U bood dhigaalka

Akhriso: Wararkii Ugu Dambeeyey Xaaladda Magaalada B/weyne

Sheeko:Amniga

Wararkii ugu dambeeyey ee ka imaanaya magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay ka taagan tahay xiisad u dhaxeysa ciidankii shalay ku dagaallamay deegaanka Kalabeyr.

Waxaa gudaha magaalada ka socda dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo qalqal geliyey shacabka ku dhaqan degmadaasi, sida uu soo sheegayo wariyaheenna C/risaaq Al-cadaalla.

Ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada B/weyne ayaa aad u adkeeyey ammaanka xarunta gobolka ee magaaladaasi, waxaana dadweynaha loo diidayaa iney maraan nawaaxiga xaruntaasi.

Xaaladda magaalada B/weyne ayaa maalinba maalinta ka dambeysa cirka isku sii toleysa, iyadoo weli aanu jirin xal rasmi ah oo la gaaray.

Xiisaddan ayaa salka ku haysa kadib markii uu Yuusuf Dabageed iska diiday xil ka qaadis dhowaan lagu sameeyey.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News