U bood dhigaalka

Akhriso: War-Murtiyeedka Shirweynaha Wadatashiga Ee Hannaanka Dib U Heshiisiinta Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Shirweynaha Wadatashiga Qaran ee Hannaanka Dib-u-heshisiinta Soomaaliya 17, June 2017 BISMILLAAHI RAXMAANI RAXIIM, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib-u-heshiisiinta iyo ergooyinkii shirka ka soo qaybgalay, waxay si wayn ugu faraxsan yihiin in Shirweynaha Wadatashiga Qaran ee Hannaanka Dib-u-heshiisiinta oo hal-ku-dheggiisu ahaa “isku daalnaye, maxaynoo dana!” si habsami leh u qabsoomay intii u dhexaysay 13 ilaa 17ka June 2017.

Shirweynahan Qaran waxaa ka soo qayb galay ergo matalaysey dadka Soomaaliyeed oo ka kala yimid Dowlad Goboleedyada, Maamulka Gobolka Banaadir iyo marti-sharaf ka kala socday qaybaha bulshada oo tiradoodu isku ahayd 220 xubnood.

 Ujeedooyinka ugu waaweyn shirwaynuhu waxaa ay ahaayeen: ee

  1. In la sameeyo xog-ururin iyo falanqayn la xiriirta khilaafaadka ka jira dalkeena Soomaaliya.
  2. In la ogaado baahida dib-u-heshiisiineed ee dalka ka jirta una baahan in wax laga qabto, iyo
  3. In la isla aqoonsado awooddaha, aqoonta iyo xirfadaha aan nabadda ku ilaalin karno waxna kaga qaban karno khilaafyada iyo yagleelida aasaas nabadeed oo dalka iyo dadka oo dhan gaara

Si loo gaaro ujeeddooyinkaan, waxaa hab-socodka shirka wadatashiga loo agaasimay labo qaybood oo ku astaysan yoolka Shirweynaha iyo qaybo dhextaal ahaa oo isugu jirey suugaan iyo khudbado dhammaan kaabis u ahaa midho-dhalka shirka.

Labada qaybood oo kala ahaa:

  1. In ergooyinkii Shirweynaha loo jeediyey mawduucyo aasaas u ah gaarista hannaan dib-uheshiineed oo loo dhan yahay, si qoto-dheerna u qeexaya nuxurka uu yeelan karo hannaankaasi iyo heerarkiisa kala duwan. Qaybtaan waxaa lagu lafa-guray mawduucyada hoos ku qoran waxaana soo jeediyey khubaro shirka kala shaqaynaysay Wasaaradda.
  2. Xaaladda nabadeed iyo khilaaf ee dalku maanta ku sugan yahay
  3. Dib-u-heshiisiinta iyo Dhaqanka Soomaaliyeed
  4. Diinta Islaamku waxa ay ka qabto dib-u-heshiisiinta
  5. Cadaaladda xilliga kala-guurka iyo dib-u-heshiisiinta
  6. Kaalinta Haweenka Soomaaliyeed ku leeyihiin nabaddaynta iyo xallinta khilaafaadka
  7. Aragtiyo la xiriira nabadda, xallinta khilaafaadka iyo Soomaalida laga tirada badan yahay
  8. Kaalinta warbaahintu ku leedahay nabadda iyo xallinta khilaafaadka
  9. Waayo-aragnimadii iyo casharradii laga bartay dadaalladii dib-u heshiineed ee bulshadu hogaaminaysay iyo dadaaladii dhidibada loogu taagay maamuladii hore u dhismay
  10. Qaybta labaad waxa ay ku saabsanayd falanqayn ku aadan xal-u-helidda khilaafka iyo mushkiladda ugu weyn ee dalkeenna ka taagan ee heer qaran iyo xog-ururin ay ka-qayb-galayaasha shirku ku lafo-gureen kadibna ku soo bandhigeen khilaafyada baahsan ee ka jira guud ahaan dalka, isla markaana waxa ay soo bandhigeen sidii xal waara loogu heli lahaa. Federal Republic of Somalia Ministry of Interior, Federal Affairs & Reconciliation Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-u-heshiisiinta جمهورية الصومال الفيد را لية وزارة لشؤون الداخلية والفيد رالية والمصالحة Xog–ururintii Ergada Shirweynaha Ergooyinka shirweynuhu, iyagoo ku salaynaya macluumaadkii ay xambaarsanaayeen mawduucyadii loo soo jeediyey, waxaa u suurtogashay in ay si sahlan, heer qaran iyo heer deegaanba u fariistaan isla markaana u asteeyaan khilaafyada hadda taagan ee wax-ka-qabashada u baahan, heer qaran iyo heer gobolba.

