U bood dhigaalka

Akhriso: Wararkii Ugu Dambayey Khasaaraha Dabka Suuqa Waaheen

Sheeko:Dalka

Duqa magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland Cabdikariin Mooge ayaa warbaahinta u sheegay in 48-saac ee la soo dhaafay dabkii ka kacay suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa uu ka dhashay khasaaro maaliyadeed oo gaaraya 2 Bilan oo dolar.

Xilli ay weli socdaan gurmadka iyo samata bixinta qaar kamid ah alaabaha ku gubtay dab xooggan oo ka kacay suuqa ugu wayn magaalada ee Waaheen ayaa waxaa weli isa soo taraya khasaaraha kala duwan ee ka dhalanaya.

Shacabka iyo maamulka Somaliland ayaa wada sidii gurmad loola garab istaagi lahaa khasaaraha ka dhashay dabka ka kacay Hargeysa.

Ciidamada dabdamiska iyo howl wadeenada nadaafadda ayaa dhankooda wada sidii loo hagaajin lahaa bilicda caasimadda kadib dabkii habeen hore ka kacay suuqa Waaheen.

Dalal fara badan ayaa gurmad u fidiyay Somaliland, xilli ay dowladaha deriska qaar kamid ah gurmadka ay qayb ka qaateen kadib dabka.

Goobjoog News