U bood dhigaalka

Akhriso: Warbixin Ka Hadleysa Faa’idooyinka Caafimaad Ee Cabista Biyaha

Sheeko:Caafimaadka

Iyadoo la isku raacsanyahay cabista  badan ee biyaha in ay ahmiyad gaar uleedahay dadka ayey haddana dad badan oo aan ku baraarugsaneyn faa’iidooyinka caafimaad ee cabsita biyaha ayaa waxaa jira dad badan oo aan cabista biyaha badsan.

Waxaa muuqanaya sawirro muujinaya in dadka qaarkood ay aragtidoodii hore ee cabista biyaha  ay wax ka badaleen, dadkan ayaa isgu jira kuwo helay waanooyin dhaqtareed oo ah in ay biyo badan cabaan iyo dad looga sheekeeyey faa’idooyinka kala duwan ee cabidda biyaha ay u leeyihiin naflaha.

Waxaa daliil u ah arrintaan oo muujinaya fahamka biya cabista iyadoo ay caadi noqotay in lagu arko goobaha shaqada iyo wadooyinka dad wata caagag casri ah oo sida galaaska u sameysan kuwaas oo biyo lagu soo dhaamiyey.

Xasan Bashiir Maxmaed oo ka mid ah dadka kunool magaalada Muqdisho ayaa kamid ah dadka sida joogtada ah biyaha u caba hadaba muxuu faa’ida ah uu ka dhaxlay.

“ Biyo cabista waxaan ka fahmay maqaarka oo aad u qurxanaanayo, biyaha waxaa ay ka hortagaan cudurrada qaar iyo Feyruusyada”.

Badanaa dhaqaatiirta ayaa talooyin waxaa ay bulshada ku siiyaan inay badiyaan cabista biyaha oo xanuunno badan ay kaga baaqsan karaan, waxaana dadkaasi qarkood ay sidaasi  ku dhaqan-galiyeen talooyinkii waxaa ka mid ah yuusuf Cabdiraxmaan  oo hadda bilaabay inuu qaato talada dhaqtarka.

“ Qofka marka uu biyaha badsado waxaa uu iska dareemayaa caafimaad wanaagsan aniga inaan biyaha cabo waxaa igula taliyey dhaqtar”.

Cabista biyaha badan caafimaad ahaan waa u side dadka waxaa ka hadlaya Dr Cawaale Maxamed Cabdullahir “ Cabista biyaha waa kaalin asaasi u ah qofka noloshiisa, waxay difaacaan cudurro badan xidida jirka ayey qooyaan qofka waxaa ay u furan cuntada qaar ka mid h cudurrada waa u daawo oo ay ka midka yihiin daalka”.

Cabdiwahab Maxamed Ibraahim

Goobjoog News