammaanka daka iyo tagaeerida dowladnimada si aan u gaarno Nabad iyo Nolal hormarsan.
  20. Waa in dhaliyaradu kaalin mug le ka qaataan caafimaadka, faaya dhowrka, Nadaafadda waxbarashada , fanka iyo suugaanta , ciyaaraha. caawinta dhalinyarada baahiyaha gaarka ah qaba ,bilic soo celinta magaalooyinka iyo guud ahaan dalka soomaaliya.
  21. In dhalinyarada loo sameeyo xarumo ay ku kulmaan ayna fikradooda ku kala qaataan.
  22. In dhallinyaradu bartaan taariikhda ummadda soomaaliyeed si ay wax uga bartaan isagana jiraan qalalaadkii hore iyo fikradaha guracan ee xagjirnimada ah.

Goobjoog News