U bood dhigaalka

Akhriso: Wararkii ugu dambeeyay weerar ciidamada Canfarta ay ku qaadeen Dowlad Deegaanka Soomaalida

Sheeko:Amniga

Waxaa xaalad kacsanaan ah ay ka jirtaa gobolka Siti ee dowlad deegaanka Soomaalida, kadib markii ay weerar ku soo qaadeen ciidamada Canfarta.

Ciidamada Canfarta ayaa la sheegay in weerar ay ku soo qaadeen deeggano ka tirsan gobolka Siti, halkaas oo ay ku dileen qaar kamid ah ciidamada dowlad deegaanka iyo dad shacab ah.

Wararka deegaanka ka imaanaya ayaa sheegaya in khasaaraha dhimashada uu sii kordhayo, xilli dadka shacabka ah ay wadaan iskacaabin ka dhan ah Canfarta.

Canfarta ayaa sidoo kale maxaabiis ahaan u qabsaday qaar kamid ah ciidamada militeriga ee dowlad deegaanka Soomaalida, waxaana ay gacanta ku dhigeen deeganada dhaca galbeedka gobolka Siti.

Maamulka dowlad deegaanka iyo kan dowladda dhexe ee Itoobiya, ayaan weli ka hadlin dagaallada ay ciidamada Canfarta ah ku qaadeen dhulka Soomaalida.

Sikastaba dagaalka Canfarta iyo Soomaalida ayaa ah mid soo noqnoqda, waxaana muddo dhowr jeed oo horay ah ay labada deegaan kala saxiixdeen heshiisyo nabadeed.

Goobjoog News