Si loo helo xogo dhammaystiran oo abbaaraya macluumaadka loo baahan yahay, waxaa ergada loo qaybiyey su’aalo hagaya una fududaynaya in ergadu falanqeeyaan khilaafyada heerarka kala duwan leh. Nuxurka Shirka Kasoo Baxay

  1. In dadka Soomaaliyeed, meel kasta oo ay joogaan, u diyaar-garoobaan dib-u-heshiisiin dhab ah oo dhammaystiran
  2. Si dib-u-heshiisiin waarta, laga wada raali yahay oo xanaf-tiran loo helo, waa in la dejiyo HANNAAN (hab-raac dhammaystiran) oo jeexaya waddadii (roadmap) loo mari lahaa dib-u-heshiisiin isu soo celisa kalsoonidii iyo walaaltinimadii dadka Soomaaliyeed ee colaaddu kala irdhaysay
  3. In la is barbar wado dhammaystirka dawladnimo iyo dib-u-heshiisiinta bulsho, si ay labadaasi isu kaalmeeyaan
  4. In dejinta hannaanka dib-u-heshiisiintu noqdo mid talo badan la galiyey oo turxaan baxsan kalsooni buuxdana lagu wada qabo, la wada leeyahay, isla markaana abbaartiisu tahay hirgelinta dib-uheshiisiin gun weyn oo dhab ah, kuna qotonta run, cadaalad iyo is-cafis
  5. In hindisaha dib-u-heshiisiinta hogaamintiisa iyo hirgelintiisuba ay noqdaan kuwo Soomaaliyi iska leedahay, u madax-bannaan tahay, oo gacanta ku hayso bilaw ilaa dhammaad
  6. In ay dawladdu agaasinto oo fududayso hirgelinta hannaanka dib-u-heshiisiinta iyada oo la kaashanaysa dowlad goboleedyada iyo khubarada Soomaaliyeed ee nabadaynta iyo xallinta khilaafaadka ku xeeldheer Baaqa

 Shirka Shirku waxa uu ku baaqayaa:

  1. In ay dowladdu hirgeliso balanqaadkeedii dib-u heshiisiinta
  2. In dowladdu mudnaan gaar ah siiso dhaqaalena u qoondayso deminta khilaafyada hadda taagan ee dhiiggu ku daadanayo si hanaanka dawladnimadu u hanaqaado
  3. In la taageero oo la tayeeyo hay’adaha iyo qaybaha bulshada ee u xil-saaran deminta khilaafyada iyo mushkiladaha ergooyinka shirku xogtooda uruuriyeen
  4. In dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyaduba si degdeg ah wax uga qabtaan cadaaladdarrooyinka sida qaybsiga khayraadka, adeegyada, awoodda (metelaadda). Sidoo kale xadgudubyada ka dhan ka ah bani’aadanimada arrimahaas oo ay ergooyinkii shirku marar badan kusoo celceliyeen.
  5. Shirku wuxuu ku baaqayaa in la dedejiyo istaraatiijiyada iyo qorshaha dib-u-heshiisiint, isla markaana si degdeg ah looga hawl galo colaadaha taagan

. Fiiro Gaar ah: dhammaan macluumaadkii laga soo jeediyey shirka oo faahfaahsan waa keyd ummadeed waxaana haysa Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta